Wednesday 15 June 2016

Waraaq furan oo ku socota Madaxwaynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali

Mudane Madaxweyne,

Waxaan ahay muwaadin reer Somaliland ah oo degan Hargeysa. Waxaan ogahay in dadka degan dhulka aad u talisaa ay yihiin dad wanaagsan oo ku fiican dhaqanka iyo dadnimada. Waxaan ogahay in dhibaato xoogani ka soo gaadhay maamulkii macangaga ahaa ee uu horkacayay keligii taliye Maxamed Siyaad Barre. Waxaan ogahay inuu layn ba’an ka gaystay deegaanada Puntland.

Waxaan sidoo kale ogahay inaad tahay nin aqoon yahan ah oo ku noolaa dal kala danbayta sharciga iyo ixtiraamta xuquuqal insaanku ku wayn yahay. Sidaasdarteed, waxaan kaa rajaynayaa inaad u niyad san tahay caddaaladda iyo nolosha aadanaha.

Mudane madaxwayne, waxaan ka ogaaday war-baahinta Soomaalida inuu joogo Puntland General Moorgan oo sida aad ogtahay loo haysto eedo. Eedda loo haystaa waa mid culus oo ku aroorta dembiyo dagaal iyo dembiyo ka dhan ah aadantinimada oo uu galay intii uu ka talinay Somaliland.

Sidaasdareed, si uu u wajaho caddaalad oo loo soo taago maxkamad waxaan kaa codsanayaa inaad u soo gacan gelisid Moorgan dawladda Somaliland. Hadii aad sidaas samaysid waxaay wax wayn ka tari doontaa nabadda Geeska Afrika iyo isku soo dhowaanshaha shacabka walaalaha ah ee Puntland iyo Somaliland. Waxaay farriin u diri doontaa dhamaan dagaal oogayaasha welli ku hawlan sidii ay u daadin lahaayeen dhiig Soomaaliyeed.

Mahadsanid

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa, Somaliland


No comments:

Post a Comment