23.8.2013, waxay ahayd hebeen si qurux iyo qiime leh uu u soo
bandhigay taariikh iyo waayo isugu jirta arag iyo maqal Hamish Wilson.
Bandhigan waxa soo agaasimay Machadka Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafka ee
Jaamacadda Hargeysa. Waxa ka soo qayb galay dad aad u badan oo ay ka mid
ahaayeen madax xil hada hays oo uu ku jiro Wasiirka Arimaha Debedda iyo
hogaamiyayaashii SNM oo kuwa ishaydu qabatay ee aan ka xusuusto ay ka mid
ahaayeen Cabdiraxmaan aw Cali Faarax, Ibraahim Dhegowayne, Maxamed Xaashi
Cilmi, iyo qaar kale.
Hamish Wilson oo mudo badan ku
qaatay inuu la noolaado dadka reer Somaliland isaga oo ka qaadayey sawiro,
wuxuu soo bandhigay habeenkaas sawiro si wayn u iftiimiyay dhaqanka iyo taariikhda
dadka Soomaalida ah guud ahaan.
Sawirada uu soo bandhigay waxay
isugu jireen laba qaybood, kuwo uu ka qaaday nolosha miyiga iyo kuwo uu ka
qaaday waqtigii magaalooyinka Somaliland ay burbursanaayeen ee laga soo noqday
dagaaladii lala galay Maxamed Siyaad Barre.
Sawirada uu halkaas ku soo bandhigay
Wilson waxay ahady taariikh aad u mug wayn oo si wanaagsan oo farshaxanimo leh
u faah-faahiyay taariikhda guunka ah dadka Soomalida ah. wuxuu si heersare ah u
qeexay in dhul xebeedka Somaliland, laga soo bilaabo xeebaha Sanaag ilaa Saylac
inay ahaayeen dhul taariikh wayn leh oo dadyowga dunidu la lahaayeen ganacsi
aad u dheer mudo fog. Ganacsigaas iyo xidhiidhkaas oo ay ka mid ahaayeen
dadyowgii la lahaa dadka Somaliland Giriiga, Faraciintii iyo qaar kale oo
badan. Waxa u badan ee soo jiitay dadyowgaas xidhiidhka la lahaa dadka
Somaliland waxay ahayd beenyada ka baxda gobolka Sanaag.
Wilson wuxuu si haboon sawiradiisa ugu
muujiyeen sida dadka Somalidu u leeyihiin dhaqan qoto dheer oo waayo aragnimo
hodon ah leh. Dhaqankaas oo uu ka buuxo cilmi, qaarkii yahay saynis.
Wuxuu soo bandhigay hab nololeedka
dadka Soomaliland ee ku kala nool dhulka aad u kala duwan, xeeb, buuraley,
banaan hawd IWM. Meel walba degaankeeda iyo cimiladeedu waxay ku qasabtay dadka
degan inay u noolaadaan hab u gaar ah, taas oo ay xitaa ku jirta aqalada ay
dhistaan.
Wuxuu sidoo kale sawiradiisa ku
muujiyay doorka ay bulshada Soomaalidu kal siiso haweenka iyo ragga. Iyada oo
ay si wanaagsan u muuqatay sida ay door aad u wayn oo hogaamineed ugu leeyihiin
haweenku nolosha miyiga.
Wilson wuxuu ka sheekeeyey isaga oo
sawirada uu soo bandhigayey marag ka dhiganayey farsamada heerka sare ah ee
dadka Somalidu leeyihiin ee ay ku samaysan jireen weel, doonyo iyo qalabka
guryaha.
Wilson wuxuu fuulay buuro dhaadheer
iyo dhul aan la gelin oo aad u fog fog, dhul kulayle ah oo biyuhu ku yaryihiin,
dhul qaboobe ah iyo laagag haadaamo ah oo aanay sahlanayn in la gaadhaa. Wuxu
ku qaatay dhulkaas habeeno iyo maalmo badan. Wuu la noolaaday dadkaas isaga oo
sawirona ka qaadayay. Yaab ayay ahayd inuu ka sheekeenayey buuraha dhaadheer ee
Sanaag, Xiis, Maydh, Midhisho, Raqas, Calmadow iyo meelo kale oo badan.
Wilson kuma eekaan intaase wuxuu soo
bandhigay sawirro naxdi badan dadka ku abuuray, xusuusiyayna waayo iyo taariikh
la is-dhaafinayey. Waxa goobtaas lagu daawaday Hargeysa oo u eeg magaalo la
rogay oo dhul gariir baabiyey. Meelo badan oo maanta ay ka dhisan yihiin guryo
iyo daaro qurux badan oo 1991 dii ah bur bur iyo baaba’. Hargeysada maanta la
buuxdhaafshay oo cidla ciirsi la’ ah oo dad iska daayee xayawaankii ka cararay.
Wuxuu ku celceliyay guubaabadiisa ah
in Hargeysada maanta aanay ahayn meelo si sahlan oo fudud ku timi. Waxa halkaas
lagu daawaday waxyeeladii iyo halaagii uu u gaystay dalka keligii taliyihii
macangaga ahaa Maxamed Siyaad Barre.
Balse ha u malaynin in uu ku soo
gebogebeeyey murugo iyo ciil. Wuxu dhinaca kale soo bandhigay sawiro muujinaya
wadadii dheereed ee loo soo maray dib u heshisiinta iyo dhisidda qaranimada
Somaliland.
Wixii aniga iigu yaabka badnaa wuxuu
ahaa sawir laga qaaday damaashaad lagu soo dhowaynayey ku dhawaaqidii gooni isu
taaga Somaliland. Dadkii isku soo baxay waxay siteen waraaqo yar yar oo ay wax
ku qoreen. Kii ugu soo jiidashada badnaa waxa sidatay haweenay waxana ku qornaa
hadalkan Ingiriisaga ah “We, Somaliland, apologize to the British”. Ingiriisku
markii xoriyada ay ka qaadanaysay Somaliland wuxuu kula taliyay inaanay
degdegin oo midnimo gelin ee ay sugaan mudo ay wax ku bartaan. Lagama siisan.
Haweenaydani waxay kolkaas leedahay raali ka ahow inaanu kaa diidnay taladaas
oo aanu soo aragnay qadhaadhka milalkii aanu malabka moodnay.
Kuuma sawiri karo taariikhda
sawirada uu qaaday Wilson, balse waxa haboonaan lahady in la sameeyo goob lagu
ururiyo waxyalahaas taariikhiga ah si aanay ugu lumin gurhaya dadka kala duwan
ee qaar ba in hayaan.