Saturday 28 May 2016

Telefoonadu miyay keenaan kansarka


Sawirka: Google images
Sida ay qortay jariirada New York times, daraasad hor dhac ah oo la sii daayay jimchii dhowaa ayaa lagu ogaaday inay u muuqato in shucaaca telefoonadu uu kor u qaado khatarta kansarka maskaxda iyo wadnaha ku dhaca.
Haseyeeshee, cilmi ahaan ilaa hada masuuliyiinta caafimaadku waxaay aaminsan yihiin inaan telefoonku kansar keenin.
Cilmi baadhistan waxa lagu sameeyey jiirka. Jiirka kiisa lab kor ayay u kacday inuu qaado kansar. Halka kiisa dhedig aanu badnayn.
Ilaa hada waa hordhac in la go’aamiyo in telefoonku kansarka keeno. Balse New York Times waxaay leedahay deraasadani waxay furtay dood hor leh.

Il: New York Times 


No comments:

Post a Comment