Sunday 19 March 2017

Somaliland waa dal aan lahayn hay’ado la dagaalama musuq maasuqa













Musuq maasuqu waa  dhibaato culus oo magacyo qurux leh loo bixiyay Somaliland si loo hadoodilo dembiga culus ee lagu jiro. Askariga ilaalada wadooyinka ah ee intuu joojiyo qof waydiiya lacag, dadku dul qaad bay u wada leeyihiin. Balse falkaasi wuxuu cadayn u yahay oo metelaa sidaynu ula qabatinay musuq maasuqa.

Qeexid kasta oo la siiyo musuq maasuq wuu soo hoos gelayaa lacagta ay dadka ka qaadan ciidamada ilaalada wadooyinku. Ama ha noqoto miday ka qaadeen qof qaldamay oo markay cabaar u hanjabeen ay xoogaa ka dhuftaan ama qof aan qaladba gelin.

Hadii ay doonayso Somaliland inay hore u socoto iyo inay sii jirto waa inay la dagaalantaa musuq maasuqa nooc kasta oo uu yahay. Yaa la dagaalamaya musuq maasuqa?

Somaliland, ogaalkay, waa dalka keliya ee aan lahayn nidaam uu kula dagaalamo musuq  maasuq iyo cid u xilsaaran inay la dagaalanto toona. Dalal badan oo boobka hantida dadka badsaday, baa hadana leh hay’ado ku hawlan la dagaalankiisa. Somaliland dhib ba looma arko.


Hadii aanay jirin ba cid ka bed qabta oo la dagaalanta musuq maasuqa, miyay kula tahay in hantida dadku ay tahay mid aamaan ah?

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

No comments:

Post a Comment