Sunday, 25 August 2013

Hamish Wilson iyo Bandhigii Hargeysa


23.8.2013, waxay ahayd  hebeen si qurux iyo qiime leh uu u soo bandhigay taariikh iyo waayo isugu jirta arag iyo maqal Hamish Wilson. Bandhigan waxa soo agaasimay Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafka ee Jaamacadda Hargeysa. Waxa ka soo qayb galay dad aad u badan oo ay ka mid ahaayeen madax xil hada hays oo uu ku jiro Wasiirka Arimaha Debedda iyo hogaamiyayaashii SNM oo kuwa ishaydu qabatay ee aan ka xusuusto ay ka mid ahaayeen Cabdiraxmaan aw Cali Faarax, Ibraahim Dhegowayne, Maxamed Xaashi Cilmi, iyo qaar kale.

Hamish Wilson oo mudo badan ku qaatay inuu la noolaado dadka reer Somaliland isaga oo ka qaadayey sawiro, wuxuu soo bandhigay habeenkaas sawiro si wayn u iftiimiyay dhaqanka iyo taariikhda dadka Soomaalida ah guud ahaan.

Sawirada uu soo bandhigay waxay isugu jireen laba qaybood, kuwo uu ka qaaday nolosha miyiga iyo kuwo uu ka qaaday waqtigii magaalooyinka Somaliland ay burbursanaayeen ee laga soo noqday dagaaladii lala galay Maxamed Siyaad Barre.

Sawirada uu halkaas ku soo bandhigay Wilson waxay ahady taariikh aad u mug wayn oo si wanaagsan oo farshaxanimo leh u faah-faahiyay taariikhda guunka ah dadka Soomalida ah. wuxuu si heersare ah u qeexay in dhul xebeedka Somaliland, laga soo bilaabo xeebaha Sanaag ilaa Saylac inay ahaayeen dhul taariikh wayn leh oo dadyowga dunidu la lahaayeen ganacsi aad u dheer mudo fog. Ganacsigaas iyo xidhiidhkaas oo ay ka mid ahaayeen dadyowgii la lahaa dadka Somaliland Giriiga, Faraciintii iyo qaar kale oo badan. Waxa u badan ee soo jiitay dadyowgaas xidhiidhka la lahaa dadka Somaliland waxay ahayd beenyada ka baxda gobolka Sanaag.  

Wilson wuxuu si haboon sawiradiisa ugu muujiyeen sida dadka Somalidu u leeyihiin dhaqan qoto dheer oo waayo aragnimo hodon ah leh. Dhaqankaas oo uu ka buuxo cilmi, qaarkii yahay saynis.

Wuxuu soo bandhigay hab nololeedka dadka Soomaliland ee ku kala nool dhulka aad u kala duwan, xeeb, buuraley, banaan hawd IWM. Meel walba degaankeeda iyo cimiladeedu waxay ku qasabtay dadka degan inay u noolaadaan hab u gaar ah, taas oo ay xitaa ku jirta aqalada ay dhistaan.

Wuxuu sidoo kale sawiradiisa ku muujiyay doorka ay bulshada Soomaalidu kal siiso haweenka iyo ragga. Iyada oo ay si wanaagsan u muuqatay sida ay door aad u wayn oo hogaamineed ugu leeyihiin haweenku nolosha miyiga.

Wilson wuxuu ka sheekeeyey isaga oo sawirada uu soo bandhigayey marag ka dhiganayey farsamada heerka sare ah ee dadka Somalidu leeyihiin ee ay ku samaysan jireen weel, doonyo iyo qalabka guryaha.

Wilson wuxuu fuulay buuro dhaadheer iyo dhul aan la gelin oo aad u fog fog, dhul kulayle ah oo biyuhu ku yaryihiin, dhul qaboobe ah iyo laagag haadaamo ah oo aanay sahlanayn in la gaadhaa. Wuxu ku qaatay dhulkaas habeeno iyo maalmo badan. Wuu la noolaaday dadkaas isaga oo sawirona ka qaadayay. Yaab ayay ahayd inuu ka sheekeenayey buuraha dhaadheer ee Sanaag, Xiis, Maydh, Midhisho, Raqas, Calmadow iyo meelo kale oo badan.

Wilson kuma eekaan intaase wuxuu soo bandhigay sawirro naxdi badan dadka ku abuuray, xusuusiyayna waayo iyo taariikh la is-dhaafinayey. Waxa goobtaas lagu daawaday Hargeysa oo u eeg magaalo la rogay oo dhul gariir baabiyey. Meelo badan oo maanta ay ka dhisan yihiin guryo iyo daaro qurux badan oo 1991 dii ah bur bur iyo baaba’. Hargeysada maanta la buuxdhaafshay oo cidla ciirsi la’ ah oo dad iska daayee xayawaankii ka cararay.

Wuxuu ku celceliyay guubaabadiisa ah in Hargeysada maanta aanay ahayn meelo si sahlan oo fudud ku timi. Waxa halkaas lagu daawaday waxyeeladii iyo halaagii uu u gaystay dalka keligii taliyihii macangaga ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Balse ha u malaynin in uu ku soo gebogebeeyey murugo iyo ciil. Wuxu dhinaca kale soo bandhigay sawiro muujinaya wadadii dheereed ee loo soo maray dib u heshisiinta iyo dhisidda qaranimada Somaliland.

Wixii aniga iigu yaabka badnaa wuxuu ahaa sawir laga qaaday damaashaad lagu soo dhowaynayey ku dhawaaqidii gooni isu taaga Somaliland. Dadkii isku soo baxay waxay siteen waraaqo yar yar oo ay wax ku qoreen. Kii ugu soo jiidashada badnaa waxa sidatay haweenay waxana ku qornaa hadalkan Ingiriisaga ah “We, Somaliland, apologize to the British”. Ingiriisku markii xoriyada ay ka qaadanaysay Somaliland wuxuu kula taliyay inaanay degdegin oo midnimo gelin ee ay sugaan mudo ay wax ku bartaan. Lagama siisan. Haweenaydani waxay kolkaas leedahay raali ka ahow inaanu kaa diidnay taladaas oo aanu soo aragnay qadhaadhka milalkii aanu malabka moodnay.

Kuuma sawiri karo taariikhda sawirada uu qaaday Wilson, balse waxa haboonaan lahady in la sameeyo goob lagu ururiyo waxyalahaas taariikhiga ah si aanay ugu lumin gurhaya dadka kala duwan ee qaar ba in hayaan.

No comments:

Post a Comment