Tuesday 24 May 2016

Somalia cashar ay ka baran karto Somaliland

Markii 2012 kii la caleemo saaray madaxwayne aan shaqsi ahaan hore loogu aqoon, waxa dunidu rajaynaysay in 2016 Somalia ay gaadho heer ay dadwaynuhu dooran karaan madaxdooda. 2016 waxaay ahayd bar-tilmaameed fog oo la hiigsanayo. Maanta oo todobaado aan badnayni ka hadheen maalintii la sugayay, waxa ka holcaya Xamar dab siyaasadeed ku qotoma sidii loo soo xuli lahaa cid doorata madaxda Somalia.

Muranka jiraa wax wayn kama duwana kii taagnaa 2012 kii markii si dhaqso ah oo fool eri ah loo qabtay xulashada xubnaha Baarlamaanka iyada oo ay gacan wayn ku lahayd beesha caalamka oo si wayn u rabtay in si uun doorasho u dhacdo. dastuurkii markaa yiil waa la iska baal maray oo nidaam jacbur ah baa loo qotomiyay Baarlamaan hal aqal ah.

 Ku dhowaad afar sanadood iyada oo ay tageen, waxa la is waydiinayaa waxa ku cidhiidhyay siyaasiyiinta Somalia waqtiga ee ay u doonayaan inay xalliyaan oo dhameeyaan wax ay ahayd in la bilaabo afar sano ka hor?

Aniga oo aan jawaab ka bixinayn su’aashaa, waxa muhiim ah in Somalia ay ka barato Jamhuuriyadda Somaliland afar arimood.
     (1)  Lahaanshaha: hadii nidaamka aad wax u dooranayso u noqon waayo mid aad adigu leedahay hab ahaan, iyo marinka loo marayoba, waxa ay u badan tahay inaan guul laga gaadhin. Somaliland waxaay dhib badan kaga bad baaday inay u gaar ahayd iskana lahady nidaamka ay wax u wado.

     (2)   Dood loo dhan yahay: mudo dheer Somalia waxa lagu muransan yahay in la qaato iyo inaan la qaadan federaal iyo Aqal Sare oo lagu soo kordhiyo nidaamkii halka aqal ahaa ee Somalia tiqiin. Doodahaasi waa kuwo samada ku taqlan oo dhex yaal dad tiro yar. Waxa haboonayd in doodu noqoto mid sal balaadhan balse gunaanad leh. Dood aan dhamaad lahayni waa guul darro iyo gudoon jileec. Waxa haboonayd inay mid uun qaataan oo dabadeed joojiyaan ka daba hadalka.

     (3)   Hoos ka dhisid: nidaamka Somalia dhamaantii waa mid dusha ka yimaada oo aan hoosta ka dhisnayn. Iyada oo tuulooyinka iyo degmooyinka colaadi ka jirto oo aan dadkuba heshiis ahay baa dawlad dhisid la bilaabay. Waxa haboonayd inay horta bilaabaan dib u heshiisiin iyo in dadku laqaan ama ka heshiiyaan waxay isku hayaan. Dad aan heshiisba ahayn dawlad ma wada dhisan karaan, is aaminaadina ma jiri karto.

     (4)   Isu-tanaasul: waxaa xudun u ahayd Somaliland dhismeheeda tanaasul. Tanaasulku waa inaad ka tagtid waxaad xitaa u aragtid inaad xaq u leedahay adiga oo ku laqaya waxa guud ee aad wadaagtaan. Hadii ay markaas dhab ka tahay in ay nabad helaan, Somalia madaxdeedu waa inay  u tanaasulaan middaas. Maxaay isugu qabsan madaxnimo iyo wax la mid ah hadii dalkiiba burbursan yahay? Saw ma ahayn in kursiga la kala hororsado marka la helo dal jira oo shaqaynaya.  

Guleid Ahmed Jama

Hargeisa Somaliland 

No comments:

Post a Comment