Saturday 18 June 2016

Soomaaliya nabadi uma dhowa inta dhiig yacab ku dhex nool yahay



Dadka gumaadka dadka iyo daadinta dhiigga shacabka ku caan baxay ee dagaalada maatada iyo shacabku ku hoobteen ku lugta lahaa ma jecla in nabad la helo oo bulshadu sal dhigto. Waxaay ka baqayaan in mar uun la is xisaabiyo.

21 sanadood oo Siyaad Barre mindi dhiig leh shacabkiisa ku la dhex jiray, iyo 25 sano oo dabadii Soomaaliya dagaal sokeeye oo wejiyo badan lihi ka socday, hogaamiyayaal badan baa ku lug leh eedo dembiyo dagaal iyo kuwo ka dhan ah aadanaha. Kuwii dhibta geystay waxay ugu dhex nool yihin Soomaaliya si nabad ah iyaga oo qaarkood haya xilal halka kuwo kalena ay u hammuun qabaan oo ku han wayn yihiin in loo doorto xil sare. Ugu yaraan hal qof oo loo haysto inuu sideetanaadkii gumaad ka gaystay Somaliand ayaa shaaciyay inuu u sharaxan yahay doorasho u-keeha la filayo inay ka dhacdo Soomaaliya sanadka 2016.

Waxa taariikhdu caddaysay oo waayuhu ina baray in dembiilayaasha dagaal ay geed dheer iyo mid gaabanba u fuulaan sidii aan nabad loo heleen iyo hadii ba la helo sidii nidaamka abuurmaa aanu u noqdeen mid iyaga ku soo jeesan kara.

Hadii caddaalad la marin waayo dhagar geystayaasha, waxaay u badan tahay in ay soo noq noqoto dhibaadadu sababta oo ah waxa meesha ka baxda cabsidii laga qabi lahaa in la is-xisabiyo.

Mid ka mid ha qalalaadka aanay dhaadin hogaamiyayasha Soomaaliya waa doorka ay kuwa eedaysani ku leeyihiin nabad la’aanta iyo dagaalada lagu riiqday ee weli ka sii socda dalkaas oo loo yaqaan dal fashilmay (failed state). Inuu ka baxo ceebta uu dhex dabaalanayo waxaay qaadanaysaa mudo dheer hadii aanay gar waaqsan in caddaaladu dan u tahay cid walba. Si taasi suurta gal u noqotana waaa in Soomaaliya loo sameeyo maxkamad caalami ah oo qaada dembiyadii dagaal aa dhecay.

Guleid Ahmed Jama

Hargeisa Somaliland 

No comments:

Post a Comment