Thursday 20 October 2016

Nabadda iyo caddaaladda

Dagaalkii dhiigga badani ku daadatay ee maatada lagu uur dooxay wuxuu ka soo gebo-geboobay Somaliland 1991 kii markii dawladdi Maxamed Siyaad Barre laga baacsaday dhulka Somaliland. Jabhadii dalka qabsatay iyo wax-garadkii reer Somaliland waxaay go’aansadeen in lagu dadaalo sidii nabad loo heli lahaa oo looga bixi lahaa dagaalka.

Nasiib darro, waxaan xisaabta lagu darsan waxa laga yeelayo dadkii gaystay dembiyada ka dhanka ah banii adantinimada, dembiyada dagaal iyo xasuuqa. Waagaas waxa isna dhamaaday dagaalkii qaboobaa. Farxad iyo rajo fiican bay dunido filanaysay. Kadib ayaa jab badani dhici doonaa. Aduunkuna ma noqon mid amaan ah, sidii la filayay. Xasuuqii Rwanda iyo dagaalo kale oo badan ayaa dhacay.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanuhu waxaay isku dayeen in la helo caddaalad caalami ah oo lagu soo oogo dacwado hogaamiyayaasha laaya dadkooda. Rwanda iyo Yugoslavia ayaa loo sameeyo maxkamado u gaar ah. Markii danbena Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ayaa la aasaasay.
Nasiib darro dhinaca dhulka Soomaalida midaasi ma dhicin. Maxkamado caalami ahna looma samayn, dalka gudihiisana kuwo lagama samayn.

Dadka iyo dawladihii Somaliland waxaay ku fashilmeen inay abuuraan maxkamad u gaar ah oo qaada dembiyadii la galay ee ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha. Hadii caddaalad caynkaas ah la samayn lahaa kuwo badan ayaa aduunku dib u soo celin lahaa si loo maxkamadeeyo.

Inta badan wadamada dagaaladu ka dhacaan nabadda ayaa laga door bidaaa caddaalada. Taasina waxaay keenta in kuwo dembiyo xun xun gaystay ay baxsadaan ama xil sii hayaan. Waxaay sidoo kale keentaa in dagaaladu soo noq noqdaan mar hadii aan xisaabtan jirin.


Weli waa suurtagal in la sameeyo maxkamad u gaar ah dembiyadii dhacay waagii Siyaad Barre dalka haystay. Waxaayna tani digniin u noqon doontaa hogaamiyayaasha Somaliland si ay u ogaadaan inaan la iskaga hadhi doonin wixii dembi ah ee lagalo. Waxaay sidoo kale u tahay naruuro dad aad u badan oo sanado badan sugayay inay maruun helaan caddaalad oo kuwii dhagarta geystay la soo taago maxkamad.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

No comments:

Post a Comment