Hordhac
Sanadkii 2001
markii dadwaynaha reer Somaliland afti ku ansixiyeen dastuur dhigaya mabaadida
dimoqraadiyadda waxay Somaliland u dhaqdhaqaaqday sidii ay u yagleeli lahayd
nidaam dawladeed ku sal leh dimoqraadiyad ay hogaanka siyaasadda u hayaan
xisbiyo siyaasadeed (Jhazbhay,
2009). Ka hor aftida
dastuurka, madaxda dalka waxa soo xulli jiray ergooyin qabiiladu soo dirteen oo
shir wayne ay ku kulmaan ku dooran jiray madaxweyne iyo ku xugeenkiisa iyo
labada aqal ee Baarlamaanka. Dimoqraadiyaddu waxay u baahan tahay xisbiyo adag
oo waari kara (JANDA,
2005). Geediga lagaga
guurayo hab beeleedka ee loo naq raacay xisbiyo la biday inay dhaami doonaan
beelo si toos ah u soo xusha hogaanka, waxa uu dad badan u ahaa guul wayn oo ay
ku hamiyayeen. Waxa se jiray dad waagaas ka qabay shaki inay suurtagal noqon
karto in Somaliland doorasho qaban karta. Sidaasdarteed, hawlaha badankooda
waxa lagu galay si degdeg ah.
December 2002 ayaa
markii u horaysay tan iyo 1969 dadwaynaha reer Somaliland waxay u dareereen codbixin
ay ku kala xulanayeen lix urur siyasaadeed oo sida qorshuhu ahaa sadexda ugu
codka badani noqon doonaan xisbiyadda siyaasadda ee dalka (Jama,
2009). Waxa ku soo
baxay xisbigii talada dalka hayey ee Ururka Dimoqraadiyadda Umadda Bahowday
(UDUB), Ururka Caddaaladda iyo Daryeelka (UCID) iyo ururka kulmiye. Sadexdaas
urur oo da’ ahaanna u kala waynaa sida ay u kala horeeyaan waxaay laga bilaabo
ku dhawaaqistii natiijada doorashada noqdeen xisbiyada rasmiga ah ee dalka.
Haseyeeshee,
jirintaanka sadexda xisbi waxa muran wayn geliyay siyaasiyiin dood ka keenay
turjumadda iyo fahamka dastuurka Somaliland oo dhigaya in dalku yeelanayo sadex
xisbiyo iyo Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer 14/2001. Fahamkii
hore loo haystay wuxuu ahaa in sadexdii xisbi ee ku soo baxay doorashadii 2002
ay noqonayaan xisbiyada abidkood jira. Halka siyaasiyiinta qaar ku doodeen inay
tahay in hadba la furo ururada siyaasadda oo sadexda ugu codka badani ay
noqdaan xisbiyo siyaasadeed. Sadexdii xisbi ee hore u jiray way ku kala aragti
duwanaayeen doodaas. UDUB iyo UCID way ka soo horjeesteen furitaanka ururo hor
leh halka Kulmiye u arkayey in furitaanku haboon yahay. Guushii xisbiga Kulmiye
talada dalka ku qabtay 2010 waxay horseeday in mar labaad la furo ururada
siyaasadeed oo ay ku baratamaan doorashadii 2012 iyada oo la go’aamiyay in
tobankii sanoba hal mar la furo.
Maxaa
xisbiyada sadex loogu xadiday
Waydiintu waxay
tahay maxaa keenay in hadii dalku yahay dal dimoqraadi ah oo tartanku furan
yahay loo cayimay tirada xisbiyada? Nidaamkii dimoqraadiyadeed ee lixdanaadkii
(1960-1969) ayaa laga bartay in hadii ay bataan tirada ururada siyaasaddu inay
xoojinayso qabyaaladda oo ay abuurmayaan ururo tiro badan oo ku salaysan
jifooyin hoose (Bulhan,
2008). Dabadeedna
bulshadu ay aad u kala qaybsamayso meeshana ay ka baxayso xasilooni siyasadeed.
Si taas loogu maaro helo, waxa la garwaaqsaday inay haboon tahay in la koobo si
qabyaalada loo yareeyo ama meesha looga saaro. Somaliland waxay ku hamiyaysay
in laba arimood ay ka durkiso ama ka fogayso xisbiyada siyaasadda; qabyaaladda
iyo diinta. Ta danbe waxa looga gol lahaa in caqiidada ummadda midaysa aan la
gelin khilaaf iyo in laga hortaggo in firqooyinka diimeed ay ururo is diidan oo
col isku ah samaystaan.
Qabiilka
iyo xisbiyada
Qabiilkii rajadu
ahayd in xisbiyadu dawo u noqdaan ayaa afduubay xisbiyadii siyaasadeed. Isla
bilowgiiba, ururadii siyaasadeed waxay noqdeen kuwo ka shidaal qaata beelo.
Beel waliba waxay samaysatay urur siyaaseed. Sadexdii xisbi waxay noqdeen madal
ay ku bahoobaan beelo. Aragtidii laga lahaa inay dawo u noqdaan beelnimada may
rumayn inkasta oo ay ku qasabtay in dhawr beeloodba ku midoobaan hal xisbi.
Taas oo xoogaa ka sahlan aafadii lixdanaadkii.
Dhaqan
siyaasadeed
Dhaqan
siyaasadeedkii xisbiyadu markaas wuxuu noqday beelnimo ama qabyaalad. Wax walba
oo xisbigii fulinayo iyo barnaamijkiisa siyaasadeed waxaa tiir dhexaad u noqday
qabiil.
Khilaafka
xisbiyada dhexdooda
Maxaa keena
khilaafka ka dhex dhesha xisbi dhexdii? Ugu horayn waxa haboon in la isla fahmo
in khilaafku aanu ahayn wax xun islamarkaana aan laga hortegi karin aanayna
haboonayn in la isku dayo in khilaafka la cidhib tiro (Lipsky
& Ariel C. Avgar, 2010). Khilaafku waa wax nolosha dadka
ka mid ah oo qayb laxaad leh ka cayaara horumarka bulshada. Waxa intaas dheer
in khilaafku yahay mid ka mid ah astaamaha siyaasadda meel walba oo ay dunida
tahay ba.
Dhibaatada
Somaliland haysataa markaas maaha jiritaanka khilaafka ee waa maaro u helid la’aanta
iyo maqnaanshaha nidaam, shuruuc, habraacyo iyo dhaqan tolmoon oo lagu xalliyo
khilaafka. Maxay yihin dhibaatooyinka ka dhex jira xisbiyada ee keena in aan
xisbigu heshiin?
1. Aragti la’aan
Qeexidda iyo
tilmaanta xisbiyada aad ayaa loogu kala aragti duwan yahay (Bawn
et al., 2012). Balse waxa sal u
ah mid walba wadaagista aragti ay wada leeyihiin xubanha ka wada tirsan xisbiga
(Ball
& B. Guy Peters, 2000). Qeexidaas iyo
mid kasta oo kale oo aqoonyahanku ku tilmaamaan xisbi waa mid aanay sina u
buuxin karayn xisbiyadda Somaliland. Maaha dad ay aragti midaysay oo feker wadaagga.
Waa ashqaas u ooman kursi iyo xukun oo ay isku keentay rabitaanka ama caashaqa
ay u qabaan inay xukunka gaadhaan ama ay haystaan. Waxa mideeyaa waa dan shaqsi
ama kooxeed. Sidaasdarteed, mar walba oo ay is hirdido danaha is diidan ee inta
kuwada jirtay xisbiga waxa aan shaki ku jirin inay ku kala tegayaan waayo ma
jirto xanjo isku haysta.
2. Jiritaan la’aan
Marka laga yimaado
af ahaan ama hadal ahaa, maaha xisbiyada Somaliland kuwo leh jiritaan. Ma laha
xubno leh aqoonsi (ID Cards) oo ka tirsan xisbiga. Ma laha xafiisyo tuulo,
degmo iyo xitaa gobol. Xafiisyada waxay kiraystaan marka olole soo dhow yahay.
Maqnaanshaha xubnimo (membership) waxay ka dhigtay xisbiyada Somaliland wax aan
jirin oo hadana jira. Xisbi waxa shardi u ah inuu leeyahay dad ka tirsan oo la
yaqaan. Waa xubnahaas cidda aasaaska u ah ee hadhow ergooyinka shirwaynaha soo
dirsata.
Maadama oo aanay
jirin xubno, mar kasta oo la doono in la qabto shirwayne muran baa dhasha
sababta oo ah waxa aan la isla aqoon cidda ergada soo dirsanaysa iyo qaabka ay
u soo dirsanyso midna. Waxa markaas cid walba u cad in kooxdii gacanta ku haysa
qaban qaabada shirku inay awood badan u leedahay inay ciday doonto ka dhigto
ergo. Taasina waxay sababtaa khilaaf aan sinaba loogu maaro helayn.
Xitaa waxaan
cadayn oo aan la aqoon xubnaha golaha dhexe ee xisbiyada. Tusaale ahaan mid ka
mid ah xisbiyada Somaliland shirwaynihii u danbeeyey ee uu yeeshay muu dooran
xubno gole dhexe ah ee wuxuu doortay tiro. Waxa gacanta loo taagay tirada uu
noqon doono golaha dhexe. Sidaadarteed, hadii ay is yidhaahdaan shiriya golaha
dhexe labgaran maayo kuwa ay yihiin. Mid kale oo ka mid ah xisbiyada xubnaha
golaha dhexe ma cayinna oo waa daba furan. Sidaasdarteed, waa la soo geli karaa
oo tiradu kor uun bay isaga socotaa.
3. Sharci la’aan
Xeerka maamula
xisbiyada guud ahaan oo ah Xeerka Nidaamka Ururada iyo Axsaabta Siyaasada Xeer.
14/2001 waa xeer si xun u qoran, kooban, af ahaan aan la fahmi karin
islamarkaana madmadowga ku jiraa ka badan yahay inta cad. Sababta u wayn ee uu
caynkaas u yahay waxay tahay inaan marna loo qorin si degen iyo iyada oo laga
fekarayo danta guud. Mar walba waxa loo qoray si dhaqso ah iyada oo ay wax yari
ka hadhsan tahay doorasho oo xaalku ka gaadhsii buu ahaa. Waxa intaas dheer in
danaha is diidan ee siyaasiyiintu ay si gurracan ugu adeegsadaan inaan xeerku
noqon mid waxtar leh oo iyaga dabra.
Xeerarka xisbiyadu
leeyihiin iyana waa kuwo la mid ah xagga qaab qoraalka iyo nuxurkaba xeerka
guud. Waxay se dheer yihiin inay iskaba sahlan tahay in la bedelo. Hadba kooxda
markaas joogta ayaa si aayar ah isaga bedelaysa oo ku darsanaysa ama ka
goonaysa waxay rabto. Sidaasdarteed, wax jira oo dad kala saari kara maaha.
4. Guddida
Diwaangelinta Ururada Siyaasada iyo Anxisinta Axsaabta Qaranka
Gudida
Diiwaangelinta Ururada Siyaasadda iyo Ansixinta Asxaabta Qaranka ayaa sharcigu
awood u siiyay inay korjoogteeyaan xisbiyada oo ay hubiyaan inay sharciga
raacaan. Nasiib darro gudidani maaha mid shaqaysa oo xilkeeda gudata. Waxa
intaas u dheer in Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasaddu uu ka dhigay
mudada jiritaankooda laba sanadood keliya. Wiixi intaas ka danbeeya wuxuu waajibiyay
in la qiimeeyo in la cusboonaysiiyo jiritaanka Gudida iyo in xilkaas loo raro
Gudida Doorashooyinka. Hada Gudida waqtigoodii wuu dhacay loomana
cusboonaysiin. Hadana magac ahaan way sii shaqeeyaan oo mushahar bay ka qaataan
Qaranka inkasta oo aanay sharci ahaan jirin oo ay dhiteen waa hore.
5. Siyaasad la’aan
Xisbiyadda
siyaasaddu ma laha siyaasad iyo habraacyo qoran oo la raaco. Ma yaqaaniin
xubanha iyo madaxda xisbiyadu meesha ay u socdaan iyo sida ay wax u wadaan
midna. Waxa lagu wadaa xisbiyada in laga tashado uun timaadada.
6. Sharciga oo aan
lagu dhaqmin
Dhibaato kale oo
ay kala siman yihiin Somaliland inteeda kale waa sharciga oo aan lagu dhaqmin.
Markaas wixii u yaal, haba liitee, maaha mid la raaco oo ixtiraam iyo qadarin
leh.
7. Keligii talisnimo
iyo lahaansho
Inkasta oo dalku
dimoqraadi yahay (ugu yaraan sharci ahaan), hadana xisbiyadu kuma dhaqmaan
dimoqraadiyad ee qof baa tuurta u rita awoodda xisbiga. Inta badan culayska
xisbiguna wuxuu ku dhacaa qofkaas oo dabadeed u qaato in xisbigu yahay hanti uu
isagu iska leeyahay mar hadii hanti iyo dadaal inta badani isaga kaga baxday.
Sidaas awgeed, xisbiyadii waxay yeesheen astaan lahaansho gaar ahaaneed. Sidii
shirkadaha ayaa markaas waxa awoodda u badan leh qofka saamiga u badan leh.
8. Dulqaad la’aan
Dulqaadku waa
quruxda iyo ruuxda siyaasadda. Waa astaan cajiib ah oo la’aanteed aan
siyaasaddu macno wayn yeelaneyn. Siyaasiyiinta Somaliland malaha dulqaad
siyaasadeed. Ma xamilaan dabaylaha iyo culaysyada siyaasdeed ee yimaada.
Taasina waxay keentaa in si sahlan ay madaxa isula galaan una kala tagaan.
Gebogebo
Xisbiyada
siyaasadda iyo nidaamka dawladeed ee Somaliland midna ma dhisin sharci iyo
nidaam xubnaha xisbiyadu ku kala bixi karaan. Inta maaro loo helayo
dhibaatooyinka sare ku xusan, way sii socon doonta in khilaafka ka dhex dhasha
xisbi uu keeno inay kala tagaan madaxda xisbigu oo loo maaro waayo. Si loo saxo
khalalaadka jira na, waxa lama huraan ah inay jirto rabitaan siyaaseed oo lagu
doonayo in xididka la abaaro ee aan la isku mashquulin faraca.
Tixraac
Ball, A., & B. Guy Peters. (2000). Modern
Politics and Government. Palgrave Macmillan.
Bawn, K., Martin Cohen,
David Karol, Seth Masket, Hans Noel, & John Zaller. (2012). A Theory of
Political Parties: Groups, Policy Demands and Nominations in American Politics.
Perspectives on Politics, 10(03).
Bulhan, H. (2008). Politics
of Cain. Maryland: Taysan International Publishing.
Jama, I. (2009).
Somaliland Electoral Law. Somaliland Law Series.
JANDA, K. (2005).
Political Parties and Democracy in Theoretical and Practical Perspectives. National
Democratic Institute for International Affairs.
Jhazbhay, I. (2009). Somaliland
an African Struggle for Nationhood and Interntational Recognition (1st
ed.). Midran South Africa: Institute for Global Dialogue and the South African
Institute of International Affairs.
Lipsky, D., & Ariel
C. Avgar. (2010). The Conflict Over Conflict Management. Cornell University
ILR Shcool.
No comments:
Post a Comment