Saraynta sharcigu (supremacy
of the law) waa laan ka mid ah waxa loo yaqaan isku xukunka sharciga (rule of
law) oo ka soo horjeedda xukunka qofka kursiga ku fadhiya (rule of man). Isk
xukunka sharcigu waa mabda muhiim u ah helidda dawlad wanaag, dhaqaale kora,
iyo ilaalinta xuquuqda dadka. Hadaba, waa maxaay isku xukunka sharcigu? Anniga
oo aan u galayn qeexidaha faraha badan ee ay leedahay iyo faah-faahin dheer
toona, waxaan si kooban u soo qaadanayaa tilmaanta
uu ka bixiyay filasoofarkii waynaa ee loo aaneeyo inuu bud u dhig u ahaa
mabda’an. Waa John Locke.
Isku xukunka sharcigu waa in la
helo laba arimood:
1. In sharciga loo siman yahay (equality before the law): ka kursiga ku fadhiya, ka lacagta haysta iyo dadka shacabka ah dhamaantood waa inay u siman yihiin sharciga oo uu si isku mid ah u qabanayo. Ka bilow xeerarka wado marista ilaa halka u saraysa, waa in sharciga loo siman yahay.
2. Saraynta sharciga
(supremacy of the law): madaxda amaradooda iyo awoododa waa inuu ka sareeyo
sharcigu. Waxaay jecel yihiin sharcigu maaha. Saraynta sharcigu waa in qanuunka
yaal ee loo sameeyey si sharciga waafaqsan in uu yahay ka cid walba ka sareeya.
Waxa ugu horeeya uguna mudan dastuurka oo ah sharciga u sareeya dalka ee aanay
khilaafi karin madaxda amaradooda, falalka ay sameeyaan iyo shuruucda la
sameeyo.
Isku xukunka sharcigu waa
dabarka kuwa awoodda haya ka ilaaliya inay dadka ku kibraan iyo inay boobaan
hantidooda, una isticmaalaan awodda si xun. Saraynta sharcigu maaha in dadka
shacabka ah loo tamar iyo xoog sheegto waayo iyagu awalba awood ay sharci ku
riixan may lahayn. Inta xoogga leh oo ay ka mid yihiin madaxda iyo ganacsatada
ayaa sharciga si xun u adeegsata, isaga jiidha, ama lacag ku iibsata.
Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Hargeisa Somaliland
Guleid waa qareen ka hawl gala Somaliland.
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin