Dawladda Somalia waxaay 28kii August 2014 u gudbisay
Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda dacwad ka dhan ah Kenya. Nuxurka dacwadda
Somalia waxaay ku qotontay xadka badeed ee aag ay labada dal ba sheeganayaan
lahaanshihiisa.
Somalia waxaay
ku dooday in labada dal ay ku muransan yihiin xadku halkuu maro islamarkaana ay
fashilmeen wada hadaladii diblomaasiyadeed ee labada dal dhex maray si loogu
maaro helo khilaafka.
Somalia markaas waxaay Maxkamadda ka codstay inay
dejiso xadka badeed ee u dhexeeya labada dal.
Dawladda Kenya waxaay 7dii October 2015 Maxkamadda u
soo gudbisay is-hortaag ku qotoma awoodda ay Maxkamaddu u leedahay qaadista
dacwadda iyo aqbalidda arjiga dacwadeed ee Somalia.
Kenya waxaay is-hortaageeda ku sallaysay qoraal is-afgarad
ah (MoU) oo Kenya iyo Somalia kala saxeexdeen 7dii April 2009. Iyada oo ku
dooday in qoraalkaasi keenayo in Somalia iyo Kenya aanay Maxkamad isla gellin
ee arinkooda ku xalishaan sifo ka baxsan Maxkamadda.
Sidaasdarted, Maxkamaddu waxaay hakisay ka garniqidda nuxurka
dacwadda. Waxaayna u soo jeedisay Somalia inay ka jawaabto is-hortaagga.
Somalia waxaay u soo gudbisay Maxkamadda
jawaab-celinta is-hortaagga. Kadib waxaay Maxkamaddu go’aamisay inay dhegaysato
19ka ilaa 23ka September 2016 is-hortaagga ay Kenya soo gudbisay iyo
jawaab-celinta Somalia.
Sidaasawgeed, waxa hada horyaal Maxkamadda waa
is-hortagga ay soo gudbisay Kenya. Maxkamaddu waxaay go’aamin doontaa laba
arimood midkood: (1) in Kenya ay ku saxan tahay is-hortaagga oo la joojiyo
dacwadda; iyo (2) in Kenya ay ku qaldan tahay is-hortaagga oo ay tahay in la
gudo galo dhegaysiga nuxurka dacwadda. Markaas kadib bay gudo gelaysaa
Maxkamaddu inay dhegaysto dacwadii ay soo gudbisay Somalia ee ku saabsanayd
xadaynta.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan
ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin
No comments:
Post a Comment