Thursday, 7 July 2016

Caddaalad darada dunida maxaa u sabab ah?













Caalamka waxa awoodda u badan leh dalal madax banaan oo is aqoonsan. Si qaab sahlan oo la saadaalin karo oo kala danbayn leh loogu maareeyo xaalka aduunka, dawladuhu waxaay galaan heshiisyo. Heshiisyadaas baa maamula xidhiidhka ka dhexeeya dalalka dhinac walba. Sababta heshiisyada loogu baahday waxa weeye inaanay jirin dawlad ka dhaxeeysa dunida oo dhan oo shuruucda u samaysa, u gar naqda marka ay is qabtaan, cidii xad gudubtana xabsiga u taxaabta. Dalalku way siman yihiin. Haba sinaadeene way kala xoog wayn yihiin oo kala taag iyo tamar badan yihiin.

Kadib dagaalkii labaad ee dunida waxa dawladihii ku guulaystay ay abuureen Qaramada Midoobay oo markii danbe dalalkii dunida oo dhami ay aqbaleen oo xubno ka noqdeen (Switzerland baa dhowaan ku biirtay oo markii hore debedda ka joogtay). Aragtidu waxaay ahayd in Qaramada Midoobay noqoto goob lagu xalliy dhibaatooyinka oo lagaga hortaggo inuu dhaco dagaal kale oo lagu hoobto.

Qaramada Midoobay waxa ugu xoog badan Golaha Amaanka. Golaha Amaanka waxa ka mid ah shan dawladood oo mid kasta awood u leeyahay inuu diido waxa inta kale isku raacday: waxa loogu yeedho diidmada qayaxan (veto).

Shantaas dawladood waxaay u adeegsadaan awoodda diidmada qayaxan inay danahoodu ku ilaashadaan. Jiritaanka awoodda diidmada qayaxani waa midda keentay inaan loo sinaan caddaaladda dunida. Tusaale ahaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (international Criminal Court) oo loo yaqaan Maxkamadda Hague oo loogu magac daray magaalada ay ku taal, waxaay qaadaa dacwadaha ciddii xubin ka ah heshiiskii lagu aasaasay. Heshiiska lagu aasaasay oo lagu galay caasimadda Talyaaniga ee Rome (Rome Statatue) waa ikhtiyaari oo ciddi doonta ayaa xubin ka noqon karta, ciddii diidana laguma qasbayo. Badi dawladaha xoogga waa wayn sida Maraykanku ma gelin heshiiskaas, halka inta badan dawladaha Afrika ay galeen. Sidaasdarteed, dawladaha Afrika inkasta oo ay hada shacabkooda aan warku u hayn ay ku marin habaabiyaan sidii oo ay Hague iyaga gaar u eryanayso, iyaga ayaa iskood u galay heshiiskaas.

Dhibaatadu waxaay tahay sida ku qoran Heshiiska Rome cidii aan xubin ka ahayn heshiiska ee geysata dembiyo xun xun oo ka dhan ah shacabka, (guud ahaan dembiyada dagaalka, dembiyada ka dhanka aadantinimada iyo xasuuqa) waxa u xilsaari kara Maxkamadda Hague Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay. Ujeedadu waxaay ahayd in kuwa iska diida heshiiska hadhowna dadkoo laaya inaanay helin meel ay ku baxsadaan.

Halka sartu ka qudhuntay waxaay tahay in Golaha Amaanka ay jiraan shan dawladood oo cid walba ka sareeya. Shantaas dawladood, Maraykan, Ingiriiska (UK), Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka, sinaba uma ogolaanayaan in mawaadiniintooda Hague la saaro marka ay dembiyo galaan.

Xalku waa maxaay? Xalku maaha in lagu qayliyo Maxkamadda Hague oo shaqo fiican haysa, balse waa in Golaha Amaanka laga dhigo mid loo siman yahay oo la baabiiyo awoodda diidmada qayaxan (veto power) si muwadiniinta u dhashay dawladaha tunka wayn loo hor keeni karo caddaaladda.

Inta ay jirto awoodda diidmada qayaxan ee xubnaha joogtada ah ee Golaha Amaanka, aduunka kama jiri doonto caddaalad loo siman yahay.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin 

No comments:

Post a Comment