Sanadkii hore waxa loo magacaabay
garsoorayaal sharciyaqaano badan oo ka soo qalin jebiyay jaamacadaha kuwaas oo
qaatay sanad tababar ah. Garsoorayaashaas oo loo qaybiyay gobolada dalka. Tababarkaas
waxa ka qayb qaatay haween ka soo qalin jebiyay jaamacdo. Nasiibdarro,
haweenkaas waa loo diiday inay ka mid noqdaan garsoorka oo waxa lagu takooray
dumarnimadooda. Waxana laga dhigay kaaliyayaal garsoore. Taas oo macneheedu
yahay waxay u noqonayaan xoghayn inamadii ay ka soo wada qalan jebiyeen jaamacada
ayna wada qaateen tababarka.
Su’aashu waxay tahay maxaa u diiday?
Jawaabta dhabta ah waa mid laga warwareego. Waxanse go’aansaday inaan taas ka
hadlo. Ka hor se waxan jecelahay inaan dul maro waxa dastuurku ka qabo in garsoore
loo magacaabo haweenka.
Qodobka 8aad ee dastuurka Somaliland
farqadiisa kowaad waxay u qoran tahay sidan: “Muwaadiniinta Somaliland iyadoon
lagu kala saarayn midabka, qabiilka, dhalashada, luqada, lab iyo dhedig, hantida,
mudnaanta, afkaarta iwm, waxay sharciga hortiisa ku leeyihiin xuquuq iyo
waajibaad siman.” Qodobkani wuxuu si cad u sheegayaa in dhamaan muwaadiniinta
Somalialnd u siman yihiin xuquuqda iyo waajibaadka.
Farqadda labaad ee isla qodobkaasi waxay
mamnuucay kala saraynta ama tarkoorka nooc kasta oo uu yahay.
Dastuurku, sidaasdarteed, wuxuu
siiyay muwaadiniinta sinaan ay u siman yihiin xuquuqda wixii shareecadu mid u
gaar yeeshay mooye, sida uu dhigayo qodobka 36 ee dastuurka. Tusaale ahaan
dhaxalka.
Hadaba, iyada oo dastuurku xaq u
siiyay haweenka in si la mid ah ragga ay qaban karaa xilalka dalka, maxaa
keenay in la faquuqa haweenka sharciyaqaanada ah.
Waxa laga yaabaa inaad markaba is waydisoo
maxaa Diintu ka qabtaa? Aniga oo an ku odhan waxaasay ka qabtaa, xusuusnow in
garsoore iyo wasiir ay isku mid yihiin. Waxaba shaqo iyo hawl badan wasiirka. Hadii
Diintu ogolaatay wasiir inay noqdaan, dabcan waad ogtahay inaanay jirin Aayad
ama Xadiis si gaar ah uga hadlay garsooore.
Markaas in wasiiro iyo shaqooyin
kale loo ogolaado haweenka loona diido garsoore waxay kuu cadaynay inaan sababta
loogu diiday ahayn mid diin la xidhiidha. Waxa jira haween xeer-ilaaliyaal ah
iy kuwo qareeno ah. Waa shaqo la mid ah ta garsooraha.
Sababta haweenka sharciyaqaanada ah
loo takooray ee loo bahdilay waa laba. Kow, xubnaha ku jira Gudida Cadaaladda
waxa ka mid ah wadaado iyagu si wayn uga soo horjeeda in haweenku wax door ahba
ku yeeshaan talada dalka. Iyaga oo adeegsanayaa saaxiibadooda kale waxay olole
u galeen inay is-hortaagaan xuquuqda hablahaas. Waxayna ka xoog roonadeen
xubnihii kale ee Gudida oo iyagu aan kala jeclayn in laga dhigo haweenka
garsoor iyo in kale.
Taas waxa daliiil u ahayd doorkii ay
ka galeen wadaadu inay ku qanciyaan hablaha inaanay u hanqal taagin
jagooyinkaas waayo Diinta ayaa u diidan, waa sida ay ku doodeene.
Laba, waaa arin ku cusub Somaliland, sidaasdarteed,
kuwa muxaafidiinta ah ayay ku adagtahay inay aqbalaan wax cusub waxayna ula
eekoonaatay inaanay horseed u noqon arinkaas.
Hadii hablaha dhibta gaadhay ay u
ashkatoon lahaayeen Maxkamadda Dastuuriga ah, waayo talaabadaasi waxay ahayd
mid dastuurka ka soo horjeeda, waxa is hortaagay oo niyad jebiyay in sadex ka
mid ah lixda garsoore ee Maxkamadda Dastuuriga ah ay ku jiraan Gudida Cadaalada
ee qaadatay go’aanka laga cabanayo.
Wado kale oo u furanina ma jirto. Waayo
waxa qayb ka ahaa Wasaaradda Cadaadda iyo Gudida Cadaaladda talabadan lagu
duudsiyay xaqooda haweenkan.
Waxa dad badan ka yaabiyay waxay
tahay in Barnaamija Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP) oo maalgeliyay
tababarka uu ogolaaday takoorkaas. Waa qayb muhiim ah oo ka mid ah mabaadida
Qaramada Midoobay inaanay ku shaqayn takoor si dadban iyo si toos ah toona.
Hadda waxa ku jira tababarkii koox
kale oo sharciyaqaano ah oo ay ku jiraan haween. Waxay u badan tahay in markana
la takooro. Taladaydu waxay tahay in dastuurka dalka la ixtiraamo oo aan loo badheedhin
in lagu tunto.
Guuleed Axmed Dafac
Hargeisa Somaliland
No comments:
Post a Comment