Sunday 18 August 2013

Qaab-dhismeedka iyo awoodaha Garsoorka Somaliland

Qoraalo is-daba joog ah ayaynu ku soo bandhigi doonaa awoodaha iyo qaab-dhismeedka waaxaha kala duwan ee dawladu ka kooban tahay. Maanta waxaynu ku soo bandhigi doonaa waaxda garsoorka.
Dastuurka Somaliland wuxuu abuuray sadex waaxood oo kala ah Garsoorka, Fulinta iyo Xeer-dejinta (Parliament). 
Garsoorku wuxuu ka kooban yahay xeer-ilaalinta iyo maxkamadaha. Labadaas ayaa sida ku dhigan dastuurka ah garsoor (judiciary). Shaqada garsoorku waa u garqaadida shacabka dhexdiisa, shacabka iyo dawladda iyo turjumida xeerarka iyo dastuurka.  
Maxkamaduhu waxay ka kooban yihiin:
1.      Maxkamadda Sare: awoodaha ama shaqada maxkamadda sare way badan yihiin waxaynu se ku soo koobaynaa:
a.       Dhegaysiga dacwadaha rafcaanka ah ee laga soo qaato maxkamadaha hoose,
b.      Dhegaysiga rafcaanada laga soo qaato go’aan maamul (sida wasaarad, gudi IWM,
c.       Dib-u-eegidda (review) go’aamadda maamul ee looga soo cawdo,
d.      Dhegaysiga dacwadaha dastuuriga ah (Maxkamadda Sare waxay sidoo kale tahay Maxkamadda Dastuuriga ah)
e.       Dhegaysiga dacwadaha ciqaabta ah ee lagu soo oogo wasiirada iyo xubnaha xeer-dejinta (labada gole ee Wakiilada iyo Guurtida).
 
2.      Maxkamadaha Rafcaanka: Maxkamadaha Rafcaanku waxay ku yaaliin dhamaan gobolada. Gobol waliba wuxuu leeyahay maxkamad rafcaan oo dhegaysta rafcaanada looga soo qaato maxkamadda gobolka iyo degmada. Xukunka Maxkamadda Rafcaanka waxa looga rafcaan qaadan karaa Maxkamadda Sare oo xarunteedu tahay Hargeysa.
 
3.      Maxkamadaha Gobolada: Gobol waliba wuxuu leeyahay maxkamad gobol oo dhegaysta dacwadaha gobolkaas. Kuwaas oo ah dhinaca ciqaabta, dacwad kasta oo ciqaabtiisu ka badan tahay 3 sano. Dhinaca madaniga, dacwad kasta oo qiimaha la isku haystaa ay ka badan tahay 3 milyan oo Somaliland Shillings ah, iyo sidoo kale dhamaan dacwadaha ku saabsan cashuurta iyo shaqada. Xukunka Maxkamadda Gobolka waxa looga rafcaan qaadan karaa maxkamadda rafcaanka ee gobolkaas, tusaale ahaan haday soos aartay xukunka Maxkamadda Gobolka Sanaag, waxa looga rafcaan qaadan karaa Maxkamada Rafcaanka Gobolka Sanaag.
 
 
4.      Maxkamadaha Degmooyinka: degmo kastaa waxay leedahay maxkamad degmo oo qaada dacwadahad degmadaas. Kuwaas oo dhinaca ciqaabta, wixii ka yar 3 sano oo xadhig ah. dhinaca madanigana ka yar sadex milyan oo Somaliland Shillings ah. waxay sidoo kale gaar u leedahay dacwadaha dhaxalka iyo kuwa qoyska in kasta ha leekaato qadarka la isku haystaa.
 
5.      Maxkamadaha Cidaanka oo ah kuwo qaada oo keliya dacwadaha ciqaabta ah ee ay dhinca ka yihiin xubnaha Ciidanka Qaranka (Military) waxay leeyihiin hanaan u gaar ah mana banaana in la saaro qof shacab ah.
Garsoorayaasha (judges) Maxkamadda Sare waxa magacaaba Madaxwaynaha iyada oo Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ay shardi tahay in la mariyo oo ay ansixiyaan labada aqal ee baarlamaanka oo yeelanaya fadhi wada jira. Gudoomiyaha hada ee Maxkamadda Sare waa Yuusuf Ismaaciil Cali.
Garsoorayaasha maxkamadaha hoose (Maxkamadda Rafcaanka, Gobolka iyo Degmada) waxa magacaaba Gudidu Cadaaladda.
Xeer-ilaalintu waxay ka kooban tahay Xeer-ilaaliyaha Guud oo uu magacaabo Madaxwaynuhu ayna ansixiyaan Golaha Wakiiladu, iyo ku-xigeenadiisa oo ay magacaabaan Gudida Cadaaladdu. Xeer-ilaaliyaha Guud ee hadda waa Xasan Axmed Adam.
 

No comments:

Post a Comment