Hal shay oo aan Somaliland
aad ugu necebahay waa in wax walba lagu eego muraayadda qabiilka. Waa is
bahdilid. Gumaystaha ayaa aad ugu nuux nuuxsaday sidii uu uga dhaadhicin lahaa
Afrikaanka inaanay ahayn dad caqli leh oo u fekeri kara, u dhaqmi kara, si qofnimo
iyo ilbaxnimo leh. Markaa wuxuu ku dooday in aragtida qofka madow ay tahay uun
qoomiyadiisa iyo qabiilkiisa. Doodaasi waxaay u aragtaa qofka modow inuu yahay
ruux hooseeya oo aan la mid ahayn cadaanka.
Yasidaas bay dadkii waxbartay ee Afrikaanka ahaa qaateen. Bal eeg Somaliland
tan haybta loo gumoobay ee adoonka loo noqday sanamka beenta ah ee reer hebel.
Qabiilku marka hore ba waa been la dhoob dhoobay iyo dad is urursaday ee arin run ah oo ku sal leh hayb sax ah iyo aabe guud oo dadka wada dhalay maaha. Odayga ama habarta lagu abtirsadaa waa been abuur la samaystay si loo helo wax ay ku midoobi karaan dadku. Beentii caynkaas ahayd waxaay gaadhay heer ay si toos ah u gumaysato maanka qofk oo u noqda adoon aan leexan karin.
Ninka cadi wuxuu ku dooday, oo ku
qoray buug cilmi loo dhigto, inay sahlan tahay inaad fahamto Afrikaanka. Waayo?
Waydii uun cidiisa, waad garanaysaa fekerkiisa. Yasidaasi maaha mid ku kooban
in Afrikaanku ka dabo dhacay hayb markay siyaasad noqoto, balse waxaay meesha
ka saaraysaa in aad u aragto qofka madow inuu yahay ruux aadane ah oo caqli,
baahi, dano iyo xidhiidho leh oo gaadhi kara go'aano noloshiisa quseeya isaga
oo aan ku qasbanayn sida ay u arkaan reer hebel/qoomiyad.
Habka fekerka caynkaas ahi
waa mid qaldan. Afrikaanku (Somalilander ku) waa qof caadiya oo fekera, dano
leh, kooxo ku jira, shabakado ka mid ah, deris leh, xidid leh, abti leh. Wuu
yeelan karaa, waana inuu yeeshaa aragti u gaar ah iyo go'aan shaqsi ah oo ka
duwanaan kara reer hebel.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.
No comments:
Post a Comment