Aamusnaan dheer kadib, dawladda Somalia
waxaay ka hadashay nin la yidhaahdo Cabdikariin Shiikh Muuse Qalbi Dhagax oo la
sheegay in loo dhiibay Itoobiya. Dad badan oo Somali ah baa sababo iyo
ujeedooyin kala duwan dartood uga hadlay dhiibista Cabdikariin. Canaan wayn baa
dusha laga saaray xukuumadda Madaxwayne Farmaajo. In dawladi u dhiibto
eedaysane dawlad kale maaha wax cusub iyo arin iskeed qalad u ah toona.
Qaanuunka Somalia iyo ka caalamiga ah labaduba way ka hadlaan oo sharci cad baa
ka yaal sida eedaysanayaal la isku waydaarsan karo.
Jawaabta ay hada bixisay dawladda
Somalia waa dood aan sal ku fadhiyin sababo dhawr ah dartood. Waa marka hore,
dawladda Somalia umay marin dhiibista Cabdikariim sifo waafaqsan dastuurka
Somalia iyo Xeerka Habka Ciqaabta toona. Sidaasdarteed, xitaa hadii ay ahayd
sax in la dhiibo Cabdikariin qaabka loo maray wuxuu ka dhigayaa sharci darro. Waxa
waajib ku ahayd dawladda Somalia inay ixtiraamto sharciga u yaal dalka oo ay
mariso qaanuunka habka ay dhiibtay Cabdikariim.
Sida ku cad qodobka 36aad ee Dastuurka ku meel
gaadhka ah ee Somalia, waa inuu jiraa marka hore heshiis dhex maray Somalia iyo
Itoobiya. Heshiiskaas oo uu ansixiyay Baarlamaanka Somalia. Waxa Somalia
eedaysane u celin kartaa oo keliya dal uu ka dhexeeyo heshiis caalami ah oo uu
ansixiyay Baarlamaanku.
Sida ku cad qodobka 279 ee Xeerka Habka
Ciqaabta Somalia, eedaysane waxa dal shisheeye loo dhiibi karaa oo keliya marka
uu sidaas go’aamiyo gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka uu qofku joogo.
Go’aanka dhoofinta ee Maxkamadda Rafcaanku soo saartay waxa qofku uga rafcaan
qadan karaa Maxkamadda Sare. Taas macneheedu waxa weeye qof waxa dal kale u
dhiibi kara oo keliya garsoorka marka uu dhegaysto xeer-ilaalinta iyo qofka la
dhoofinayo oo fursad loo siiyo inuu is difaaco. Marka dhamaan rafcaanku
dhamaado kadib ayaa qof la dhoofin karaa.
Sidaasdarteed, dhiibista Cabdikariin
waxaay si toos ah uga soo horjeedda Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka ah ee
Somalia iyo Xeerka Habka Ciqaabta Somalia. Waxaay sidoo kale gef ku tahay
qaanuunka caalamiga ah.
Dawladda Somalia waa inay ixtiraamtaa
sharcigeeda oo hadii ay doonayso inay la yeelato dal kale is waydaarsi
eedaysanayaal, waa inay marka hore heshiis caynkaas ah ula gasha si waafaqsan
dastuurka, kadibna waa inay u martaa hanaanka ku xusan Xeerka Habka Ciqaabta.
Guleid
Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Guleid
waa qareen ka hawl gala Jamhuuriyadda Somaliland.
Qoraalkani
waa aragtidiisa gaarka ah oo aanu cidna ku metelin.
No comments:
Post a Comment