Friday 27 May 2016

Hadaad gacan qaadi waydo dumarka macalimiinta ah waxaad bixinaysaan ganaax dhan 5, 000 Doolar

Dalka Switzerland laba arday oo ka soo jeeda dalka Suuriya ayaa waxaay dideen inay gacaan qaadaan macalimiintooda dumarka ah iyaga oo sheegay in diintoodu u diiday inay dumarka taabtaan. Maamulkii dugsigu wuxuu ogolaaday in labadaas arday laga dhaafo gacan qaadka. Balse falkaasi wuxuu si wayn uga cadhaysiiyay siyaasiyiintii dalka.

Muranka iyo cadhada ku saabsan arinkan ayaa cirka isku shareeray. Wasiirka Caddaaladda ee dalkaas ayaa sheegay in gacan qaadku yahay dhaqanka Switzerland oo ay qasab tahay in la ixtiraamo. Dad kale waxaay ku doodeen inaanay ahayn sax in ardayda lagu qasbo wax ay u arkaan inaan diintoodu ogolayn.

Maamulka gobolka dugsigu ku yaal ayaa iyana sheegay in hadii ay diidaan inay gacan qaadaan macalimiinta dumarka ah in laga qaadayo labadaas arday lacag dhan 5, 000 Doolar. Dhinaca kale waxa la hakiyay hanaankii dhalashada lagu siin lahaa qoysaska labadaas arday.


Xigasho: Foreingpolicy, Aljazeera, BBC. 

No comments:

Post a Comment