Wednesday 25 May 2016

Muxuu u tahriibay

 Aan ka soo amaahdo hadalkan kooban sheekada buugga novel ah ee Americanaha ee ay qortay Chiamanda Ngozi Adichie. Obinze waa jilaaga dhextaalka u ah sheekada isaga iyo inanta uu jecel yahay ee Ifemelu. Waa sheeko dheer ee aan idin la wadaago inta aan u socdo.

“Alexa iyo martida kale, iyo laga yaabee in xitaa Georgina la qabo, dhamaantood way fahmi karaan in lago qaxo dagaal, nooca faqriga burburiya ruuxda banii aadamka, balse ma fahmi karaan baahida in laga baxsado kala xulahso la’aanta tamarta u nuugta sida daran. Ma fahmi karaan sababta qof isaga oo kale ah oo ku soo barbaaray nolol dhereg ah…… uu faraha ula galay arimo khatar ah, arimo qayrul sharci ah, midkoodna {wa dadka dhulkoodii ka kudaalay e} ma gaajoon, lama kufsan, kamana iman tuulooyin la gubay, balse waxa keliya ee ay u gaajoonayaan waa kala xulasho (choice) iyo hubaal.” Halkaas markaan marayay ayaan xasuustay su’aalaha ay dadku is waydiiyaan iyaga oo yaaban: muxuu la tahriibay ama ay la tahriibtay reerkoodu ba way ladan yihiine? Ma fahmin sida ay ugu adkayd inay fahmaan dadkaas cad cad ee Obinze la fadhiyay cashada dusheeda. Maaha oo keliya gaajada iyo colaadda waxa dadku ku qasba inay ka cararaan dalkooda oo ay afka saaraan khatar. Taas bay tahay inay fahmaan Afrikaanku. Dadku waxay u ooman yihiin waa  "kala xulasho (choice) iyo hubaal.” 

No comments:

Post a Comment