Somaliland waa dal yaab badan. Somaliland rasmi ahaan
kama mid ah wadamada dunida. Cidina ma aqoosana. Dadwaynaha ku nooli waa mid
aad u yar. Dadka badiyaa waxaay ku sheegaan ilaa 3.5 oo miliyan (sadex iyo badh
milyan). Dhulkiisu waa mid qalalan oo ay ku yar yihiin biyuhu. Dhaqan ahaan wax
beerashadu kuma badna. Waxaay aad u dhaqdaan xoolaha. Magaaladda u wayni waa
Hargeysa oo dadka degan lagu qiyaaso wax ka yar hal milyan.
Sidaas oo ay tahay waa dal dhan oo shaqaynaya, leh
dawlad, iyo nidaam. Waxa laga soo unkay dambaska. Sanadkii 1991kii markii ay
dhacday dawladii madaxwaynihii keligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre,
waxa magaalooyinka Somaliland lagu soo noqday iyaga oo burburay oo dhulka lala
simay. Ku dhowad sadex sanadood oo dagaal aan kala go’ lahayn ah darteed,
magaalooyinkii iyo noloshii ku hoos jirtay way burburtay.
Maanta oo laga joogo 25 sanadood, qiimaynta aad saari
kartaa waa mid aan sugnayn. Dhinac markaad ka eegtid horumar iyo nolol horusocod
ah ayaa kuu muuqnaya. Dad ay ka go’an tahay inay dhistaan dalkooda oo ay ka
shaqeeyaan noloshooda ayaad arkaysaa. Hooyo aroortii u kalahaysa sidii ay u soo
xoogsan lahady si ay wax u tarto qoys danyar ah oo ay dhashay, nin kaaryoone
riixaya si uu quutal daruuriga uga soo saaro, mid bir tumaya, iyo mid wax kale
ku fooggan ba dadku dantooda ayay ka shaqaynayaan. Cashuurna way bixiyaan si
kasta oo ay noloshu ugu adag tahay.
Sidaas oo ay tahay hadana, waxa dhex socda qalalaad
aad u culus oo hantaaqo wayn ku ah dadaalka dan yarta. Kuwa wax is biday ee
aqoonta leh ayaa halis ku ah in Somaliland sii jirto ama gaadho halka ay u socoto.
Culimada Islaamka ee diinta ku tegay waxaay mudo badan
dadka uga digayeen in jacaylka aduunyadu uu halis badan yahay. Waxaay markaas
dadka ugu yeedhi jireen inay xagga Waynaha u noqdaan oo ay cabsidiisa badiyaan.
Waxa la isku raacsan yahay in kuwa aduun raadisku
madax maray hadii aan loo samayn dabar iyo xadhko xidha aanay dhergayn. Dhereg la’aantoodu
waxaay keentaa inay cunaan tiirarka bulshadu ku taagan tahay. Sida xarka ayay u
jilciyaan ilaa ay bulshada dhulka afka u daraan.
Markaas waxa bulshada isku haya oo ay ugu horayso
caddaaladda, is-jacaylka, wax wada qaybsiga, sinaanta, isku xukunka sharciga
intuba waa ku cadow kuwa aduun jacaylku indho tiray. Iyagu waxyaalo dhawr ah
ayay cudur daar ka dhigtaan oo nafohooda u sheegaan ama dadka. Haseyeeshee jiritaanka
umadda ayay ka soo horjeedaan.
Waxa aan shaki ku jirin in hadii aan kuwa lacagta
badan haysta iyo kuwa awoodda haya aan la kala ilaalin oo aan loo dejin sharci
adag oo bulshada inteeda kale ka celiya, in bulshada badankeedu ku dulmanaan doonto
dabadeed ay hadhow kici doonaan iyaga oo ah duufaano aan la celi karin, la iska
caabiyin karin. Markaas bay burburaan wax walba oo hore u jiray. Waa casharo
taariikhda ku suntan. Xitaa qisooyinka Quraanka ayaa lagu sheegay inaan dulmigu
raagi karin wax lagu tanaado oo dan guud wax u tartana aanu noqon karin. Markaas
baa dadka looga digay, tusaalayaalna loogu soo qaatay quruumu jiray waayo badan
hortood. Haba fogayn, hada u fiirso aduunka waxa ka dhacaya.
Sidaasdarteed, waxa taladu tahay in si loo siman yahay
la iskugu xukumo sharciga loona raaco sida uu u yaal, in qofkii hanti badan leh
ama awood badan leh ama awood badan ka agdhoowi aanu ka dheeraan dadka, kana
yeelan mudnaan. Eebe ba dadka ma kala sarraysiin. Ma yasin qaarkood. Kuwa caawa
Hargeysa ku gaajoonaya iyo kuwa ku dheregsan Eebe hortii waa siman yihiin, waloow
taajirku yasayo, walow ka markaas xoogga gacanta ku hayaa uu mar walba isla saxan yahay.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin
No comments:
Post a Comment