Thursday 24 March 2016

Wankii danbaabay: yaa qof ah?

  Waxa wargeyska Warsugan baahiyay muuqaal (video) muujinaya wan ku xidhan rug booliis ku taal Hargeysa. Waxa wanka loo haystaa inuu hirdi ku dilay wan kale.

Xeer ahaan waxa jira cid masuuliyad qaadda oo dembi loo raaco iyo cid aan qaadin. Si taas loo helo  aragtida cilmiyeed ee fiqiga sharciga (jurisprudence) oo ah falsafadda qaanuunka waxay mudo aad u dheer ka hor deristay in la qeexo qof si uu u yeesho xuquuq una qaado masuuliyado.

Inkasta oo dusha sare qofka caadiga ah ay ugu muuqato sheeko sahlan, hadana marka hoos loogu daadego waa shay kakan. Waxa qof loo kala abla-ableeyey laba: qof dabiici ah (banii aadam) iyo qof qaanuuneed (artificial person). Tan danbe waxa la siiyay shirkadaha, ururada, hay’adaha dawladeed iwm si ay fursad ugu helaan inay sharciga hortiisa wax ku raadsan karaan waxna lagaga qaadi karo. Haseyeesheee, qofnimada qofka qaanuuneed waa mid aan buuxin oo leh xanibaado cayiman oo dhawra ah iyo dhinaansho.

Qofka dabiiciga ah laftiisa waxa jira duruufo iyo xaalado kala duwan oo ka qaada culayska qofnimo ahaan u saaran, sida xanuunka maskaxda ama sebinimada.
Iska daa fuqahada iyo dadka cilmiga sharciga bartay e, dadka caadiga ahi marna kuma doodin mana raadsan in xayawaanka dusha laga saaro culays la mid ah ka dadka. Haayo ma yeedhaanku garaad ma leh iyo garasho. Garaadku waa nimco wayn oo aadanuhu kaga duwan yahay noolaha kale ee dunida la jooga. Galladaasi waxay dusha ka saartay masuuliyad iyo culays in loo raaco wuxuu gaysto.

In xoolaha laga mid dhigo dadka waxay ka dhigan tahay in hoos loo celiyay qofnimada iyo karaamada dadka. Waayo xooluhu ma gaadhin mana gaadhi doonaan heer dadnimo, balse dadka ayaa mararka qaar hoos ugu dhaca heer xayawaanimo. 

No comments:

Post a Comment