Monday 19 September 2016

Dood afeedkii Kenya maanta ka horjeedisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Maanta waxa bilaabantay dood afeed ay Jamhuuriyadda Kenya ka hor akhriday Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Dood afeedkan waxaay ku saabsanayd dacwad is-hortaag ah oo Kenya ka gudbisay arji dacwad furasho oo Somalia ka furatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Taas oo ku saabsanayd xadka badda u dhaxaysa labada dal.

Dooda Kenya waxaay ku qotontay in is-afgaradka (MoE) dhexmaray Kenya iyo Somalia uu keenayo in muranka labada dal aan lagaga garniqi karin Maxkamadan.

 Kenya waxaay ku nuux nuuxsatay doorka ay ka qaadatay naba dhisidda Somalia iyo magan gelyada ay siisay qaxoontiga Somalia. Waxaay sheegtay in ciidamo nabadda ilaaliya ay u dirtay Somalia oo ay ku hawlan tahay sidii ay Somalia nabad u heli lahayd. Sidaasdarteed, waxaay ku dooday in eedda Somalia ee ah in Kenya ay ka faa’iidaysanayso xaaladda Somalia ay tahay arin qaldan oo ixtiraam xumo ku ah dadka iyo dawladda Kenya ee waxa badan u huray taageeradda Somalia.

 Hordhacaas ka dib, Kenya waxaay soo gudbisay doodeeda sharci oo ay u kala saartay dhawr qaybood. Qayb waxaay si guud ugu soo bandhigtay is-hortaageeda. Qaybna waxaay kaga hadashay sharcinadada is-afagardka (MoE) oo ay ku nuux nuuxsatay inuu yahay qoraal sharci oo leh raad sharci. Waxayna ku dooday in Somalia ay iska indho tirayso sharcinimada is-afgaradka iyo in Somalia ay kala hadashay oo ay mawqifyo iska soo horjeeda ka qaadatay. Waxaay qareenada u doodayay Kenya awoodda saareen inay tixraac sharci ugu helaan in is-afgaradkaasi yahay mid qabanaya Somalia islamarkaana ka reebay khilafka labada dhinac in Maxkamadani qaado. Waxaay sidoo kale u eegeen is-afagardka xeerarka caalamiga ah.

Qayb kale waxaay ku doodeen qareenada Kenya inaan laga quusan in maaro loogu helo khilaafka haba wada hadal ah. Kenya waxaay sheegtay inaan labada dhinac yeelan wada hadal micne leh oo u dhigma in laga quus gooyo. Waxaayna sheegtay in la yeeshay dhawar shir farsamo oo aan marna hoos loogu daadegin iyo in muranada caynkan oo kale ah sanado badan ay socoto wada hadalkeedu.
Guntii, dood afeedkan bilawga ah ee Kenya wuxuu awoodda saarayay in is-afgaradkii dhexmaray 2009 Somalia iyo Kenya uu yahay mid sharci ah oo sababaya inaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu aanay awood u lahayn inay qaado dacwadan ee ay jiraan habab kale oo uu sheegay is-afgaradku iyaga oo ku sharaxay doodooda habkaas,

 Maalinta berri ah (Salaasadda) ayaa Somalia doodeeda ka hor jeedin doonta Maxkamadda. Doodani waxaay socon doontaa ilaa jimcaha.


Halkan ka eeg faalo ku saabsan nooca ay tahay dacwadan labada dal u dhexeeysaa.
http://guleidjama.blogspot.com/2016/09/xog-ku-saabsan-dacwadda-badda-ee-ka.html

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

No comments:

Post a Comment