Saturday 4 June 2016

Talaabada Camuud qaaday waxaay calaamad u tahay halka loo socdo


















Sawirka: calaamadda Jaamacadda Camuud


Jaamacadda u da’da wayn Somaliland ee Camuud ayaa iska hor taagtay Prof. Ahmed Ismail Samatar inuu hees ka qaado sida caadada u ahayd mar walba oo uu soo gebo-gebeeyo khudbadaha is-daba joogga ah ee uu ka jeediyo jaamacadaha iyo goobaha kale.

Dadka qaar waxaay u arkeen talaabo haboon oo lagu ilaalinayo wax ula muuqda qiyam hagaagsan oo diini ah halka ay dad kale u arkaan inay tahay fal ceeb ku ah jaamacadda oo hoos isu celisay, iskana hoosaysiisay meeqaamkii laga filayay.

Talaabada Camuud waa mid ay ku canbaaraysan tahay lagana filayo inay dhinac iskaga leexiso oo ay raaligelin bixiso si ay u daba qabatayso sumcadeeda, cidii ka danbaysayna ay ka erido jaamacadda
Balse falkan wuxuu caddayn u yahay wadada ay bulshada Somaliland ay qaaday iyo itijaaha cusub ee isa soo tarayay shan iyo labaatankii sanadood ee u danbeeyey. In Boorama oo muusiga casriga ah ee Soomalidu ku dhashay ay jaamacad ah halkii la bidayay aqoonta iyo dul qaadku ay diido in hees laga qaado waa ifa-faale walaac leh oo ina tusaya in eelkii la beeray uu qarxay.

Maaha arin ku kooban hees iyo muusig ee waa ka qoto dheer yahay.

Cidda gabtay dadka ee u horseeday in umaddu qaado marinkan waxa kow ka ah aqoon yahankeeda. Weli waa macquul in la soo dabo-qabateeyo bulshada oo la abuuro fagaare si dul qaad leh oo si nabad qabta loogu noolaan karo inaga oo ah Muslimiin Afrikaan ah oo ilaashanayna diinteenta sida aynu u fahamnay Afrikaan ahaan tan iyo markay ina soo gaadhay waagii Nebi Muxamed (CSW) uu joogay Medina iyo kadib.

Guleid Ahmed Jama


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

No comments:

Post a Comment