Friday 27 May 2016

Jasiiradda dumarka ka mamnuuca ah

Jasiiradda Mount Athos oo ku taal Giriigga waxa ka mamnuuc ah dumarka iyo guud ahaan dhediga. Jasiiradan oo ay degen yihiin mudo kun sano ah culimo kiristan ah gaar ahaan Russian Orthodox waxa ka mamnuuc ah in dhedigu galo marka laga reebo bisadaha.

Sababaha loogu diiday ma wada cada. Dadka maamulkeeda gacanta ku hayaa waxaay u aneeyaan ujeedo diimeed iyada oo laga soo qaado goobta oo dhan inay tahay meel culimo degan tahay (monster). Goobaha caynkaas ahna aanay caadiyan gelin dumarku.

Dood kale waxay leedahay jasiiradan waxa markab kula soo caaryay Maryam (Nebi Ciise hooyadii). Kadibna si iyada loogu gaar yeelo, waxa laga mamnuucay dumar oo dhan inay yimaadaan goobta.

 Jasiiradani waa goobta keliya ee dunida ku taal ee ka mamnuuca ah dumarka.


Il-wareed: Dailymail, BBC iyo Greectravel 

No comments:

Post a Comment