Waxa beryahan soo xoogaystay muran sharci oo ku
saabsan in Jamaal Cali Xuseen uu u yahay murashax Xisbiga UCID iyo in kale.
Qoraalkan kooban waxaan ku eegi doonaa dhinaca sharci ee muranka.
Waxa haboon in la is xasuusiyo in arinkani ku
lug leeyahay dhacdooyin isdaba joogay oo ku sal lahaa is-faham ay wada gaadheen
UCID iyo xubno ka tirsanaan jiray Xisbigii dhintay ee UDUB. Xubnaha UDUB oo uu
hoogaaminayay Jamaal Cali Xuseen waxay la galeen UCID is-faham dhawr arimood
taabanayey. Is-af garadka dhex maray dhinacyadu wuxuu taabtay tirada xubnaha
Golaha Dhexe, xubno cusub oo ku soo biiray Golaha Fulinta iyo cidda murashax u
noqonaysa UCID. Sadexdaas arimkood mid kasta oo ka mid ah si cad oo aan mad
madow ku jirin ayuu uga hadlayaa Xeerka UCID.
Waxa
waajib ahayd in is bedelka ku duugan is- afagaradka la waafijiyo xeerka xisbiga
si uu u noqdo dhaqangal iyo mid waajib ku ah xisbiga inuu fuliyo. Is-faham
kasta oo dhinacyadu wada galaan sharciyan maaha mid ay tahay waajib in la
fuliyo (legally binding). Sidaasdarteed, heshiiska leh micnaha ama saamaynta
siyasadeed iyo bulsho (gentleman’s agreement), iskii uma noqdo sharci ahaan mid
la qaadan karo. Hadaba, markii dhinacyadu is-fahmeen waxay ahayd in la qaado
talaabooyinkan soo socda:
Sida
ku cad qodobka 37 ee Xeerka Xisbiga, Gudida Fulinta ee xisbigu waxay ahayd inay
soo jeediyaan wax ka bedel lagu sameeyo Xeerka Xisbiga iyaga oo u gudbinaya
Golaha Dhexe ee Xisbiga oo awood u leh in uu ku ogolaado 1/3 xubnaha Golaha
Dhexe. Hadii Golaha Dhexe ogolaado waa in loo gudbiyaa shirwaynaha Xisbiga oo
awood u leh inuu yeelo ama diido wax ka bedelkaas. Waxana uu ansax noqon karaa
wax-ka-bedel ama kaabsitu marka shirwaynuhu ansixiyo. Sababta wax ka bedelka
loogu baahnaa waxay ahayd in sharci laga dhigo is-fahamka oo ka soo horjeeday
Xeerka Xisbiga.
Sida
ku cad qodobka 12 ee xeerka Xisbiga shirwayne aan caadi ahayn waxa soo jeedin
kara Gudida Fulinta ama 1/3 xubnaha Golaha Dhexe, waxana Golaha Dhexe ku
ansixinayaa 2/3 xubnaha Golaha Dhexe ee kal fadhiga joogta. Taas oo macneheedu
yahay 2/3 xubnaha Golaha dhexe ayaa isugu yeedhi karaa Shirwayne aan caadi
ahayn. Gudida Fulinta ayaa marka ay hesho go’aanka Golaha dhexe ku ansixiyey
shirwayne aan caadi ahayn waxay 20 maalmood gudoohood ku qabanay shirwaynaha
aan caadiga ahayn. Wax ka bedelkii ay soo jeediyaan Gudida Fulintu ee ay
ansixiyaan Golaha Dhexe ayaa loo gudbinayaa Shirwaynaha.
Heshiiska
dhinacaydu gaadheen wuxuu dhaqangal noqonayaa marka uu maro wadadaaas ee uu ka
soo bilaabmo Golaha Fulinta ee uu ku dhamaado Shirwayanaha Xisbiga. Balse
talaabooyinkaas sharci lama qaadin. Ma jirin habayaratee wax ka bedel uu soo
jeediyay Golaha Fulinta oo loo gudbiyay Golaha Dhexe oo u sii gudiyay Shirwayne
aan caadi ahayn. Lama ba qaban shirwaynihii UCID kadib 4 ilaa 5tii January 2012
oo ahayd markii uu qabsaday shirwaynihiisii caadiga ahaa. Waqtigaas oo ka
horaysay ku soo biirtaanka xubnaha UDUB.
Tusaale
ahaan xubnaha UDUB ka soo guuray si ay u noqdaan xubno rasmi ah oo ka tirsan
Golaha Dhexe waxay ahayd in la qabto shirwayne aan caadi ahayn oo lagu
ansixiyo. Kadib ayaa loo magacaabi karaa xilal. Sida muuqata xubnaha UDUB iyaga
oo aan akhrisasn Xeerk Xisbiga ayay talaabooyinka qaadeen.
Ka mid noqoshada Gudida
Fulinta iyo Golaha Dhexe
Qof kasta oo aan ku jirin Golihi Dhexe ee la
doortay shirwaynihii u danbeeyey (oo ka horeeyey xubnaha UDUB) ee loo
magacaabay Gudida Fulinta waa waxba kama jiraan xilalkaas loo magacabay. Si ay
u noqdaan ansax waxay ahayd in in la qaado talaaboyinkan:
i.
In lagu daro liiska xubnaha
Golaha Dhexe ee shirwaynaha aan caadiga ahayn lagu doorto sida ku cad qodobka
18 ee xeerka
ii.
Markay soo galaan xubnaha
Golaha Dhexe ayaa loo magacabi kartaa Gudida Fulinta
Qof
aan kaba tirsanayn Golaha Dhexe ma noqon karo xubin Gudida Fulinta ah. Golaha
Dhexena waxa doorta Shirwayne. Shirwaynana lamaba qaban tan iyo markii xubnaha
UDUB soo guureen.
Madaxweyne
iyo ku xigeen
Jagada Madaxweyne iyo ku-xigeen waxa sharixi
kara Xisbi ka gudbay doorashada Deegaanka. Qaabka Ucid u marayana waxa
uu ku dhigan yahay qodobada 27 iyo 28 ee Xeerka Xisbiga. Waxa xusid mudan in
xubanah Golaha Dhexe ee dooranaya murashaxiiintu ay marka hore yihiin kuwo
sharci ah oo uu doortay Shirwayne. Taas oo macneheedu yahay in Gole Dhexe oo ay
fadhiyaan xubnihii UDUB ka soo guuray aanu ahayn sharci waayo waxa Gole Dhexe
dooran kara oo keliya Shirwayne. Sidoo kale soo bandhigidda murashaxnimadu waa
arin mar walba u yaal Golaha Dhexe oo markii uu doono cidii uu doono ka dhigi
kara ama ka noqon kara. Sidaasdarteed maaha arin sharci ahaan kakan oo mad
madow ku jiro, inkasta oo ay siyaasad ahaan ka duwanaan karto. Marka la eego Xeerka Nidaamka
Ururada iyo Axaabta Siyaasada, Xisbiga Kulmiye keliya ayaa leh murashax
madaxwayne (UCID iyo Waddani weli ma laha).
Xubnaha
Urur/Xisbi ka soo guura
Sida
ku cad qodobka 9(5) ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta iyo qodobka 5(7) ee
Xeerka Xisbiga, waa in qofkii ka soo guura xisbi/urur kale uu iscasilaadiisa u
gudbiyaa xisbiga/ururka uu hore uga tirsanaa. Kadibna soo codsadaa xubinimada
Xisbiga/ururka uu ku biiray.
Guleid
Ahmed Jama
Twitter: GuliedJ
Guleid
waa qareen ka hawlgala maxkamadaha Somaliland islamarkaana falanqeeya arimaha
sharci iyo siyasadeed oo ka tirsan Xarunta Daraasadka Siyaasadda (Centre for Policy Analysis). Guleid
wuxuu ka mid ahaa xubno qareeno ah ee dib u eegis ku sameeyey Xeerka UCID
sanadkii 2012. Qoraalkani waa aragtidiisa shaqsiga ah kumana metelo cidna.
No comments:
Post a Comment