Culimada afka sida dhow u deristay iyo
taariikhyahanada qaarkood waxaay ereyga wadaad u kala qaadeen wad iyo aad. Wad wuxuu
ahaa baa la yidhi Ilaah ay Soomaalidu caabudi jirtay intaan Islaamku soo
gaadhin. Waxaay taas u sii daliishadeen in tusaale ahaan marka qofku dhinto
aynu nidhaahno waxa dilay wad. Waxa u yimi wadkii. Cidda waxa dishaana waa uun
Ilaahay. Ciddaas aynu u astaynay inay leedahay awoodda dilista ama ka qaadista
nafta ayay Soomaalidu u tiqiin wad.
Waxa jiray dad u darbanaa Wadka oo aan shaqo kale
aqoon. Waxaay ahaayeen dhul mar u heellan diintooda. Waxa loo bixiyay wadaad
(Wad Aad). Waa qofkii u socday Ilahaay. Wadaadkaasi markaa wuxuu ahaa qof ka
sokow aqoonta diimeeda sida ereyga ka muuqata ku heellanaa fidinteeda ama ku
shaqaynteeda.
Markii waayo dheer dabadeed Soomaalida ay soo gaadhay
Islaamnimadu ereyadii diimeed qaar badan oo ka mid ah waxaay ku isticmaaleen
diintoodii cusbayd (Islaamnimada). Koodii arimaha diinta bartay ama u heelanaa
waxaay ugu yeedheen sidii caadada u ahayd wadaad.
Ka hor sodonkii sanadood ee u danbeeyey waxa dhulka
Soomaalida ku xooganayd (welina ku xoogan miyiga) Suufiyada. Suufigu waa ruux
neceb dunida iyo dhaqashadeeda. Wuxuuna u go’aa caabudista Ilaahay. Waa dhul
mareen aan dhulka iyo dadku u kala soocnayn oo aan kala xigtaysan. Dadku sidaas
bay u aqoonsadeen oo ku ixtiraameen. Wadaadka markaa reeruhu ma tirsan jirin,
aanona looma dilin jirin.
Sodonkii sanadood ee u danbeeyey waxa hoos u dhacay
saamaynta Suufiyada. Wadaadkii markaa wuxuu noqday nin iska caadi ah oo tukaan
leh, shaqaysta oo dadka xoogsada ka mid ah. Waa nin lacag leh oo aan aduunka
dhaqashadeeda diidanayn. Waa danlay sida dadka kale oo mararka qaarkood dano
aduunyo ayaa la isku diidaa. Nin baa wadaad Soomaaliyeed loo ammaanay. Markaas buu
yidhi lexjeclo ayaan idin dhex marin.
Inkasta oo is bedel ku yimi ninkii aqoonta diimeed lahaa
oo aanu hada ahayn nin diinta qudha u go’an, hadana ereygii loogu yeedhi jiray
isma bedelin. Weli waa wadaad, yaanuba noqon mid Ilaahay u socdee. Malaha Tabliiqa
ayaa wadaado dhab ah hadii eregya isticmaalkiisii hore la eego.
Hadaba, sidee loo qeexaa wadaadka casriga ah? Ma gadhka
iyo qamiiska ayaynu shardi uga dhignaa? Ma inuu aqoon diimeed leeyahay baynu
shardi uga dhignaa? Ma inuu afkaar diimeed oo gaar ah leeyahay baynu shardi uga
dhignaa? Ma inuu masaajid haysto baynu shardi uga dhignaa?
Qeexitaanka iyo suuradda uu qaadan doono wadaadka
casriga ahi waxaay ku jirtaa xaalad aan weli kala cadayn oo aan si sahlan sidii
waagii hore loo qeexi karin. Waa se hubaal in ereygu noqday mid cidba sidii ay
ula eekoonaato ay u isticmaasho. Waxaase biyo kama dhibcaan ah in sidii ereygu
asal ahaan jiray in yari uun ku sifoobayso.
Afeef:
waxa mahad leh aanna raali gelin siinayaa aqoon yahaynka aan aragtidodoa soo
xigtay balse aanan magac sheegin.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
No comments:
Post a Comment