Wednesday 17 May 2017

18-ka May maxaa loo dabaal degaa?

















Xuska iyo dabaal degga maalin si gaar ah u astaysani macno ay ku fadhido ayaa jira. Waa inay jirtaa nuxur ku duugaan dharaartaas oo ay kaga duwan tahay maalmaha kale. Maalmaha qaar waa murugo; maalmaha qaar waa farxad.

18-ka May maxaa loo dabaal degaa? Hadii ay noqoto caado oo aan la iska sameeyo uun, waa qasaare. Dadkuna ugu danbaynta way ka daalayaan. Haa oo 18-ka May waa maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland oo sheegtay in laga bilaabo 18 May 1991 uu buray midowgii ka dhexeeyey Somaliland iyo Somalia ee abuuray Jamhuuriyaddii Soomaalida. Waxa lagu dhawaaqay in goboladii Woqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaalidu ay goosteen inay gaar noqdaan iyaga oo ka duulaya sidii xaalku ahaa 1da July 1960 ka hor.

Haseyeeshee arinku intaas keliya maaha. Sababta Somaliland loo abuuray maaha caashaq ay u qabtay dawladnimo, nacayb ay u haysay Somalia, sal fudayd iyo deg degsiinyo. Sababtu waxaay ahayd in la saluugay qiyam kii iyo arkaantii ay ku taagayd dawladii laga duday.

Waxa la isla qaatay in la sameeyo dawlad 1. Shacabku leeyahay oo isaga ay gacanta ugu jirto taladu, 2. In qofku sharaf iyo karaamo leeyahay oo aan ka kursiga ku fadhiyaa u awood sheegan, 3. In dawladdu noqoto mid dastuurku dabro. Sadexdaas mabda’ waxa lagu xardhay dastuurka. Waxaana dastuurku sheegay in sababta goonida loo noqday ay tahay in laga fogaado dawlad keligii talis ah oo aan ixtiraamin xaqa dadka.

Dadka reer Somaliland waxaay ku yidhaahdeen hordhaca dastuurka markay sababaynayeen waxa ay u samaysteen dastuur iyo dawlad u gaar ah “IYADOO UU WAAYO-ARAG U YAHAY cidhib-xumada iyo dhibaatada xukunka ku dhisan talo-maroorsiga iyo keli-talisnimada ee dalku ku soo jiray muddo ka badan labaatan sannadood, kana feejigan dib-u-soo noqoshada xukun noocaas ah….”

Sidaasdarteed, ujeedada Somaliland loo abuuray ee ay ku dhisan tahay waa dawladda shacabku ka sareeyo.

Qodobka 1aad ee dastuurku wuxuu sheegayaa “awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga…” Mar kale ayuu dastuurku adkeeyey midaas oo wuxuu qodobka 37aad ku sheegay “Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka”.

Ma yara qodobada dastuurka ku qoran ee ka hadlaya qiyamka ay ku dhisan tahay Somaliland.
Waxa loo dabaal degayaa waa inay markaas noqodaan mabaadidaas. Waa in la eegaa in la ilaaliyay iyo in kale. Hadii la ilaaliyay waa farxad. Hadii aan la ilaalin waa la is xisaabiyaa oo la yidhaahdaa ha la ilaaliyo.

Nuxur ku waxa weeye 18 May taariikh la werinayo maaha ee waa dhacdo ku suntan arin sal balaadhan. Ha ilaawin waxaay Somaliland u taagan tahay.


Farxad ku dabaal degga dhamaantiin. Eebe ha dhawro Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

No comments:

Post a Comment