Sunday 19 March 2017

Weerarka qaxoontiga Soomaaliyeed wuxuu marag u yahay saamaynta xun ee dagaalka Yaman ku leeyahay Geeska Afrika



Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku dhintay weerar habeen hore diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku qaaday dooni siday dad qaxoonti ah. Dadka intiisa badani waxaay ka soo jeedeen Somaliland iyo Somalia.

Weli cidina si toos ah uma qiran weerarkan bahalnimada ah, balse waxa farta lagu fiiqay dawladda Sucuudiga oo is bahaysi ay hogaaminaysaa uu dagaal kula jiro Yaman.

Saamaynta uu dagaalka Sucuudigu ku yeeshay Geeska Afrika iyo Somaliland waa mid aan fiicnayn. Maaha markii u horaysay ee dad Soomaali ahi ku dhintaan weerar ka dhacay Yaman ee sidoo kale marar hore ayaa gudaha Yaman ay waxyeelo geeri ka mid tahay ka soo gaadhay dad Soomaaliyeed.
Waxa se dagaalku sidoo kale uu cagaha la soo galay gudaha Somaliland. Saldhigga ciidan ee dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyay Berbera waxa keenay dagaalka ka socda Yaman. Ujeedada u waynina waa in la xoojiyo saamaynta ay xulufada Sucuudigu ku leedahay badda istiraajiga ah ee Cas.


Hadaba, dawladaha Geeska Afrika waxa la gudboon inay ka fiirsadaan dhibta ka socota Yaman oo ay u galaan arimaha quseeya dalkaas si u dan ah shacabkooda iyaga oo aan lagu walacsan laguna marin habaabin lacagta badan ee wadamada Gacanka Carbeed ee saliida ku hodonka ahi ay daadiyaan. 

Aduunyo yar oo la helaa dharaaro ayay wax u tartaa qofka ay sida qaloocan u soo gashay balse waxyeelo aan dhamaan bay u gaysataa dalka iyo dadka.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

No comments:

Post a Comment