Friday 27 May 2016

Booliiska iyo timo xiirashada












Sawir: Google images

Ayaamahan suuqyada Hargeysa waxa marar dhowr ah lagu arkay Booliiska oo caydhsanaya dadka qaar oo ay shuufeen sida ay timaha u xiirtaan. Maqaas dheer baa dhulka lagu dhigay timaha rag ula baxay timaha si ay booliisku diideen.

Waxa is-waydiintu noqotay booliiska shaqadiisa ma tahay inuu faraha la galo timaha dadka iyo sida ay u la bistaan mise hawlo kale oo ka culus baa u yaal?

Waxa falalkani i xasuusiyeen falaqayn hore loogu sameeyey dhaqamada ururkii Maxaakiimta Islaamka ee mar ka tilin jiray dhul ka mid ah Somalia iyo ururkii Daalibaan ee ka arimin jiray Afgaanistaan. Labada ururba waxyaabaha lagula yaabay qaybna ka qaatay dumistooda wax aka mid ahaa markii ay ku meeraysteen dadka timo xiirashadooda iyo dhar xidhashadooda.

Dhibaato sahlan maaha. Waana arin cilmi ahaan hore loo dersay oo la soo tijaabiyay shar iyo khary midkay leedahay.

 Mid ka mid ah mabaadida sharciga Somaliland ku dhisan yahay ayaa ah kala saarka awoodaha. Taas oo macneheedu yahay inaan Booliisku awood u lahayn inuu samaysto sharci dabadeed fuliyo ciqaabtiisa. Sharcigeeba xaaraantinimeeyey nooca timaha ay la dagaalansan yihiin? Sharcigeebaa ciqaabtiisa ka dhigay in suuqa lagaga xiiro? Sharcigeebaa yidhi booliisku iyaga ayaa garsoor ah oo isla goobta ku fulinaya xukunka?


No comments:

Post a Comment