Sunday 3 July 2016

Kooxaha diinta ku sallaysan ee ka jira dhulka Soomaalida

Hordhac

Dhulka Soomaalida waxa ka jira is-kooxaysi ku sallaysan aragtiyo diimeed. Qoraalkan kooban waxaan ku soo bandhigayaa qaybaha ay u kala baxaan kooxahaasi. Waxaan se ka cudur daaranayaa in guud ahaan qaybintu (typology) iyo gaar ahaan qaybinta koox diimeedyadu aanay ahayn mid sahlan ama si balaadhan loogu go’aan qaadan karo. Sidaasdarteed, qaybintani ma noqon karto mid kama danbays ah oo ay tahay in cid walba lagu saleeyo.

1. Salafiyiiinta

Salafiyiintu waxaay u sii qaybsamaan kooxo aad u badan oo intooda baddani is-diidan yihiin ama qoloba qolada kale ku tilmaanto inaanay ahayn Salafiyiintii saxda ahaa. Salafiyiinta Soomaalidu waxaay u kala qaybsan yihiin kooxahan soo socda:

B. Ictisaam: Ictisaam waa ururka ugu wayn Salafiyiinta. Waa urur habaysan oo leh madax iyo hanaan maamul. Waxa markii iigu danbaysan madax u ahaa Sheekh Bashiir Axmed Salaad oo fadhigiisu yahay Muqdisho. Wuxu sidoo kale laamo ku leeyahay inta badan dhulka Soomaalidu degto oo ay ka mid tahay Somaliland. Ururkan waxa xubno ka ah inta badan culimada caanka ah ee Soomaalida. Ictisaam wuxuu ka soo xuub siibtay urur waynihii Itixaad ee burburay badhtamihii sagaashanaadkii. Ictisaam waxa la aasaasay 1996/97. Inkasta oo Ictisaam ay aasaaseen culimo isugu jirta Ikhwaan iyo Salafiyiin, wuxuu markii danbe isugu biyo shubtay manhajka Salafiga.

T. Salaful Jadiid: Salafal Jadiidku ma jecla in loogu yeedho magacan ee waxaay ka door bidaan Salafiyiin ama Salaful Saalix. Labada ereay ee salaf iyo jadiid laftoodu laba eray oo micne ahaan is qaadi kara maaha. Waxa se erey bixintan oo ay ku caan baxeen loogu bixiyay si looga duwo inta kale ee Salafiyiinta ee ay is aragti diidan yihiin. Salaful Jadiid maaha urur u habaysan sida Ictisaam, mana jecla inay samaystaan madax. Culimo dhawr ah oo caan ah baa ka mid ah, balse badankooda aad looma yaqaan sababta oo ah dhowaan ka hor inta badan culimadoodu way ka soo horjeedeen in warbaahinta laga hadlo.

J. Salaful Jihaadi: Magacan laftiisa waxa dadka wax qoraa ay ugu bixiyeen kooxaha dagaalka ku fooggan ee ku aroora aragtida Salafita si ay uga duwaan kuwa aan markaas ku hawlanayn dagaalka. Geyiga Soomaalida waxa u caansan kooxdan Al Shabaab.

X. Waxa jira qaar aan sadexda sare ku xusan midna la dhacsanayn welise aamisan afkaarta Salafiga. Haba yaraadaan kooxdani tiro ahaan iyo saamayn ba, hadana waxa jira dad aan isku tirin sadexda kooxood ee sare ku xusan.

Inkasta oo Salafiyiiintu u kala abtirsadaan qaabkaa, hadana sidaas sahlan mar walba uma cadda. Qof ka tirsan hal koox ayaa si aayar ah ugu guura kooxda kale. Geediga iyo sii kala qaybsanaantu waa mid ka mid aha dabeecadaha Salafiyiiinta. Sidaadarteed, ma fududa in qabyo (typology) loo kala saaro.

2. Ikhwaan
Ikhwaanka dhulka Soomaalida joogaa wuxuu u sii kala qaybsamaa sidan soo socota:

B. Islaax: Islaax wuxuu ahaa ururka u wayn Ikhwaanka. Inta badan culimada Ikhwaankuna waxaay ka mid ahayd ururkan. Haseyeeshee, dhinaca Somaliland sheekadu sidaas waa ka duwanayd. Waxa dad badani rumaysan yihiin in Ikhwaanku uu kaga soo horeeyey Salafiga dhulka Somaliland. Waxana taas loo nisbeeyaa Waxdatul Alshabaab oo la abuuray dhamaadkii lixdankii balse bilawgii tobaadanadkii qaadatay aragtida Ikhwaanka. Waa taariikh dheer oo aanan hada diyaar ahayn inaan wax ka idhaahdo. Islaax weli waa urur xoogan oo ku fidsan dhulka Soomaalid degto oo dhan.

T. Damul Jadiid: ururkani waa qayb ka mid ah Islaax oo ka cadhootay maamulka Islaax dabadeed waxaay samaysteen garab gaar ah. Waxaay si gaar ah ugu sii xoogan yihiin Somalia.

J. Waxa jira dad kale oo Ikhwaan ah balse aan ku jirin labada urur ee sare ku xusan midkoodna. Dadkaasi waxay la dhacsan yihiin aragtida Ikhwaanka balse lama hayaan ururada had jira.

3. Tabliiqa
Culimada tabliiqu waa culimo ku wareegta dalka. Waxay fidisaa diinta. Inta la ogyahayna waxaay ka fogaataa siyaasadda. Asal ahaan Tabliiqa waxa lagu aasaasay Hindiya 1926. Waxa la aaminsan yahay in aragtidu soo gashay dhulka Soomaalida lixdanaadkii. Balse waxaay xoogaystay shan iyo labaatankii sano ee u danbeeyey.

4. Suufiyada
Suufiyadu waa asalkii hore ee Soomaalidu haystay intaanay tartanka ku soo wehelin Ikhwaanka, Salafiga iyo Tabliiqu. Suufiyada lafteedu waxaay u sii qaybsantaa dariiqooyin dhawr ah sida Qaadiriyada, Saalixiyada, Sayliciyada, Axmediya iyo kuwo kale. Weli waxaay ku xoog wayn tahay miyiga.
Badhtamaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa ka jira urur Suufi ah oo la yidhaahdo Ahlul Sunna Wal Jameeca. Ururkani waa mid hubaysan oo leh hogaan iyo dhaqdhaqaaqyo siyaasi ah. Dhinaca Somaliland Suufiyadu uma habaysna urur ahaan. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin





No comments:

Post a Comment