Wednesday 21 September 2016

Dood afeedkii ay Somalia ka hor jeedisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Salaasaddii shalay ahayd waxa Somalia ka hor akhriday Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda dood afeed jawaab celin u ah dood afeed Kenya Isniintii ka hor jeedisay Maxkamadda. Taas oo ku saabsanayd dacwad is-hortaag ah oo Kenya ka gudbisay arji dacwad furasho oo Somalia ka furatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Somalia waxaay doodeeda ku bilawday hadal guud oo ay ku guud martay in inkasta oo Somalia dhibaato wayni haysato, hadana inay ka soo kabanayaan oo u socdaan dhinaca horumarka. Waxaay uga mahad celiyeen Kenya iyo cid kasta oo caawimo u gaysatay.

Somalia waxaay ku dooday in sababta ay Kenya u keentay is-hortaaggu uu yahay inay cabsi ka qabto oo ay ogtahay in laga gar helayo hadii nuxurka dacwadda la galo. Waxaay sheegtay in qareenada Kenya doonayaan inay ku riixaan Somalia wado hadallo aan dhamaad lahayn cid ka garnaqaysaana aanay jirin si ay ugu keenaan in Somalia ay tanaasul u samayso Kenya.

Somalia waxaay sheegtay inanay ku soo degdegin maxkamadda ee ay isku dayday inay xal ugu hesho qaab wada hadal ah, balse in laga quus gooyay habkaas kadib markii Kenya ay diiday inay ka soo qaybgasho wareegii sadexaad ee wada hadalka. Iska daa inaanu ku heshiino xadayne ee waxaanu ku heshiin waynay habka loo xadaynayo, ayay tidhi Somalia.

Somalia waxaay ku dooday inaan is-afgaradkii 2009kii dhexmaray Somalia iyo Kenya aanu ahayn mid jideeynaya in wado kale lagu xalliyo khilaafka.

Somalia waxaay sharaxday in is-afagardku aanu ahayn heshiis loogu dan lahaa in lagu xalliyo khilaafka ka dhexeeya labada dhinac ee ku saabsan xadka bada.

Qareenada Somalia waxaay ku doodeen in duruuftii lagu galay is-afgaradku ay muujinayso inaan dhinacyadu marna ugu talo gelin in is-afgaradku uu noqdo hab lagu xalliyo khilaafka.

 Waxaay Somalia sheegtay inaan is-afgardku (MoU) ahayn mid iska hortaagaya dhinacyada in dacwadooda lagu qaado Maxkamadda.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin


No comments:

Post a Comment