Wednesday 31 July 2013

Sharcinimada Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka


Hordhac

Waxa magaaladda Hargeysa lagaga dhawaaqay urur cusub oo loo bixiyay Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka. Ujeedooyinka ururka ee laga akhriyay shir-saxaafadeed ay qabteen xubnaha ururkaas waxay ku taxeen dhawr arimood oo isugu soo biyo shubanaya in loo aasaasay ujeedo siyaasadeed. Iyaga oo ku dooday inay ugu gol leeyihiin inay ku saxaan wixii qalad ah ee jira. Waxay ku eedeeyeen xukuumadda inay gaftay wax badan, ayna gabtay in kale.

Siyaalo kala duwan ayaa looga fal celiyay ururkaas cusub. Xubnaha ururkaas ka tirsan ayaa ah siyaasiyiin si wayn looga yaqaan gudaha Somaliland. Dadka badankiisu waxay ka eegeen dhinaca siyaasadda. Dadka qaar waxay ku doodeen inuu haboon yahay oo loo baahan yahay cid mucaaradda dawladda oo ay u arkaan in mucaaradkeedu liito. Dad kale ayaa qaba in aan loo baahnayn , ayna u furan tahay inay xisbiyada jira ku kala biiraan.

Anigu waxan qalinka u qaatay inaan ka eego dhinaca sharciga. Siyaasiyan ha saxnaadeen ama ha qaldanaadeen e, sharcigu muxuu ka qabaa samaynta urur caynkan oo kale ah? Waa taas midda aan ku faahfaahin doono qoraalkan kooban.

Waa maxay dabciga Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranka?

Waydiinta u horaysa falaqayn sharci kasta oo la isku dayo in lagu sameeyo ururakan cusub waxay noqonay in la iswadiyo dabciga (nature) Golahan. Taas waxaynu kala soo baxayna ujeedooyinka ururka ee laga akhriyay shirka jaraa’id. Afhayeenka Golaha Muj. Ibraahim Dhegowayne wuxuu si cad oo an mugdi ku jirin u sheegay in goluhu leeyahay ujeedooyin  siyaasadeed oo u taagan inuu wax ka saxo siyaasadda dalka.

 Goluhu ma urur siyaasadeed baa? Urur siyaasadeed waxa lagu qeexa koox dad ah oo u midoobay inay gaadhaan xukunka (mucaarid) ama difaacdaan xukunka (muxaafid). Urur siyaasadeed wuxuu u taagan yahay inuu ka qaby qaato siyaasadda dalka. Cid kasta oo ka qayb qaadata siyaasadu maaha urur siyaasadeed. Tusaale ahaan waxa jiri kara ururo leh dan gaar ah oo u oleleeya dantaas. Kaba soo qaad urur ka shaqeeyo in danaha haweenka ama dhalinayarada dabada laga riixo. Ururada cayn kani ahi ma taageeraan siyaasadda guud ee dawladda kamana soo horjeestaan. Iyaga waxa u daran meel gaar ah.

Golahan cusubi isagu wuu ka duwan yahay uradan danbe sababta oo ah waxay si toos ah uga hadleen siyaasadda guud ee dalka. Taasina waxay ka dhigauy urur siyaasasadeed.

Dastuurku muxuu ka qabaa samaynta ururadda caynkan oo kale ah?

Qodobka 23(3) ee dastuurku wuxuu si guud u dejiyay mabda’ guud oo ah in la furan karo urur siyaasadeed. Balse muu sii qalin qaabka iyo sida uu u samaysmayo. Taasi waa middii dooda ka dhalisay markii ururkii Qaran lagaga dhawaaqay Somaliland. Ururkii Qaran isaga oo daliishanaya qodobkan wuxuu ku dooday inuu xaq u leeyahay inuu jiro.  

Waxa murankaas sal u ahaa qabyo iyo gal-daloolooyin ku jiray Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Qaranka.Taas waxa lagag baxay kadib markii wax ka bedel lagu sameeyey Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Qaranka.Sidaasdarteed, urur kasta oo siyaasadeed waxa xukumaya Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta.

Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda

Qodobka 1 (4) ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta Siyaasadda (Xeer Lr. 14/2011 wuxuu ku qeeaxay urur siyaasadeed “urur siyaasadeed waxa loola jeedaa koox muwaadiniin ah oo wadaagga fikir siyaasadeed oo isu-diwaan geliya urur ahaan si ay uga qayb qaataan doorashoooyinka golayaasha degaanka ka hor inta aan loo aqoonsan xisbi siyaasadeed”

Sida muuqata qeexidda sharciga Somaliland u yaqaan urur siyaasadeed waa mid dhuuban (narrow) oo aan gaadhsiisnayn noocyada kale ee urarada ah ee la samayn karo. Wuxuu ku eegyahay oo keliya ururka doonaya inuu u tartamo kursi siyaasadeed ka hor doorashada golayaasha degaanada.

Urur siyasaadeed ka caynkaas ah ee la sameeyo waxa waajib ah inuu maro dhawr shardi si uu ugu gudbo xisbi siyaasadeed. Sida ku cad qodobka 10(3)(r) ee Xeerka Nidaamka Ururada iyo Asxaabta siyaasadda cimriga xisbiga siyaasadeed waa 10 sano. Wixii ka horeeya inta tobankaas san dhamaanay dib looma furayo ururo siyaasadeed.

Gabo-gebo

Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranku waa mid aan haysan dood sharci oo uu ku jiri karo. Mana aha urur sharci ah oo waafaqsan xeerarka u yaal samaysashada ururada siyaasadeed.

Laga yaabee inay saxan yihiin ujeedooyinkiisu; laga yaabee in loo baahan yahay mucaaradadiisa, balse waa sharci darro Golaha Wada-tashiga iyo Toosinta Qaranku.

Guuleed Axmed Dafac

Hargeisa Somaliland

No comments:

Post a Comment