Saturday, 3 June 2017

Hub ka dhigista Muqdisho xal miyay tahay?

Maalmahan waxa caasimadda Somalia ee Muqdisho ka socday hawlgal la yidhi waxa lagu xasilinayaa magaalada oo dhibaato badan oo xagga amniga ahi haysto. Hawlgalku wuxuu ku wajahan yahay in hub ka dhigis lagu sameeyo dadka sida sharci darada ah ugu haysta hub gudaha magaalada. Dadka qaar ayaa cabasho ka muujiyay, mararna isku dhac hubaysan ayaa dhex maray dawladda iyo maleeshiyo hubka laga dhigayay.  

Somalia dagaalo midabo iyo ujeedooyin badan leh ayaa mudo dheer ka socday. Hub badan baa gacmaha qabiillo, ganacsato, ururo iyo ashqaas galay. Si hubkaas gacanta dawladda loogu soo celiyo laba hab oo waawayn ayaa la mari karaa.

1.      Hub ka dhigis (disarmament)

Hub ka dhigistu waa hab ku qasbaya cid kasta oo aan ka tirsanayn ciidamada dawladda inay gacanta hubka soo geliyaan dawladda. Shaki kuma jiro in hub ku jira cid aan dawladda ahayni inuu halis amni yahay, haseyeeshee hadii aad bilawdid inaad dadka hubka ka ururisid si qasab ah adiga oo aan samayn dib u heshiisiin waa arin halis kale leh.

Hub ka dhigistu waxaay guulaysan kartaa marka cidda hubka haysta iyo dawladda ay wada hadal galaan oo ay siyaasad ahaan heshiis yihiin. Somalia wax dib u heshiisiin ahi kama dhicin. 

Sidaasawgeed dadku isma aaminsana. Waa ta keentay in beelaha Xamar degaa ay shaki ka muujiyaan hubka dhigista oo ay u arkaan inaan gobolada kale ee dalka lagu baahin. Dagaalka Somalia lama kawsan al Shabaab ee wuu ka horeeyey. Waxaay Somalia dadkeedu isku dileen qabaa’il. Talaabada koowaad ee ay tahay dawladdu inay qaado waa inay dib u heshiisiin run ah oo hoosta ka soo unkatay ay samayso (bottom up).

Qorshe hub ka dhigis

Qorshaha hub ka dhigistu waa inuu noqdaa mid dalka oo dhan ku baahsan oo aan meel qudha ku wajahnayn. Guud ahaa dadka hubka haysta oo dhan waa in loo dejiyaa hanaan lagaga qaado hubka. Waa dhici kartaa inaan hub ka dhigistu hal mar wada bilaabmin. Balse ugu yaraan waa inuu jiraa qorshe buuxa oo dalkoo dhan ku baahsan.

2.      Qaramayn

Habka labaad ee muhiimka ah ee cid hub lagaga qaadi karaa waa qaramaynta. Qaramayntu waa hanaan ay ku guulaysatay Somaliland. Marka la eego isku eekaanshaha labada shacab, waxa lagu doodi karaa in Somalia ay u haboon tahay inay qaadato habka qaramaynta oo ay iska dayso hub ka dhigista.

Qaramaynta waxa sal u ah in hubka cidda haysta iyada iyo hubkeedaba lagu soo daro ciidanka dawladda halkii ay hubka uun ka soo wareejin lahayeen. Arinkani wuxuu dawo ka yahay cabsida ay qabaan cidda hubka haysta waayo weli waxaay haystaa hubkeedi oo lama faro maroojin sidaadarteeed ammaan ayay daramaysyaa. Waa midda kale e, dawladda waxaay u soo kordhisaa hub iyo ciidan cusub oo tiro badan. Habkani waa halis badan yahay hadii aanay jirin dib u heshiisiin keentay in kalsooni dawladda lagu qabo iyo inuu jiro qaab la isku dhexgeliyo ciidanka. Hadii guuto waliba ka koobnaato hal cid taasi maaha qaramayn ee waxa abuurmaya maleeshiyooyin aan dawladda ka amar qaadan markay doonaan.

Qaramaynta waxa lagu tijaabiyay Somaliland oo dadkii horkacay ay khibrad ku biirin karaan Somalia si maaro loogu helo labada arimood ee caqadada ah; 1. Ciidan aan dawladdu lahayn oo hub sita 2. Shacabka oo ka baqaya inay hubkooda iska dhiibaan.

Somalia labada hab kay qaadatoba waa inaanay iska indho tirin muhiimadda ay leedahay dib u heshiisiintu. Inta badan siyaasiyiinta Somalia way iska indho tiraan colaadihii ka horeeyey al Shabaab oo waxaay u hadlaan una dhaqmaan sidii oo colaadu la bilaaban tahay kooxaha xagjirka ah. Runtu se waxaay tahay iyaga hortood baa Somalia la isku dilay.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland




Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Wednesday, 17 May 2017

18-ka May maxaa loo dabaal degaa?

















Xuska iyo dabaal degga maalin si gaar ah u astaysani macno ay ku fadhido ayaa jira. Waa inay jirtaa nuxur ku duugaan dharaartaas oo ay kaga duwan tahay maalmaha kale. Maalmaha qaar waa murugo; maalmaha qaar waa farxad.

18-ka May maxaa loo dabaal degaa? Hadii ay noqoto caado oo aan la iska sameeyo uun, waa qasaare. Dadkuna ugu danbaynta way ka daalayaan. Haa oo 18-ka May waa maalintii lagu dhawaaqay gooni isu taagga Somaliland oo sheegtay in laga bilaabo 18 May 1991 uu buray midowgii ka dhexeeyey Somaliland iyo Somalia ee abuuray Jamhuuriyaddii Soomaalida. Waxa lagu dhawaaqay in goboladii Woqooyi ee Jamhuuriyadda Soomaalidu ay goosteen inay gaar noqdaan iyaga oo ka duulaya sidii xaalku ahaa 1da July 1960 ka hor.

Haseyeeshee arinku intaas keliya maaha. Sababta Somaliland loo abuuray maaha caashaq ay u qabtay dawladnimo, nacayb ay u haysay Somalia, sal fudayd iyo deg degsiinyo. Sababtu waxaay ahayd in la saluugay qiyam kii iyo arkaantii ay ku taagayd dawladii laga duday.

Waxa la isla qaatay in la sameeyo dawlad 1. Shacabku leeyahay oo isaga ay gacanta ugu jirto taladu, 2. In qofku sharaf iyo karaamo leeyahay oo aan ka kursiga ku fadhiyaa u awood sheegan, 3. In dawladdu noqoto mid dastuurku dabro. Sadexdaas mabda’ waxa lagu xardhay dastuurka. Waxaana dastuurku sheegay in sababta goonida loo noqday ay tahay in laga fogaado dawlad keligii talis ah oo aan ixtiraamin xaqa dadka.

Dadka reer Somaliland waxaay ku yidhaahdeen hordhaca dastuurka markay sababaynayeen waxa ay u samaysteen dastuur iyo dawlad u gaar ah “IYADOO UU WAAYO-ARAG U YAHAY cidhib-xumada iyo dhibaatada xukunka ku dhisan talo-maroorsiga iyo keli-talisnimada ee dalku ku soo jiray muddo ka badan labaatan sannadood, kana feejigan dib-u-soo noqoshada xukun noocaas ah….”

Sidaasdarteed, ujeedada Somaliland loo abuuray ee ay ku dhisan tahay waa dawladda shacabku ka sareeyo.

Qodobka 1aad ee dastuurku wuxuu sheegayaa “awoodda iyo karaamada Qaranimada waxa leh shacbiga…” Mar kale ayuu dastuurku adkeeyey midaas oo wuxuu qodobka 37aad ku sheegay “Eebbaha ummadda Somaliland ku beeray geyigani waxa uu ugu deeqay awood iyo karaamo Qaranimo. Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu awooddaas iyo karaamadaas sida ku cad Dastuurka u igmaday dawlad ku dhisnaan doonta kuna dhaqmi doonta Dastuurka”.

Ma yara qodobada dastuurka ku qoran ee ka hadlaya qiyamka ay ku dhisan tahay Somaliland.
Waxa loo dabaal degayaa waa inay markaas noqodaan mabaadidaas. Waa in la eegaa in la ilaaliyay iyo in kale. Hadii la ilaaliyay waa farxad. Hadii aan la ilaalin waa la is xisaabiyaa oo la yidhaahdaa ha la ilaaliyo.

Nuxur ku waxa weeye 18 May taariikh la werinayo maaha ee waa dhacdo ku suntan arin sal balaadhan. Ha ilaawin waxaay Somaliland u taagan tahay.


Farxad ku dabaal degga dhamaantiin. Eebe ha dhawro Jamhuuriyadda barakaysan ee Somaliland.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Monday, 8 May 2017

"Amar dawle mudeec ninkii diidaa dabaal

Amar dawle mudeec, ninkii diidaa dabaal. Inkasta oo lahjad ahaan aan filayo in odhaahdani koonfur ka timi, hadana waxaad moodaa inay noqotay falsafad siyaasadeed oo dad badani qaateen. Dhaqankii Siyaad Barre ee ahaa in lagu danaysto dawladnimada ayaa isna malaha xoojiyay. Metelan qofka aragtidan qabaa waa waaqici. Wuxuu u arkaa in dawladda loo guul wadeeyo hadii kale danahaaga shaqsiga ahi ay kaa kala daadanayaan. Waa run marka sidaas loo eego. Waa se dhibaato culus marka danta guud la eego iyo waaritaanka dawladnimada.

 Sideedaba uma eeka odhaahdani mid dadka xoolo dhaqatada ah ee reer miyiga ah ee dhistay dawladnimada Somaliland ay hindiseen. Falsafadda is xukun ee reer miyigu waa mid cajiib ah. Waa dimoqraadi. Waa xor oo marka geedka la joogo qofku aragtidiisa lama gaban jirin, laguma ceebaysan jirin, lagumana dhibi jirin.

 Qofka xil loo dhiibanayo waxyhaabaha u muhiiimsan ee lagu eegi jirayna waxa ka mid ah dulqaadka. Odayga reerku hadii aanu u dul qaadan karin shacabkiisa oo ay ka mid yihiin xitaa kuwa qalafsan ee hadalka xun, xil looma dhiiban jirin. Tusaale ahaan sheekooyinka Soomaalida waxa ka mid ah nin soo doontay xil oo ilme yar loo soo diray si uu edeb darro ugu sameeyo. Qaladka ilmaha yar kas buu u sameeyey. Inuu qalad yahayn la iskuma haysan. Ujeedada ka wayn ee laga lahaa ayaa ah in qofka madaxda ahi uu DULQAAD leeyahay. Bala hada eeg maanta dunida casriga ah waxa xudun u ah is xukunka bulshada dimoqraadiga ah dulqaad.



Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland




Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Tuesday, 11 April 2017

Warbixin cusub oo sheegtay in tahriibayaasha lagu adoonsado dalka Liibiya















Sawirka waxa leh IOM

 Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka ayaa sheegtay in dadka Afrikaanka ah ee ku taga tahriibka Liibiya loo iibiyo adoomo ahaan, qaar lagu qasbo shaqo, kuwo kalena loo gaysto tacadi xagga galmada ah.

Qofa waxa adoon ahaan loogu iibiyaa ilaa shan boqol oo doolar, sida ay sheegtay Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (International Organization for Migration).

Hay’adu waxaay sheegtay inuu Liibya ka jiro suuq dadka lagu kala iibsado. Dadkaas oo ay ku shaqaystaan dadka iibsada; waxbay u dhisaan, beerahana way ku qotaan.

Adoonsigan casriga ah ee ka jira Liibiya wuu sii xoogaysanayaa. Dadka ku dhinta inta la hayo ama lagu shaqaysanayo ayaa lagu aasaa xabaalo aan la calaamadin iyada oo qoysaskoodu aanay ogayn meel ay jaan iyo cidhib dhigeen.

Warbixinta naxdinta leh ee ay soo saartay hay’adu ayaa ah mid dhiilo wayn xanbaarsan oo ay tahay in dadka Soomaalida ah lagu baraarujiyo khatarta wayn ee ka jirta dalka Liibiya. 

Warbixinta oo dhamaystiran ka eeg bogga Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka: 
https://www.iom.int/news/iom-learns-slave-market-conditions-endangering-migrants-north-africa

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland




Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.


Saturday, 8 April 2017

Xadhig ma la iibsan karaa?

 Mararka qof la xukumo su’aalaha dadku is waydiiyaan waxa ka mid ah xadhig ma la iibsan karaa? Waxaan jeclaystay inaan arinkaas iftiimiyo sharciyan.

Horta ma jiro xadhig habayaraadee la iibsan karaa. Xadhigu madax furasho qofka loo haysto maaha. Haseyeeshee marka qofka lagu xukumo xadhig aan ka badnay hal sano, garsooraha xukumay qofka waxa u banaan marka uu codsado ka la xukumay ee uu qiimeeyo inuu ugu bedelo mudada xadhiga ganaax.

Tusaale ahaan hadii qof lagu xukumay lix bilood. Qofkuna aanu bulshada halis ku ahayn, qaabka uu dembiga u galay aanay muujinayn arxan xumo iyo bahalnimo, ama qofkuba buko wuxu garsooruhu ugu bedeli karaa xukunkii lixda bilood ahaa ganaax.

Hadii aan soo koobo:
1.      Xadhig marna lama iibsan karo;
2.      Xadhiga ka yar hal sano waxa lagu bedeli karaa, hadii garsooruhu yeelo, ganaax;
3.      Qasab kuma aha garsooraha inuu xadhiga ka yar sanadka ku bedelo ganaax;
4.      Awood uma laha garsooruhu xadhig ka badan hal sano (haba noqdo hal sano iyo maaline) inuu ku bedelo ganaax.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Saturday, 1 April 2017

Dimoqraadiyadda reer magaalka

Gudida Qaran ee Doorashooyinka ayaa ku dhawaaqay tirada dadka is diiwaangeliyay si ay cod kooda ka dhiibtaan doorashooyinka la filay inay Somaliland ka dhacaan. Waxaay Gudidu sheegtay in 873, 331 oo qof ay ku jiraan diiwaanka. Waxaay se sheegtay in tiradaasi hor-u-dhac tahay oo ay suurtagal tahay inay hoos u dhacdo marka kaadhadhka cod bixinta loo qaybiyo dadka is diiwaangeliyay.

Tirada Gudidu sheegtay waxaa muujisay laba arimood oo muhiim ah. Kow, in dadka xiisaha u qabay inay codeeyaan ay yaraayeen, hadii la bar bar dhigo tirooyinkii doorashooyinkii hore isu diiwaangeliyay. Inkasta oo dad badani qabaan in tirooyinkii hore aanay sax ahayn oo dhawr jeer dad badani is diiwaangeliyeen. Waxa la filayaa in nidaamka hada la isticmaalay uu taas ka hortegay.

Laba, in dadka miyiga degan ee is diiwaangeliyay ay aad u yar yihiin. Gobol walba tirada u badan ee is diiwaangelisay waa magaalooyinka, gaar ahaan caasimadaha gobolada. Hadii taas la barbar dhigo qiyaasaha tiro koob ee laga hayo dadka Somaliland, waxa muuqata in codaynta ay ku badan yihiin reer magaalku.

Hadaba, Somaliland waxa ka jira is dheelitir la’aan xagga reer miyaga iyo reer magaalka ah. Tusaale ahaan nidaamka waxabarasho uma saamaxayo qofka reer miyiga ah, gaar ahaan reer guuraaga, inuu wax barto. Umana qaabaysna hanaan tirada lagu darsaday baahiyaha ay qabaan reer guuraagu. Waxa sidaas la mid ah dhamaan adeegyada dawladeed ee la bixiyo.

Xitaa dadka ururada bulshada rayidka ah maamulaa ma dhaadsana ama way iska indho tiraan reer guuraaga iyo baahiyohooda. Waxa markaas abuurantay arin uu dastuurka Somaliland ka digay.

Qodobka 11(2) ee dastuurka Somaliland wuxuu leeyahay “iyadoo la dhawrayo inaanu habka dhaqaale noqonin mid horseeda in barwaaqadu ku koobnaato ama ku ururto koox ama dad tiro yar, si aanay u dhalan dabaqado dhaqaale oo ka kooban kuwo wax haysta iyo kuwo aan wax haysan; si aanay u balaadhan farqiga dhaqaale ee u dhaxeeya reer magaalka iyo reer miyiga, waxa Dawladda Jamhuuriyada Somaliland xaqiijinaysaa in adeegyada bulsho iyo fursadaha dhaqaale si cadaalad iyo sinnaan ah loo qaybiyo”.

Waxa marka haboon oo ay tahay in la sameeyo dib u qaabayn guud oo sal iyo baar leh oo dib loogu eego hanaanka adeeg bixineed, qaababka, iyo siyaasadaha dawladeed si og oo xisaabta ku darsata reer miyiga.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland




Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin.

Raysal Wasaaraha dalka dunida ugu musuq maasuqa badan oo sheegay inuu ku jihaadayo musuqmaasuqa












Raysal Wasaare Xasan Cali Khayre

Xasan Cali Khayre, Raysal Wasaaraha Somalia, oo dhowaan baarlamaankiisu u ansixiyay inuu hogaamiyo xukuumadda dalka qalalaasaha badani ka jiro ayaa wacad ku maray inuu dagaal aan kala hadh lahayn la geli doono musuq maasuqa.

Khayre oo ka hadlayay xaflad u xilka kula wareegayay wasiir ka cusub ee maaliyadda, ayaa carrabka ku adkeeyey dhibaatada baahsan ee musuq maasuqu leeyahay. Wuuxu uga digay madaxda dalkiisa inay ku kacaan falal musuq ah isaga oo sheegay inaay bilaaban tay xiligii xisaabtanku.

Warbixinta sanad laha ah ee hay’adda Transparency International ka soo saarto heerka musuq maasuqo ka joogo dunida, waxa sanado badan lambarka koowaad ka gelaysay Somalia oo ku suntan in la iska boobo si aan xisaab lahayn hantida dalka Somalia oo ka mid ah kuwa dunida ugu faqiirsan.
Somalia oo ay la daa degtay colaad raagtay, waxa dhowaan loo doortay madaxwayne Maxamed Cabdilaahi Farmaajo oo ku ololeeyey inuu is bedel keeni doono. Wuxuu u cumaamaday kursiga fulinta Xasan Cali Khayre oo aan wax badan hore looga aqoon.

Hanjabaadda Khayre haday run noqoto waxa aan shaki ku jirin in is bedel ku iman doono Somalia. Musuq maasuqu wuxuu saamayn xun ku leeyahay amniga iyo hawl socodka dawladeed. Hadii ay madaxda iyo shaqaalaha dalku ku hawlan yihiin gacan toglayn iyo wax is dabo marin, waxa sii xumaata xaaladda.

Sidaasdarteed, hadalka Khayre oo aniga aad ii soo jiitay yidi diilo ayuu u noqon karaa Somalia.
Dawladaha Afrika iyo kuwa soo koraya guud ahaan waxa dhaqaalohooda iyo maamulkooda la daadegay boobka hantida. Waxaa la isku raacsan yahay hadii dawladahaasi aanay wax ka qaban musuqa inaanay suurtagal ahayn in hore dalalkaasi u socdaan.


Haseyeeshee, dagaal kasta oo lala galo musuq maasuqa waxa jebin kara hadii kuwa sheegaya inay dagaalka ku jiraan ay iyaga iyo kuwa ka ag dhowi boobka bilaabaaan. Sidaasawgeed bay lama huraan u tahay in Raysal Wasaare Khayre iyo Madaxwayne Farmaajo ay iska bilaaban hufnaanta oo ay tusaale fiican oo lagu dayan karo u noqdaan madaxda ka hoosaysa.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Friday, 24 March 2017

Madaxwayne booliisku is bedel buu u baahan yahay
















Macallin Axmed Maxamed iyo Madaxwaynaha JSL. Sawirka: maalmahanews.com

Waxa la sii daayay nin macallin ah oo booliisku u xidheen inuu la magac yahay madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud. Dharaaro ayuu intaas u xidhnaa. Dadka reer Somaliland aad bay uga yaabeen ugana cadhoodeen sida ka muuqatay dareenka ay ku cabireen baraha bulshada.

Markii la sii daayay kadib waxa macallinkii la kulmay madaxwaynaha. Waa arin fiican oo muujinaysa inaan madaxwaynuhu ka raali ahayn falkaas.

Haseyeeshee talaabadani waxaay marag cad u tahay in booliisku iska xidhi karo ciduu doono oo aanu u baahnayn in loo maro sharci iyo inay jirto fal dembiyeed uu qofku galay toona. Waxa dadka ka sii yaabiyay markii uu warbaahinta ka difaacay xadhiga macallinka taliyaha guud ee booliiska.

Booliisku waa quwad aan cid dadka ka celisaa jirin waayo ma dhegaystaan maxkamadaha.

Hadii macallin Siilaanyo uu helay hiil, waxaad ogataa dad la mid ah baa jira oo u baahan hiil. Madaxwayne booliisku is bedel buu u baahan yahay. Is bedelkana adiga ayaa qaybtiisa u badan samayn kara. Si aanay u sii socon sharaftaada iyo ta dalka inay ku ciyaraan, waxaan kaa codsanayaa inaad talaabo ka qaadid cidda u talisa booliiska oo hogaanka u ah. Waxa haboon inaad booliiska hogaan uga dhigtid cid sharciga iyo karaamada dadka ilaalisa.

Anigu taliye booliis ma rabo, danna kama lihi oo cid gaar ah uma ololeeynayo, balse waxaan u arkaa in dalku aad ugu baahan yahay.


Somaliland oo dhan way eegaysaa jawaabta aad ka bixisid Madaxwayne falka lagula kacay macallinka waayo falkaasi keligii maaha ee muwadiniin badan baa dulman oo adiga ku hoos joogta.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Sunday, 19 March 2017

Somaliland waa dal aan lahayn hay’ado la dagaalama musuq maasuqa













Musuq maasuqu waa  dhibaato culus oo magacyo qurux leh loo bixiyay Somaliland si loo hadoodilo dembiga culus ee lagu jiro. Askariga ilaalada wadooyinka ah ee intuu joojiyo qof waydiiya lacag, dadku dul qaad bay u wada leeyihiin. Balse falkaasi wuxuu cadayn u yahay oo metelaa sidaynu ula qabatinay musuq maasuqa.

Qeexid kasta oo la siiyo musuq maasuq wuu soo hoos gelayaa lacagta ay dadka ka qaadan ciidamada ilaalada wadooyinku. Ama ha noqoto miday ka qaadeen qof qaldamay oo markay cabaar u hanjabeen ay xoogaa ka dhuftaan ama qof aan qaladba gelin.

Hadii ay doonayso Somaliland inay hore u socoto iyo inay sii jirto waa inay la dagaalantaa musuq maasuqa nooc kasta oo uu yahay. Yaa la dagaalamaya musuq maasuqa?

Somaliland, ogaalkay, waa dalka keliya ee aan lahayn nidaam uu kula dagaalamo musuq  maasuq iyo cid u xilsaaran inay la dagaalanto toona. Dalal badan oo boobka hantida dadka badsaday, baa hadana leh hay’ado ku hawlan la dagaalankiisa. Somaliland dhib ba looma arko.


Hadii aanay jirin ba cid ka bed qabta oo la dagaalanta musuq maasuqa, miyay kula tahay in hantida dadku ay tahay mid aamaan ah?

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Weerarka qaxoontiga Soomaaliyeed wuxuu marag u yahay saamaynta xun ee dagaalka Yaman ku leeyahay Geeska Afrika



Dad badan oo Soomaali ah ayaa ku dhintay weerar habeen hore diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ay ku qaaday dooni siday dad qaxoonti ah. Dadka intiisa badani waxaay ka soo jeedeen Somaliland iyo Somalia.

Weli cidina si toos ah uma qiran weerarkan bahalnimada ah, balse waxa farta lagu fiiqay dawladda Sucuudiga oo is bahaysi ay hogaaminaysaa uu dagaal kula jiro Yaman.

Saamaynta uu dagaalka Sucuudigu ku yeeshay Geeska Afrika iyo Somaliland waa mid aan fiicnayn. Maaha markii u horaysay ee dad Soomaali ahi ku dhintaan weerar ka dhacay Yaman ee sidoo kale marar hore ayaa gudaha Yaman ay waxyeelo geeri ka mid tahay ka soo gaadhay dad Soomaaliyeed.
Waxa se dagaalku sidoo kale uu cagaha la soo galay gudaha Somaliland. Saldhigga ciidan ee dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyay Berbera waxa keenay dagaalka ka socda Yaman. Ujeedada u waynina waa in la xoojiyo saamaynta ay xulufada Sucuudigu ku leedahay badda istiraajiga ah ee Cas.


Hadaba, dawladaha Geeska Afrika waxa la gudboon inay ka fiirsadaan dhibta ka socota Yaman oo ay u galaan arimaha quseeya dalkaas si u dan ah shacabkooda iyaga oo aan lagu walacsan laguna marin habaabin lacagta badan ee wadamada Gacanka Carbeed ee saliida ku hodonka ahi ay daadiyaan. 

Aduunyo yar oo la helaa dharaaro ayay wax u tartaa qofka ay sida qaloocan u soo gashay balse waxyeelo aan dhamaan bay u gaysataa dalka iyo dadka.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland



Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin