Monday 4 July 2016

Siyaasadda qabiilaysan ee Somaliland
















Horaanta sanadka soo socda ee 2017 waxa la filayaa in ay Somaliland ka dhacdo doorasho isku raran oo hal dharaar lagu wada dooran doono madaxwayne iyo ku-xigeenkiisa, iyo xubnaha Golaha Wakiilada ee tiro ahaan dhan 82 qof. Waxa taranku dhex mari doonaa sadex xisbi siyaasadeed oo mid waliba soo sharixi doono tirada kuraasta loo tartamayo.

Dadka la kala dooran doonaa ma laha barnaamijyo siyaasadeed iyo tilmaamo aragtiyo lagu kala xusho. Balse waxaay ku ololayn doonaan reernimo. Tusaale ahaan xubnaha u sharaxan Golaha Wakiiladu waxaay codka ka raadin doonana jifooyin hoose oo ay isku hayb yihiin, halka xubnaha u tartamaya madaxtooyadu ay ku qasbanaan doonaan inay cod ka raadsadaan beelaha ay ka soo jeedaan iyo beelo kale oo ay is-garabsadaan.

Mar hadii dadka tartamayaa qabiil ku sallaysan yihiin, cod bixiyayaasha badankoodu waxaay ku qasbanaan doonaan inay ku codeeyaan qabiil. Waa jiri doonaan siday horeba u jireen dad aad u tiro yar oo ujeedooyin kale codkooda ku saleeya.

Inkasta oo aan weli la gaadhin ololihii rasmiga ahaa, hadana baraha bulshada wax u eeg is-riix riix ka dhexeeya xisbiyada siyaasadda ayaa ka socda. Maadaama oo aanay jirin aragti la isku diidan yahay oo dhinacyadu kala wataan, taageerayaasha xisbiyada qabyaaladu madax martay waxaay ka dhigteen ololohooda u wayn maag iyo shaqsi cay. Falalkaas oo sii kala qaybinaya bulshada naxlina ku kala abuuraya.

Waxa iska cad oo biyo kama dhibcaan ah inaan murshaxiin qabyaaladdi dhashay aanay u soo wadin Somaliland horumar, unaba dan lahayn inay horumar iyo waxtar u keenaan bulshada baylahsan ee baahida daran hayso intooda badan. Isku dar oo mucaarad iyo muxaafad labaduba waa ashqaas u ordaya kuraas iyaga oo abaabulaya reero ay isku hayb yihiin oo kuwa hor boodayaa ay u socdaan sidii danyartaas loo dhici lahaa.

Nidaamkii xisbiyada ee la rabay inay dadka u abuuraan fagaare hogaamiyayaal awood iyo karti lihi ka soo baxaan, islamarkaana keena aragtiyo indheer garadnimo ka buuxda oo dadka wax loogu tarayo, waxaay noqdeen wax lagu hungoobay.

Nasiib daraduse waxaay tahay dadka intii wax baratay ee ay ahayd inay bulshada u gurmato ayaa siyaasadda qabiilaysan hor boodaya. Taasina waxaay aniga igu abuurtaa niyad xumo. Mustaqbalka Somaliland kumas sii socon karo siyaasadda qabiilaysan ee ka madhan aqoonta iyo fahamka. Siyaasiga hoos cararaya reeraha waxa xukunka u dhaami lahaa salaadiinta iyo cuqaasha. Xisbiyada looma samaysan in reero ku loolamaan, Somaliland na kuma bad baadi karto reero kursi isku haysta.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin 



No comments:

Post a Comment