Dawladdii Dhexe ee
Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed waxay burburtay sannadkii 1991ki. Bulshadii
Soomaaliyeed ee dalkeedu burburay dunida inteeda kale way ilawday. Qaarkood
xilligaas waa isku tashadeen sida Somaliland, halka qaar kalena dagaalo ay ka
sii curteen, sida Somalia.
Dunidu
way ka aamustay ka dib markii uu guuldarraystay hawlgalkii Maraykanku
hoggaaminayey ee Qaramada Midoobayna ku jirtay ee loogu magac daray “Soo
Celinta Rajada”. Taasi waxay keentay in dunidu faraha ka qaado Somalia. Macaluul,
colaado iyo falal dembiyeedyo abaabulan ayaa gudaha dalka ka socday laakiin
dunidu dareen may siin. Kumanaan qof ayaa ku dhimanayey maalin walba dagaalo
sokeeye, dumar badan ayaa la kufsanayey, kumanaan ciyaal ah ayaa la
askaraynayey iyada oo dhammaan falalkaasi haddii ay ka dhici lahaayeen meel aan
ahayn Somalia la samayn lahaa farogelin degdeg ah iyo in la maxkamadeeyo
saraakiisha ku lugta leh sida dalal badan oo caalamka ah ka dhacday.
Waxaase
indhaha caalamku u soo jeesteen Somalia markii duruufaha xasilooni darro ee
gudaha ka jiray ay halis geliyeen amnigii caalamka sida budhcad badeed iyo
kooxaha xagjirka ah. Labadaasiba waxay si weyn u taabteen amniga dunida iyo
dhaqaalaha caalamka.
Haddaba
jawaabta labadaas laga bixiyey waxay noqotay in lala dagaalamo oo keliya kooxaha
ku lugta leh islamarkaana wadamada deriska ah loo ogolaado inay gudaha soo faro
geliyaan. Nasiib darro wax xal ah taasi ma keenin. Sida ay baahisay hay’adda
xuquuqal insaanka u dooda ee Human Rights Watch weli waxaa ka socda Somalia ku
xadgudubka xuquuqda aadanaha, gaar ahaan kufsiga haweenka oo xataa gaadhay in
ciidamada nabad ilaalintu ay hab abaabulan uga ganacsadaan jidhka haweenka
iyaga oo ka faa’iidaysanaya duruufaha dhaqaale ee dalka ka jira.
Somaliland
iyadu way ka badbaaday xasilooni darradaa Somalia ka jirta. Way la dagaalantay
kooxaha dembiilayaasha abaabulan, waxay qaadatay nidaamka is xukun habka
dimoqraadiga ah. Waxa la ansixiyay dastuur ilaaliya xuquuqda aadanaha, waxana
la qabtay doorashooyin is-daba joog ah oo dadku fursad u heleen inay u
codeeyaan cida xukumaysa. Laakiin dhammaan tallaabo kasta oo Somaliland u
qaadday dhinaca dimoqraadiyadda iyo ilaalinta amniga gobolka jawaabteedu waxay
noqotay in lagu abaal mariyo go’doomin caalami ah.
Kadib
weeraradii dhacay sannadkii 2001 ee lagu bartilmaameedsaday daarihii ganacsiga
dalka Maraykanka waxay dhalan-rogmay shuruucdii wadamada dunida ee muhiimadda
siinayey xuquuqda aadanaha. Waxaana soo kor maray in mudnaanta la siiyo ammaanka.
Taasi waxay keentay in la soo saaro shuruuc aan tixgelin badan siinayn nolosha
dadka iyo xuquuqda aadanaha toonna laakiin ku foogan amniga guud. Taasina waa
sababta keentay in bangiyadu ay aad uga baqaan nooc kasta oo lacag diris ah
waayo waxaa ka dambeeya shuruuc faraysa inay aqoonsadaan cidda lacagta diraysa
iyo cidda loo dirayo.
Haddaba
Xawaaladuhu waxay noqdeen cidda samata bixisay dadkii Soomaaliyeed ee la
illaaway. Sida dalalka kale ee Afrikaanka ah dadka qurba joogta ah ayaa lacag
badan u soo dira qoysaskooda danyarta ah ee dalkooda ku nool. Nasiib darro
xilligan waxaa la joojiyey xawaaladihii (dalka Maraykanka) taasina waxay halis
gelinaysaa kumanaan qof. Waxaa malaayiin qof oo xawaaladaha ku tiirsan loo ciqaabayaa
hal qof oo dembiile ah. Way dhacaysaa in qof ku dhex dhuunto laakiin kee xaq
mudan malaayiin qof oo la dayacay oo aan haysan dawlad oo ku nool goobo colaado
ka jiraan in loo ciqaabo qof dembiile ah?
Taasi
miyaanay dhiirigelin u noqon karin cidda la leeyahay waa dembiilayaal ee awgood
dadkan loo go’doomiyey in fikradooda dadka danyar ahi u dhega nuglaadaan? Waxaan
beesha caalamka u soo jeedinaynaa inay tixgeliyaan xuquuqda dadka danyarta ah
ee aan la siyaasadayn. Waxaan codsanaynaa in la taageero baaqii Senator Keth
Elison ee xataa Madaxweyne Obama saxeexay ee ahaa in loo qiil dayo hannaanka
lacag dirista Somalida gaar ahaan in la fududeeyo shuruucda la xidhiidha
dhinaca lacag dirista.
Waxaan
dunida leenahay meel cidlo ah ha kaga tegina dadka Soomaaliyeed ee ku eega
indho naxariis leh, haddiise lagu guul darraysto in la dhawro xuquudooda
aasaasiga ah ee ah inay nooladaan, waxay bulshada danyarta ah baraysaa inaan
dunidu run ka sheegayn ilaalinta xuquuqda aadanaha, hase ahaatee ay tahay la
jiifiyaana bannaan.
Guleid
Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
No comments:
Post a Comment