Tuesday 21 June 2016

Xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia

 






 Somaliland waxaay dhul ahaan la deris tahay sadex dal: Somalia, Ethiopia iyo Djibouti. Somalia waxa ka dhex jira is-diid xoog leh oo ay keentay go’aanka gooni isu taagga oo aanay raali ka ahayn. Djibouti wax u dan ah Somaliladn weligeed ma samayn.

Dhinaca Badda Cas waxa ka soo kulaala dalalka Carbeed oo caan ku ah sida ay uga soo horjeedan Somaliland.

Dalka qudha ee saaxiibtinimo dhow la leh Somaliland waa Ethiopia. Geeska Afrika waa mid ka mid ah gobolada ugu qalalaasaha badan dunida. Waa gobol xasiloonidu ku yar tahay jaarkuna is neceb yihiin; ama dagaalo fool ka fool ah bay kuwada jiraan ama jabhado ayay isku hubeeyaan. Hirdankaas siyasadeed Somaliland waxaay u wajahday si wanaagsan oo ku sallaysan dhawrista nabadda iyo deris wanaagga.

Talaabadii u waynayd Somaliland waxaay qaaday markii ay meel iska dhigtay sheegashadii dhulkii gumaystaha reer Yurub ka siiyay Ethiopia. Waxaay Somaliland la noqotay in Soomaali cid waliba halkeeda ku noolaato badhaadhe iyo nabad ee aan dhiig danbe la daadin.

Aragtidaas dad baa ka soo horjeeda. Kow, dad aaminsan aragtida Soomaali wayn oo ay si dhow u dhibayso ugana cadhaysan siyaasadda Ethiopia ee ku wajahan Somalia. Dadkaasi ma aqoonsana in Somaliland dan gaar ah yeelan karto oo ciday doonto la saaxiibi karto. Waxa weli kooxdan ku qufulan in dib loo raadsho Soomaalida Geeska Afrika oo Xamar looga wada taliyo. Qolada labaad waa dad si dhow ugu xidhan Masar iyo dunida Carabta. Waxaay ka shaqeeyaan sidii Soomaalidu culays ugu noqon lahayd Ethiopia iyaga oo u dhimanaya biyaha lagu cabo Masar.

Labadaas kooxood midna danta Somaliland ma wado ee cid kale ayay u shaqaynayaan.
Waxaa se jira dad iskood ugu kacsan xidhiidhka oo u arka inuu dhinac ka raran yahay oo aanu isku dheelitirnayn. Waa dood qiimo leh oo la isla faaqidi karo. Siyaasadda debeddu wax meel ku dhegsan oo aan la dhaqaajin karin maaha ee wax dan ku sal leh. Markaas dooda ay hayaan waa mid macquul ah.

Nasiib darro, marka dhacdooyin taban ay soo kala dhex maraan labada dal ee deriska ah labada kooxood ee hore waaxay uga faa’iidaystaan inay dadka naxli ku abuuraan oo ay bulshada ku kiciyaan.

In Ethiopia iyo Somaliland saaxiib noqdaan labada dalba dan baa ugu jirta.

Ilaalinta muwaadiniinta iyo madax-banaanida dalku waa waajib ugu horayn saaran dawladaada. Hadii wax ka yimaadaana waxa iska leh eeda dawladaada, hadii ay ka bixin waydo jawaabta diblomaasiyadeed ee ku haboon.

Ugu danbayn, waxaa haboon inaan la isku qaldin fal ama falal qaldan oo ay tahay in sidooda looga fal celiyo, iyo hagar daamada dadyow habaysan oo neceb Somaliland nabad ah. Ethiopia lafteeda waxa la gudboon inay ogsoonaato saamaynta ay yeelan karaan falalka ay sameeyso. Xidhiidhka labada dal waa mid ku salaysan isku danaysi (mutual interest). Sidaas oo ay tahay cid walba oo Somaliland joogtaa ma jecla jiritaanka xidhiidhkaas. Somaliland waa dimoqraadi ay saamayn wayn leedahay aragtida shacabku. Markaas waxa fariidnimadu tahay in Ethiopia aanay ku kicin wax ka horkeeni kari dadka, hadii ay dhacaana inay uga jawaabto si xeel dheer oo indheer garadnimo ku jirto.


Xidhiidhka labada dal waa heer qaran (Addis Ababa iyo Hargeysa). Labada dawladoodna waa waajib saaran inay ka shaqeeyaan wax u dan ah deris wanaagga.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

No comments:

Post a Comment