Saturday, 16 July 2016

Maxaa laga og yahay isku daygii af-gembi ee Turkiga?













Sawirka: Istanbul 

Habeenkii jimacaha ahayd ee sabtidu soo gelaysay waxa mar qudha la arkay ciidamo xidhay buundada isku xidha dhinaca Yurub iyo Aasiya ee magaalada Istanbul. Ciidamo ayaa qabsaday telefiishankii dawladda. Waxaay sheegeen inay dalka la wareegeen. Meelo badan ayaa ciidamadu galeen.

Mudo ayaa dalka iyo duniduba jaah wareer ku jireen. Kadib waxa hadlay raysal wasaarihii dalka oo sheegay inay weli dalka maamulaan. Balse taasi xaaladda ma dejin waayo waxaan markaas war laga hayn madaxwaynaha.

Erdogan wuxuu ka soo muuqday telefiishan isaga oo ku hadlaya telefoon. Inkasta oo ay taasi cadaysay inaan madaxwaynuhu gacanta ugu jirin cidda af genbiga waday, hadana xaaladda uu ka hadlayay waxba kamay tarin inay xaqiijiso cidda Turkiga maamulaysay. Cabaar kadib ayuu mar kale shaashadaha ka soo baxay madaxwaynuhu. Markan si caadi ah ayuu u hortaagnaa warbaahinta.
Dhawaaqa u wayn ee madaxwaynuhu waxaay ahayd in dadku isku soo baxaan oo dawladiisa taageeran.

Waxa saacado yar gudohood ku cadaatay in taliyaha guud ee ciidamada dalku aanu taageersanayn af gembiga iyo weliba inuu u xidhan yahay cidda isku dayday af-gembiga. Sidoo kale taliyaha Qaybta Kowaad ee Ciidanka Turkiga oo ah qaybta ugu wayn saldhigeeduna yahay Istanbul ayaa isna hadlay oo sheegay inuu ka soo horjeedo af-gembiga.

Waxa sidoo kale hadlay madax dhawr ah oo ay ku jiraan madaxwaynihii hore, Abdullah Gül, iyo raysal wasaarihii hore, Ahmet Davutoğlu, ee dalka. Wax warbaahintu sheegtay in xisbiyada mucaaradka ah oo ay ka mid yihiin xisbiyada cilmaaniga ah inay ka soo horjeedaan isku dayga.

 

Hada waxa cad in isku daygii fashilmay oo dawladdu ku guulaysatay inay xilka sii xejisato.

Maxaa ka qaldamay af-gembiga?

Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa sida wax u dhaceen. Balse ilaa hada waxa cad laba arimood inay sahleen inuu fashilmo afgembigu.

1. Ciidanka afgembiga isku dayay waxaay ku guuldaraysteen inay qabtaan madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha dalka. Ma jiro afgembi guulaysan karaa hadii cidda la afgembiyayo aan la qaban, la dilin ama aanay dalka debedda uga cararin. Iyada oo madaxdii dalku joogta oo weliba la hadlayso warbaahinta in afgembi guulaystaa way adag tahay.

Sida muuqata ciidanka afgembiga sameeyey ma ogayn halka uu joogo madaxwaynuhu. Goor danbe oo uu ka tegay ayay duqeeyeen. Taasi waxaay ahayd fashil wayn oo xagga istiraajiyadda ah.

2.  Waxa cadayd inaan ciidanku isku raacin falka. Waxa taas dheer in madaxda sare ee ciidanka oo ay ka mid yihiin taliyaha guud iyo taliyihii Qaybta Kowaad aanay la socon isku dayga. Tan waxa sii xoojisay fursadda ay u heleen madaxwaynaha iyo rasyal wasaaruhu inay la hadlaan shacabka sabato oo ah inta badan guulaha af gembiyada waxa keena marka loo arko in cidii afgembiga samaysay ay guulayasatay, dad badan baa iska raaca baqdin ama danaystinimo darteed.

Si aad afgemi u samaysid ciidan badan uma baahnid balse ciidankaagu waa inuu qabsadaa meelaha halbowlaha ah sida ugu dhaqsaha badan, cida aad ka soo horjeedaana waa inaanay fursad u helin inay wada xidhiidho. Intaas waxa sii dheer, maadaama oo cidda afgembiga isku dayday aanay ahayn madaxdii u saraysay ciidanka, fursad umay haysan inay ku amraan qaybaha kale ee ciidanka (chain of command). Tusaale ahaan hadii taliyaha guud la socon lahaa, markay warbaahinta la hadleen kadib amar buu ciidanka siin lahaa.

Waxa sidoo kale jira qaybo ciidamada ka tirsan sida sirdoonka oo si wayn u taageersanaa madaxwayanaha.

Guntu waxaay tahay in cidda isku dayday afgembigu ay laba arimood midkood la soo derseen: kow, inaanay ku talo gelin afgembiga oo uu qarbo qarbo ku ahaa. Laba, inay ku talo galeen balse xagga watigu (timing) uu ka soo hordhacay oo ay jireen wax dabada ka eryayey oo ku qasbay inayu ka baydhaan inay raacaan hanaan iyo farsamo cad.

Doorkii interneetka

Erdogan waxa si wayn u caawiyay interneetka. Wuxuu ka soo muuqday telefiishanka isaga oo ku hadlaya Facetime. Hadii aanu kaas heli lahayn waxa dib u dhici lahayd xiliga uu la hadlayo dadka. Mar walba oo ay taasi sii durugtona waxaay gacan siin lahayd ciidamada kacsanaa.

Khuburadu tusaale ahaan waxaay leeyihiin afgembiyadii hore ee ka dhacay Turkiga waxyaabihii inay guulaystaan sababay waxa ka mid ahaa in warbaahinta madaxbanaani aanay jirin oo kuwii dawladana ay gacanta ku dhigeeen cidii afgembiga samaysay.

Mooji inay tani wax ka bedeli doonto gacantii adkayd ee Erdogan ku hayay warbaahinta mar hadii ay qayb wanaagsan ka qaateen in laga hortaggo af gembiga.

 Yaa ka danbeeyey?

waa su’aasha aan weli cidna si hubaal ah u hayn jawaabteed. Umalayn maayo in xitaa madaxda Turkigu weli taas ogaatay. Waxa se ay markiiba farta ku fiiqeen wadaadka caanka ah ee la yidhaahdo Muhammed Fethullah Gülen oo ay mudo dher isku kacsanaayeen Erdogan inkasta oo ay markii hore saaxiib ahaayeen. Qoraalo danbe ayaynu kaga hadli doona ninkan iyo awoodihiisa.

 Reer galbeedka iyo afgembiga

Ma cadda inay sii ogaayeen afgembiga sirdoonka reer galbeedku iyo in kale. Waxa se muuqata in markii sheekadu soo baxday ay yara jaakidheen. Hadaad eegtid hadalada madaxdoodu soo saartay waxay soo baxeen mar danbe, waxaayna ku bilaabmeen hadal guud oo ah inay walaac ka qabaan waxa dhacay. Markii la ogaaday in afgembigii fashilmay ayay bilaabeen inay sheegaan inay garab taagan yihin dimoqraadiyadda.


Madaxda reer galbeedku sinaba uma rabaan Turkiga oo qasma waayo dani uguma jirto oo waa albaabka Yurub. Sidoo kale way jeclaan lahaayeen in Erdogan ka hor dhaqaaqo. Markaa waa laba daran kala dooro. 

Friday, 8 July 2016

Biyaha webiga Nile: Inkaarta Soomaalida





















Sawirka: Google image

Weligii iyo waaqii webiga Nile wuxuu u ahaa nolol dadka ku ag nool. Xaddaaradda gabawday ee dhulka hada Masar loo yaqaan waxaay ku dhalatay, ku barbaartay oo ku tanaaday naxariista biyaha webiga. Umadihii hore waxaay u yaqaaniin Nile Ilaah. Si wayn ayaay u ciseen jireen.

Dadka reer Masar 95% waxaay ku nool yihiin webiga dhiniciisa. Dhulka intiisa kale waa lama degaan aan lagu noolaan karin. Jirintaanka Masar waxaay ku tiirsan tahay Nile. La’aantii waay madhanayaan. Nile ku uma keeno Masaarada biyo keliya, ee sidoo kale wuxuu ugu deeqaa ciid macdan badan leh oo uu ka soo qaado buuralayda Ethiopia. Ciddaas oo weligeed bacarmiye u ahayd beeralayda Maasarida.

 Tirada dadka Masaarida ahi way sii kor dhaysaa. Taas oo kor u sii qaadaysa baahida ay u qabaan Nile ka. Maadaama oo aanay jirin il biyood kale oo ay Masaaridu heli karto, Masar waxay diyaar u tahay inay la dagaalanto cid kasta oo isku dayda inay hoos u dhigta biyaha uu u keeno Nile.

Nasiibdaradda haysta Masar ayaa ah in biyaha Nile ku ay ka yimaadaan dalal kale. Inta u badani waxaay ka soo qul qulaan buuralayda Ethiopia. Ethiopia oo ah dal faqri dishooday waxaay la daalaa dhacaysaa tirada dadkeeda oo sii badanaya iyo dhaqaleheeda oo kor u sii kacaya. Sidaasdarteed, waxaay baahi wayn u qabtaa inay isticmaasho biyaha Nile ee ka burqamaya dhulkeeda.
Wadamada ay ka yimaadaan biyaha Nile ku ma haystaan laydh. Dhamanatood wax ka badan 80% dadkoodu ma helaan laydh. Tusaale ahaan Uganda waxa laydh hela 9% keliya dadwaynaha dalkaas degan.

Heshiisyo ay Masar la gashay gumaystayaashii reer Yurub ee Afrika xukumayay, ayaa siiyay Masar inay isticmaasho inta badan biyaha webiga Nile. Wadamada Afrikaanka ah ee biyuhu ka yimadaaan markii ay helaan xorriyada waxaay cadeeyeen sidaa aanay ugu faraxsanayn in biyohooda oo ag qul qulaya ay haraad kaga jiraan.

Dalka sida ba’an ugu heellan inuu manaafacaadsado Nile-ka waa Ethiopia. Masar lama deris ah dalalka biyuhu ka yimaadaan. Sidaasawgeed, way ku adag tahay inay si toos ah cadaadis u saarto dalalkaas. Juquraafigu ma caawinayo hadii ay dagaal gasho waayo xad lama laha dalalka ay is hayaan. Sidaasdarteed, Masar waxa weligeed ka go’nayd inay hesho dal la deris ah dalalkaas oo iyada la jaal ah. Dalkaasi wuxuu noqday Soomaaliya. Masar waxaay u adeegstay Soomaalida inay u dagaalamaan biyaha ay iyadu cabayso ee aanay waxba ka soo gelayn Soomaalida. Waxaay Soomaalida ku qalqaalisaa dagaallo ay la gasho deriskeeda iyo nacayb ay u qaado in ka ag dhow.

Hadba waxaay Masar isticmaashaa meesha ay ka nugul yihiin Soomaalidu. Tusaale ahaan Masar waxaay gacan laxaad leh ku lahayd aragtidii shaac baxday ee Soomaalidu ku doonaysay in mideysa dhamaan dadka Geeska Afrika ku nool ee ku hadla Af Soomaaliga. Taas oo keentay in Soomaalidu dagaal la gasho Ethiopia. Soomaalidu waxaay gacan wayn ka heshay Masar. Dadka ka riixayay aragtida Soomaali wayn waxa ku badnaa dad wax ku bartay Masar.

Ugu danbayntii is-miidaamintii Soomaalidu waxaay keentay in dalkii Jamhuuriyadda Soomaalidu burburo, shacabkiisiina qaxo. Nasiib darro, Masar iyo walaalaheedii Carbeed albaabada ayay ka xidheen dadwaynihii baahnaa ee dagaalku ku habsaday. Halka dalalkii la deriska ahaa ay u fureen iradaha.

Intaas kamagay hadhin inkaarta webiga Nile ee holcinta iyo dab ku shidida dagaalka sokeeye ee ka socda Somalia waxa qayb laxaad leh ku leh danaha la kala jiidnayo ee Webiga Nile. Dalalka la deriska ah Somalia waxaay ku hamiyaan sidii dawladda ka dhalata Somalia aanay u noqon mid awr kiraale u ah Masar. Masarna waxaay ku foogan tahay sidii ay u heli lahady dawlad u dagaalanta oo cadaadis aan joogsi lahayn ku haysa Ethiopia si aan Ethiopia u helin waqti iyo tamar ay biyaha Nile ku isticmaasho.


Marlayba Soomaalida waa u dagaal aanay waxba ka dheefay. Hadiii webiga Nile uu u yahay Masar barako, Soomaalida waa ku inkaar.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin 

Thursday, 7 July 2016

Caddaalad darada dunida maxaa u sabab ah?













Caalamka waxa awoodda u badan leh dalal madax banaan oo is aqoonsan. Si qaab sahlan oo la saadaalin karo oo kala danbayn leh loogu maareeyo xaalka aduunka, dawladuhu waxaay galaan heshiisyo. Heshiisyadaas baa maamula xidhiidhka ka dhexeeya dalalka dhinac walba. Sababta heshiisyada loogu baahday waxa weeye inaanay jirin dawlad ka dhaxeeysa dunida oo dhan oo shuruucda u samaysa, u gar naqda marka ay is qabtaan, cidii xad gudubtana xabsiga u taxaabta. Dalalku way siman yihiin. Haba sinaadeene way kala xoog wayn yihiin oo kala taag iyo tamar badan yihiin.

Kadib dagaalkii labaad ee dunida waxa dawladihii ku guulaystay ay abuureen Qaramada Midoobay oo markii danbe dalalkii dunida oo dhami ay aqbaleen oo xubno ka noqdeen (Switzerland baa dhowaan ku biirtay oo markii hore debedda ka joogtay). Aragtidu waxaay ahayd in Qaramada Midoobay noqoto goob lagu xalliy dhibaatooyinka oo lagaga hortaggo inuu dhaco dagaal kale oo lagu hoobto.

Qaramada Midoobay waxa ugu xoog badan Golaha Amaanka. Golaha Amaanka waxa ka mid ah shan dawladood oo mid kasta awood u leeyahay inuu diido waxa inta kale isku raacday: waxa loogu yeedho diidmada qayaxan (veto).

Shantaas dawladood waxaay u adeegsadaan awoodda diidmada qayaxan inay danahoodu ku ilaashadaan. Jiritaanka awoodda diidmada qayaxani waa midda keentay inaan loo sinaan caddaaladda dunida. Tusaale ahaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (international Criminal Court) oo loo yaqaan Maxkamadda Hague oo loogu magac daray magaalada ay ku taal, waxaay qaadaa dacwadaha ciddii xubin ka ah heshiiskii lagu aasaasay. Heshiiska lagu aasaasay oo lagu galay caasimadda Talyaaniga ee Rome (Rome Statatue) waa ikhtiyaari oo ciddi doonta ayaa xubin ka noqon karta, ciddii diidana laguma qasbayo. Badi dawladaha xoogga waa wayn sida Maraykanku ma gelin heshiiskaas, halka inta badan dawladaha Afrika ay galeen. Sidaasdarteed, dawladaha Afrika inkasta oo ay hada shacabkooda aan warku u hayn ay ku marin habaabiyaan sidii oo ay Hague iyaga gaar u eryanayso, iyaga ayaa iskood u galay heshiiskaas.

Dhibaatadu waxaay tahay sida ku qoran Heshiiska Rome cidii aan xubin ka ahayn heshiiska ee geysata dembiyo xun xun oo ka dhan ah shacabka, (guud ahaan dembiyada dagaalka, dembiyada ka dhanka aadantinimada iyo xasuuqa) waxa u xilsaari kara Maxkamadda Hague Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Ujeedadu waxaay ahayd in kuwa iska diida heshiiska hadhowna dadkoo laaya inaanay helin meel ay ku baxsadaan.

Halka sartu ka qudhuntay waxaay tahay in Golaha Amaanka ay jiraan shan dawladood oo cid walba ka sareeya. Shantaas dawladood, Maraykan, Ingiriiska (UK), Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka, sinaba uma ogolaanayaan in mawaadiniintooda Hague la saaro marka ay dembiyo galaan.

Xalku waa maxaay? Xalku maaha in lagu qayliyo Maxkamadda Hague oo shaqo fiican haysa, balse waa in Golaha Amaanka laga dhigo mid loo siman yahay oo la baabiiyo awoodda diidmada qayaxan (veto power) si muwadiniinta u dhashay dawladaha tunka wayn loo hor keeni karo caddaaladda.

Inta ay jirto awoodda diidmada qayaxan ee xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka, aduunka kama jiri doonto caddaalad loo siman yahay.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin 

Monday, 4 July 2016

Siyaasadda qabiilaysan ee Somaliland
















Horaanta sanadka soo socda ee 2017 waxa la filayaa in ay Somaliland ka dhacdo doorasho isku raran oo hal dharaar lagu wada dooran doono madaxwayne iyo ku-xigeenkiisa, iyo xubnaha Golaha Wakiilada ee tiro ahaan dhan 82 qof. Waxa taranku dhex mari doonaa sadex xisbi siyaasadeed oo mid waliba soo sharixi doono tirada kuraasta loo tartamayo.

Dadka la kala dooran doonaa ma laha barnaamijyo siyaasadeed iyo tilmaamo aragtiyo lagu kala xusho. Balse waxaay ku ololayn doonaan reernimo. Tusaale ahaan xubnaha u sharaxan Golaha Wakiiladu waxaay codka ka raadin doonana jifooyin hoose oo ay isku hayb yihiin, halka xubnaha u tartamaya madaxtooyadu ay ku qasbanaan doonaan inay cod ka raadsadaan beelaha ay ka soo jeedaan iyo beelo kale oo ay is-garabsadaan.

Mar hadii dadka tartamayaa qabiil ku sallaysan yihiin, cod bixiyayaasha badankoodu waxaay ku qasbanaan doonaan inay ku codeeyaan qabiil. Waa jiri doonaan siday horeba u jireen dad aad u tiro yar oo ujeedooyin kale codkooda ku saleeya.

Inkasta oo aan weli la gaadhin ololihii rasmiga ahaa, hadana baraha bulshada wax u eeg is-riix riix ka dhexeeya xisbiyada siyaasadda ayaa ka socda. Maadaama oo aanay jirin aragti la isku diidan yahay oo dhinacyadu kala wataan, taageerayaasha xisbiyada qabyaaladu madax martay waxaay ka dhigteen ololohooda u wayn maag iyo shaqsi cay. Falalkaas oo sii kala qaybinaya bulshada naxlina ku kala abuuraya.

Waxa iska cad oo biyo kama dhibcaan ah inaan murshaxiin qabyaaladdi dhashay aanay u soo wadin Somaliland horumar, unaba dan lahayn inay horumar iyo waxtar u keenaan bulshada baylahsan ee baahida daran hayso intooda badan. Isku dar oo mucaarad iyo muxaafad labaduba waa ashqaas u ordaya kuraas iyaga oo abaabulaya reero ay isku hayb yihiin oo kuwa hor boodayaa ay u socdaan sidii danyartaas loo dhici lahaa.

Nidaamkii xisbiyada ee la rabay inay dadka u abuuraan fagaare hogaamiyayaal awood iyo karti lihi ka soo baxaan, islamarkaana keena aragtiyo indheer garadnimo ka buuxda oo dadka wax loogu tarayo, waxaay noqdeen wax lagu hungoobay.

Nasiib daraduse waxaay tahay dadka intii wax baratay ee ay ahayd inay bulshada u gurmato ayaa siyaasadda qabiilaysan hor boodaya. Taasina waxaay aniga igu abuurtaa niyad xumo. Mustaqbalka Somaliland kumas sii socon karo siyaasadda qabiilaysan ee ka madhan aqoonta iyo fahamka. Siyaasiga hoos cararaya reeraha waxa xukunka u dhaami lahaa salaadiinta iyo cuqaasha. Xisbiyada looma samaysan in reero ku loolamaan, Somaliland na kuma bad baadi karto reero kursi isku haysta.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin 



Sunday, 3 July 2016

Kooxaha diinta ku sallaysan ee ka jira dhulka Soomaalida

Hordhac

Dhulka Soomaalida waxa ka jira is-kooxaysi ku sallaysan aragtiyo diimeed. Qoraalkan kooban waxaan ku soo bandhigayaa qaybaha ay u kala baxaan kooxahaasi. Waxaan se ka cudur daaranayaa in guud ahaan qaybintu (typology) iyo gaar ahaan qaybinta koox diimeedyadu aanay ahayn mid sahlan ama si balaadhan loogu go’aan qaadan karo. Sidaasdarteed, qaybintani ma noqon karto mid kama danbays ah oo ay tahay in cid walba lagu saleeyo.

1. Salafiyiiinta

Salafiyiintu waxaay u sii qaybsamaan kooxo aad u badan oo intooda baddani is-diidan yihiin ama qoloba qolada kale ku tilmaanto inaanay ahayn Salafiyiintii saxda ahaa. Salafiyiinta Soomaalidu waxaay u kala qaybsan yihiin kooxahan soo socda:

B. Ictisaam: Ictisaam waa ururka ugu wayn Salafiyiinta. Waa urur habaysan oo leh madax iyo hanaan maamul. Waxa markii iigu danbaysan madax u ahaa Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo fadhigiisu yahay Muqdisho. Wuxu sidoo kale laamo ku leeyahay inta badan dhulka Soomaalidu degto oo ay ka mid tahay Somaliland. Ururkan waxa xubno ka ah inta badan culimada caanka ah ee Soomaalida. Ictisaam wuxuu ka soo xuub siibtay urur waynihii Itixaad ee burburay badhtamihii sagaashanaadkii. Ictisaam waxa la aasaasay 1996/97. Inkasta oo Ictisaam ay aasaaseen culimo isugu jirta Ikhwaan iyo Salafiyiin, wuxuu markii danbe isugu biyo shubtay manhajka Salafiga.

T. Salaful Jadiid: Salafal Jadiidku ma jecla in loogu yeedho magacan ee waxaay ka door bidaan Salafiyiin ama Salaful Saalix. Labada ereay ee salaf iyo jadiid laftoodu laba eray oo micne ahaan is qaadi kara maaha. Waxa se erey bixintan oo ay ku caan baxeen loogu bixiyay si looga duwo inta kale ee Salafiyiinta ee ay is aragti diidan yihiin. Salaful Jadiid maaha urur u habaysan sida Ictisaam, mana jecla inay samaystaan madax. Culimo dhawr ah oo caan ah baa ka mid ah, balse badankooda aad looma yaqaan sababta oo ah dhowaan ka hor inta badan culimadoodu way ka soo horjeedeen in warbaahinta laga hadlo.

J. Salaful Jihaadi: Magacan laftiisa waxa dadka wax qoraa ay ugu bixiyeen kooxaha dagaalka ku fooggan ee ku aroora aragtida Salafita si ay uga duwaan kuwa aan markaas ku hawlanayn dagaalka. Geyiga Soomaalida waxa u caansan kooxdan Al Shabaab.

X. Waxa jira qaar aan sadexda sare ku xusan midna la dhacsanayn welise aamisan afkaarta Salafiga. Haba yaraadaan kooxdani tiro ahaan iyo saamayn ba, hadana waxa jira dad aan isku tirin sadexda kooxood ee sare ku xusan.

Inkasta oo Salafiyiiintu u kala abtirsadaan qaabkaa, hadana sidaas sahlan mar walba uma cadda. Qof ka tirsan hal koox ayaa si aayar ah ugu guura kooxda kale. Geediga iyo sii kala qaybsanaantu waa mid ka mid aha dabeecadaha Salafiyiiinta. Sidaadarteed, ma fududa in qabyo (typology) loo kala saaro.

2. Ikhwaan
Ikhwaanka dhulka Soomaalida joogaa wuxuu u sii kala qaybsamaa sidan soo socota:

B. Islaax: Islaax wuxuu ahaa ururka u wayn Ikhwaanka. Inta badan culimada Ikhwaankuna waxaay ka mid ahayd ururkan. Haseyeeshee, dhinaca Somaliland sheekadu sidaas waa ka duwanayd. Waxa dad badani rumaysan yihiin in Ikhwaanku uu kaga soo horeeyey Salafiga dhulka Somaliland. Waxana taas loo nisbeeyaa Waxdatul Alshabaab oo la abuuray dhamaadkii lixdankii balse bilawgii tobaadanadkii qaadatay aragtida Ikhwaanka. Waa taariikh dheer oo aanan hada diyaar ahayn inaan wax ka idhaahdo. Islaax weli waa urur xoogan oo ku fidsan dhulka Soomaalid degto oo dhan.

T. Damul Jadiid: ururkani waa qayb ka mid ah Islaax oo ka cadhootay maamulka Islaax dabadeed waxaay samaysteen garab gaar ah. Waxaay si gaar ah ugu sii xoogan yihiin Somalia.

J. Waxa jira dad kale oo Ikhwaan ah balse aan ku jirin labada urur ee sare ku xusan midkoodna. Dadkaasi waxay la dhacsan yihiin aragtida Ikhwaanka balse lama hayaan ururada had jira.

3. Tabliiqa
Culimada tabliiqu waa culimo ku wareegta dalka. Waxay fidisaa diinta. Inta la ogyahayna waxaay ka fogaataa siyaasadda. Asal ahaan Tabliiqa waxa lagu aasaasay Hindiya 1926. Waxa la aaminsan yahay in aragtidu soo gashay dhulka Soomaalida lixdanaadkii. Balse waxaay xoogaystay shan iyo labaatankii sano ee u danbeeyey.

4. Suufiyada
Suufiyadu waa asalkii hore ee Soomaalidu haystay intaanay tartanka ku soo wehelin Ikhwaanka, Salafiga iyo Tabliiqu. Suufiyada lafteedu waxaay u sii qaybsantaa dariiqooyin dhawr ah sida Qaadiriyada, Saalixiyada, Sayliciyada, Axmediya iyo kuwo kale. Weli waxaay ku xoog wayn tahay miyiga.
Badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa ka jira urur Suufi ah oo la yidhaahdo Ahlul Sunna Wal Jameeca. Ururkani waa mid hubaysan oo leh hogaan iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasi ah. Dhinaca Somaliland Suufiyadu uma habaysna urur ahaan. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin