Thursday 3 March 2016

Berberi waa ilbax

Berberi waa magac dheer oo astaan u ah jiritaanka iyo taariikhda dadka Soomaalida ah guud ahaan. Waa magaalo u ahayd hormood ilbaxnimada Geeska Afrika iyo dadyowga ku nool, gaar ahaan Soomaalida.

Ka sokow waayahay dheer iyo magac samida, Berbera-da casriga ah ee hada jirtaa waa magaalo ay weli ka jirto ilbaxnimo iyo aqoon. Waa magaalo ay degen yihiin dad aad u kala duwan oo ka soo jeeda guud ahaan gobolada Somaliland, dhulka Soomaalid degto iyo dunida oo dhan. Maadaama oo ay tahay magaalo leh marso wayn, waxa jooga dad badan oo shaqo tag u yimi iyo kuwo ganacsi ku leh. Dadka ku dhaqan ama kuwa sida ku meel gaadhka ah u joogaa, waxay barteen kala duwanaanshaha dhaqan, af, duunyo iyo diin.

Sanad walba waxa yimaada dad tiro badan. Dadka reer Berbera qaar badan oo ka mid ahi waxay ku hadlaan dhawr luqadood (heerkay doonaan ha ka gaadheene).

Hodontinimada caynkaasi ahi waxay ka dhigtay Berbera meel aad uga duwan dalka intiisa kale.

Berbera dadkeedu waa aamin. Hadii aanad hore u maqal, Berbera la iskuma xado oo tuug lagama baqo. Waa dad wada noolaanshuhu gaadhay heer ay is nabad geliyeen oo aanay is boobin.

Berbera waxa ka hiilisay cimilada. Waa dhul aad u kulul oo ay adag tahay in lagu noolaado. Hadii Eebe qaboojin lahaa, waxaan qabaa inay iyadu maanta noqon lahayd caasimadda Somaliland.

Berberi waa isha lacagta u badani ka soo gasho dawladda Somaliland. Sidaas oo ay tahay adeegyo gaar ah loogama qoondeeyo miisaaniyadda si loola tacaalo dhibaatada ay ku keentay cimiladu.

Hadana Berberi ma cabasho badna.

Anigu reer Berbera ma ahi oo ha u qaadan inaan magaaladaydii kuu xayaysiinayo, balse afar bilood oo aan ka shaqaynayey waxaan ku bartay in yar oo ka mid ah siraha ku duugan magaaladaas faca wayn ee taariikhiga ah.

Guleid Ahmed Jama

Hargeisa Somaliland 

1 comment:

  1. Qoraalkaaga waan akhristay, adigoo aan iga xumaanayn, waa weedha yar yar oo iska caadi ah oo laysu geeyey, runtiina aanu qofka akhriyaya garan karin waxa loola jeedo sababtoo ah cinwaanka iyo waxa gudaha ku jira isma laha. Bal markaa ma noo faahfaahin karta waxa uu ku qotomaan weedhahaagu si an u fahano. laga yaabe inay jiraan macnne kale oo an qofka caadiga ahi fahmi karo, ta kale waxad ku so khatintay ha moodin inaan reer Berbera ahay oo an magaaladayda ku xayaysiinayo, waxad ogaata adoo aan reer Berbera ahayn hadana inaad ujeedo ka yeelan karto qoraalka. thanks

    ReplyDelete