Weeraro haybsan oo si xirfad sare leh loo
soo abaabulay ayaa habeenkii Jimcaha ee Sabtidu soo galaysay (13 Nov) lagu
qaaday caasimadda dalka Faransiiska. Hawlgalku wuxu ahaa mid siyaabo kala gaar
ah isla hal mar u qaaday falal kala duwan oo isugu jiray is-qarxin, rasaasayn
iyo af-duub. Wuxuu ahaa weerarkii ugu waynaa ee ilaa hadda Daacish ku qaado
Yurub dhexdeeda. Waxa ku dhintay dad shacab ah oo aan hubaysnayn dagaalna ku
jirin.
Qaabka loo qaaday weerarka wuxuu muujiyay
kaarto wayn oo ay awood u yeelatay Daacish inay weerar caynkan oo kale ah ka
fuliso dal Yurub ku yaal. Waxa su’aalaha la is waydiinayaa yihiin xagee baa
lagu soo tabobaray dagaal yahanadan? Sidee bay awood ugu yeesheen inay si habaysan
uwada xidhiidhaan iyada oo aanay dareemin sirdoonka Faransiisku?
Inkasta oo Yurub u toog haysay gacan ka hadal
kaga yimaado Daacish, hadana ma ahayn weerar farsamadan sare lihi mid la
filayay.
Waxa
loo aqoonsaday inuu ahaa weerarkani kii ugu xumaa ee Yurub ka dhaca tan iyo
2004 markii la weeraray khadka tareenada ee caasimadda Spain. Waana weerarkii
ugu xumaa ee Faransiiska soo maraa tan iyo tagaalkii labaad aduunka.
Maxaa loo bar tilmaameedsay Paris?
Sababaha keenay in Daacish ay
bartilmaameed sato Paris waxa loo kala qaadi karaa kuwo gudaha ah iyo kuwo
debedda ah.
Sababaha
gudaha ah
Faransiisku waa dalka ugu Muslimiinta
badan qaarada Yurub. Dadka Muslimiinta ah ee dalkaas degani waa kuwo nolol
hoose oo aan muuqan ku nool wax waynna ka tirsada nidaamka. Waxa la qiyaasaa in
70% dadka xabsidaya Faransiiska ku jiraa ay yihiin Muslimiin. Xabsiyada dhexdooda
ayaa dad badani ku bartaan aragtida xag jirnimada ah.
Waxa ku sahlan Faransiiska qul qulka hubka iyo
helidiisa. Ciidamada ammaanka laftoodu miisaaniyadda lagu bixiyaa maaha mid
sidaas u buuran. Labadii sano ee u danbeeyeyna waxa ku socday dib u habayn si
ay awood ugu yeeshaan inay iska celin karaan falalka argagixiso.
Dhalinyaro badan oo Muslimiin ku nool
Yurub ah ayaa ku biira Daacish oo aragtidooda la dhacsan. Wararka hordhaca ah
ee ilaa hada la helayo waxay sheegayaan in ugu yaraan mid ka mid ah dadkii
weerarka qaaday oo la cadeeyey cidda uu yahay la aqoonsaday inuu yahay
Faransiis. Taasina waxay sii xoojinaysaa werwerka Yurub oo dhami ka qabto in muwaadiniintooda
aadaysa Suuriya iyo Ciraaq ay dib ugu soo noqdaan Yurub oo ka geystaaan
weeraro.
Sababo debedda ah
Faransiisku wuxuu hormood wayn ka yahay
dagaalka lagula jiro Daacish. Duqayn ayuu ka geystaa inta badan Ciraaq isaga oo
dhowaan ku sii fiday Suuriya. Wuxuu sidoo kale hawlgallo ka fuliyaa Faransiisku
dalalka Maali iyo Liibiya.
Daacish guud ahaan waxay bartilmaameedsanaysaa Yurub sidaadarteed waxay
weerar ku qaadi kartaa hadba dalkii ay u aragto inuu dagan yahay.
Weerarkani wuxuu ku abuuray walaac wayn
dadka Muslimiinta ah ee degan wadamada Yurub kuwaas oo horeba cadaadis uga
haystay siyaasiyiinta iyo dadka midigta fog ah oo nacayb u qaba soo galootiga
iyo Muslimiinta. Waxa suurtagal ah in weerarkani fursad siiyo siyaasiyiinta
midigta fog ah inay xukunadda dalalka Yurub qabsadaan.
Waxay sidoo kale keeni kartaa in jawaab cadho
ku salaysan ay ka bixinayaan dawladaha reer galbeedka oo sii xumayn karta
xaalaadda.
Waxay tusaale u tahay in dagaalka ka
dhanka ah Daacish aanu ahayn mid farsamo miyir ku salaysan ku socda
islamarkaana xalku aanu ahayn dagaal balse uu ku jiro xal siyaaseed oo loogu
maaro helo dhibaatooyin dhawr ah oo ka jira Barigga Dhexe.
Guleid Ahmed Jama
Centre for Policy Analysis
www.centerforpolicy.net
Email: cpa.hornofafrica@gmail.com
Great Article ...Thanks Guuleed
ReplyDelete