Friday 27 May 2016

Afrikaanka cid kastaa neceb




















Sawirka: Google images

Barnaamij ka baxa BBC-da oo dadwaynuhu si toos ah uga dhiibtaan aragtidooda (world have your say) ayaa habeenimadii xallay (26ka May 2016) wuxuu shiishka saaray takoorka dadka madow ay ku hayaa Hindidu. Ka sokow cayda, mararka qaar baa loola tagaa gacan ka hadal keenat dhawr jeer geeri. Sida xun ee ay Hindidu ula dhaqanto Afrikaanka jooga dalkeeda oo u badan arday, waxa si qoto dheer u falanqeeyey dadyow madow oo dhibaatada indhohooda ku arkay.

Yasidda iyo xumaynta loo gaysto dadka madow, waxa hore ugu caan baxay dadka caddaanka ah.

Waxa dhowaanahan qabsaday baraha bulshada xayaysiis ay samaysay shirkad Shiine ah oo saabuunta soo saarta. Xayaysiiska waxaay ku muujiyeen nin madow oo inta saabuun lagu shubay qasaalad la geliyay, kadbina isaga oo Aasiyaan u eeg ka soo baxay. Waxaay u dhigeen sidii oo madowgu yahay uskag saabuuntoodu goyn karto. Tani waa uun qayb ka mid ah garaad xumada iyo jahliga umadaha dunida haysata iyo sida loo collaystay dadka madow.

Nacaybka loo qabo dadka madoobi wuxuu sidoo kale ka jira dunida Carabta oo iyana si la mid ah caddaanka dhibaato badan u gaystay Afrikaanka.

Sidaas oo ay tahay oo cid waliba u haaraamayso dadka madow, hadana Afrikaanku isma jecla iyaga laftoodu oo dhexdeena dagaalo iyo dhibaatooyin badan baa ka jira. Afrikaanimada ama madownimadu ma noqon wax isku soo jiida oo is jeclaysiiya dadka si ay isaga caabiyaan cadaadiska ka haysta aadanaha kale.

Afrikaanka cid kastaa neceb iyana isma jecla


No comments:

Post a Comment