Sunday 19 June 2016

Qaadka iyo khamriga













Qaadku ma xalaal baa mise xaaraan? Waa lagu murmay. Shiikh aan berri tegi jiray jimcaha masaajid uu iimaam ka yahay oo aan xogaa u jiray ayaa aad u necebaa welina u neceb qaadka. Hada lama deris ahi oo ma gaadho masaajidkiisa. Jimceyaal badan buu qudbadiisa kaga hadlay. Xitaa hadaanu mawduucu ku saabsanayn si uun buu ugu soo dhex dari jiray.

Anigu qaadka ma cuno dadka cunana lama jecli. Qareen baan ahay oo marka sharciga Somaliland laga eego dabcan xaaraan maaha oo xeer baarlamaan ma odhan sidaas. Diin ahaan ka waran? Shiikh ma ahi oo badaas ma geli karo. Haseyeeshee, waxaan ogahay in xalaashiisa iyo xaaraantiisa ay ku xidhan tahay hadba wadadka aad waydiiso. Qaar baa si fiican u daqiiqa oo quud awliyo ku tilmaamay. Qaarna sida shiikhaygaas hore waa la xaaraan.

Dooda qaadka iyo dhibtiisu waa mid dhex taal Soomaalida oo dhan, ha uba sii gaar ahaato dadka Somaliland oo aad u cuna; inta badan ragga qaan gaadhka ah. Qaadku wuxuu leeyahay saamayn siyaasadeed, dhaqaale, bulsho iyo dhaqanba. Sidaasdarteed, ma sahlana mamnuucidiisu. Dabcan dawladu awood ba uma laha in ay ku mamnuucdo wax dad badani cunaan. Waxa ka horaysa in afti la waydiiyo. Hadiise laba mamnuucayo shay sahlan maaha.

Khamrigu sharci ahaan waa ka mamnuuc Somaliland oo waxa jira xeer u gaar ah oo ciqaabaya ciddii cabta, keenta, ka ganacsata ama rarta.

Iyama xun labada? Dad badani su’aashayda waxaay u arkayaan garadarro sababta oo ah uma yaqaaniin qaadka wax xun oo la bar bar dhigo karo khamriga oo diintana ku qoran caafimaad ahaana in badan laga hadlay. Balse hada malaha waxa furantay dood shiikhaygu ku sheegay in qaadku khatar badan yahay. Baraha bulshada dad kaga fal celiyay waxaay u arkeen in taasi dhiirigelin karto cabista khamriga. Anigu se waxaan u arkay inaan shiikhu sidaas ula jeedin, haba kaga dhacdee.

Waxaase malaha haboonayd in loo daayo baarlamaanka shaqada xaarantinimaynta shay si looga fogaado in qof waliba wax ku tilmaamo xaaraan oo aynaan ku dhex dawikhin khilaafka firqooyink iyo manaahijta is-diidan. Soo jeedintu se ma xuma.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin


No comments:

Post a Comment