Monday 8 May 2017

"Amar dawle mudeec ninkii diidaa dabaal

Amar dawle mudeec, ninkii diidaa dabaal. Inkasta oo lahjad ahaan aan filayo in odhaahdani koonfur ka timi, hadana waxaad moodaa inay noqotay falsafad siyaasadeed oo dad badani qaateen. Dhaqankii Siyaad Barre ee ahaa in lagu danaysto dawladnimada ayaa isna malaha xoojiyay. Metelan qofka aragtidan qabaa waa waaqici. Wuxuu u arkaa in dawladda loo guul wadeeyo hadii kale danahaaga shaqsiga ahi ay kaa kala daadanayaan. Waa run marka sidaas loo eego. Waa se dhibaato culus marka danta guud la eego iyo waaritaanka dawladnimada.

 Sideedaba uma eeka odhaahdani mid dadka xoolo dhaqatada ah ee reer miyiga ah ee dhistay dawladnimada Somaliland ay hindiseen. Falsafadda is xukun ee reer miyigu waa mid cajiib ah. Waa dimoqraadi. Waa xor oo marka geedka la joogo qofku aragtidiisa lama gaban jirin, laguma ceebaysan jirin, lagumana dhibi jirin.

 Qofka xil loo dhiibanayo waxyhaabaha u muhiiimsan ee lagu eegi jirayna waxa ka mid ah dulqaadka. Odayga reerku hadii aanu u dul qaadan karin shacabkiisa oo ay ka mid yihiin xitaa kuwa qalafsan ee hadalka xun, xil looma dhiiban jirin. Tusaale ahaan sheekooyinka Soomaalida waxa ka mid ah nin soo doontay xil oo ilme yar loo soo diray si uu edeb darro ugu sameeyo. Qaladka ilmaha yar kas buu u sameeyey. Inuu qalad yahayn la iskuma haysan. Ujeedada ka wayn ee laga lahaa ayaa ah in qofka madaxda ahi uu DULQAAD leeyahay. Bala hada eeg maanta dunida casriga ah waxa xudun u ah is xukunka bulshada dimoqraadiga ah dulqaad.



Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland




Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

No comments:

Post a Comment