Tuesday, 13 December 2016

Xisbi qabileed mise xisbi siyaasadeed

Mudo dheer horteed odaygii caan baxay ee reer Hindiya Mahatma Gandhi ayaa ku daray siyaasadda aan mabda’ lahayn todoba inkaarood oo uu ku tilmaamay inay yihiin dilaa.  

Somaliland, oo markii hore ku bilawday hab dawladeedkeeda waagii ay dib ula soo noqotay xorriyadda 1991, qaab qabiil ah oo aan la kala qarsan, waxaay ku taamtay inay mar uun ka baxdo siyaasad qabiil ku dhisan. Rabitaanku wuxuu ahaa inaan dadka loo kala qaybin beelo, cidda kursiga ku fadhidaana aanay noqon cid ay soo diratay beel. Taas bedelkeeda rajadu waxaay ahayd in dadka wixii isku aragti ah ee wadaaga mabda’ guud inay dhinac wada maraan. Dabadeed iyaga oo isku duuban ay cod ka raadsadaan dadwaynaha iyaga oo ku qancinaya in aragtidoodu ay ka wacan tahay kuwa kale oo ay u roon tahay shicibka.

Haseyeeshee, taasi ma rumoobin. Doorashooyinkii waxa lagu galay hanaan qabiili ah iyada oo aan la kala qarsan. Xisbiyadii la is lahaa meel dhaanta beelnimada ayay noqonayaan waxaay iskugu soo biyo shubteen garoon ay ku ciyaaraan beeluhu. Balse mar hadii xisbiyadii siyaasadeed lagu soo koobay sadex, waxa qasab noqotay in xisbi walba ay ku midoobaan wax ka badan hal reer.
Xubnihii xisbiyada ee ay ahayd inay noqdaan kuwo wax wadaaga waxaay noqdeen laba. 1. Xubno beesha ama beelaha xisbigaas leh ka tirsan oo u xusul duuban in qofka ay isku reerka yihiin uu kursiga ku fadhiisto. 2. Qaar dano shaqsi ka dhex raadinaya oo mustaqbalkooda siyaasadseed ama dhaqaale galay inay taageeraan xisbigaas inkasta oo laga yaabo inaanay la reer ahayn.
Taageerayaashiina sidaas si la mid ayay u kala qaybsameen.

Mar hadii aanay jirin dadwayne si guud cod looga raadinayaa ee arinku reernimo ku biyo shubtay, xisbiyo isku sheegii iskuma hawlin inay la yimaadaan barnaamijyo.

Inkasta oo anay sidaas u wada sahlanayn arinku oo ay jiraan dad ku jira xisbiyada oo leh aragti ka durugsan midka aynu halkan ku tilmaanay, hadana guud ahaan xisbiyadii Somaliland waxaay noqdeen xarumo qabiileedyo.

Cid walba oo caqli lihi waa og tahay inaan nidaamka caynkaas ahi aanu meel roon u wadi karin una wadin Somaliland. In la qaado talaabooyin lagu miyirsanayo oo dib inta loo fadhiisto la isku waydiinayo halka ay ka murkacatay weli looma hollan.

Waxaan se qabaa in ugu horayn ay muhiim tahay in qof waliba aqoonsado qaladka socda oo uu dib uga joogsado. U codaynta,orodka iyo xiiqa aad ugu jirto xisbi reereed aad ogtahay hadhow inaanu wax tarayn, musuq iyo hantida dadka oo la boobo, eex iyo qaraabo kiil uu la iman doono, waxaay iila muuqataa inay tahay qalad wayn oo aad dalka iyo naftaada ka gelayso. 

Dad badan baa naftooda ku qanciya "dee dadku ba way ku jiraane ma keligay baa gaar u bixi kara. Dadkoo dhan baa qabiil ku codeeya kuna ololeeya ee maxaa iga reebay?" Taariikhdu doodaas way beeninaysaa. Hadhow na waan hubaa in badani way isku canaan doonta. 


Nidaamka siyaasadeed ee dalku ma saxna, xisbiyadeenu way ka fog yihiin kuwo wanaag soo wada. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Saturday, 19 November 2016

Faqiir qarash badan: “Laankaruusar gado, galaydana soo bari.”

Qofka caadiga ah ee sida hagaagsan u fekeraa wuxuu isku eegaa waxa soo gala iyo wuxuu qarash ahaan bixiyo. Hadii uu bishii helo boqol doolar, wuxuu u qorsheeyaa inaan qarashkiisu ka badan boqolkaas. Kuwa sii ba caqliga fiicani waxaay maanka ku hayaan inay wax ka dhigtaan, haday suurtagal tahay.

Si midhaas la mid ah qofka caadiga ahi xoogaga soo galo si miyir qabta oo uu ka fekeray buu u isticmaala. Wuuxu iska ilaaliiyaa inuu daa daadiyo. Qofka lacagta ku ciyaara Soomaalidu magac bay u bixisaa, waxna uma dhigmaan noloshana meel kama gaadho.

Dawladaha waxa maamula dad. Dadka dawladaha maamulaa qorshay dejistaan. Waxaay ka fekeraan waxa soo gala inaanay wax ka badan gelin. Waxaay sidoo kale qorsheeyaan sida ugu haboon ee ay shilin walba u isticmaali karaan. Kee bay tahay inuu galo waxbarasho, caafimaad, ciidan iwm. Keebay tahay inuu galo gaadiid, biyo, cunto, shaqo abuur, iwm. Waxa loo eegaa baahida jirta iyo sida ay u kala mudan tahay.

Dalka hayntiisu yar tahay (waa faqiire) waxa haboon inuu u fekero sidii qof faqiir ah. Nasiib xumadu waxaay tahay- waaba masiibee- marka qofku isaga oo faqiir ah uu doono inuu u noolaado sida taajirka. Doqon weeye. Doqonimadaasi waxaay masiibo tahay marka hantidaas yar ay maamulayaan cidaan aanay taabanayn faqrigaasi. Lagaba yaabee inuu isagu rabo inuu ka tanaado.

Bal hada u fiirso inta miisaaniyadda dawladda ku baxda shidaal iyo gawaadhi aan faa’iido u lahayn danyarta iyagu bixiyay lacagta la siiyay gaadiidkaas. Waa gaadiid raaxo oo uu ku tamashlaynayo qof.
Waxa cid lagu kalsoon yahay waa aan fogayn ii sheegtay nin madax ah oo diiday gaadhigii loogu talo galay xafiiskii loo soo magacaabay. Wuxuu yidhi anigu shaqsi ahaan waan ka sareeyaa inaan raaco gaadhi noocan oo kale ah. Marka waa in loo dalbaa gaadhi tobanaan kun oo doolar qiimihiisu yahay.

Dad badan baa marar aan yarayn is waydiiyay tirada badan ee madaxda dawladda ee qarashka aan yarayni ku baxo. Shilimaadka dalka soo galaa ma badna. Sida loo maamulaana maaha mid laga fekeray oo lagu saleeyey nolosha dadka leh ee loogu talo galay in wax loogu qabto.




Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Saturday, 12 November 2016

Guusha Trump fursad bay u noqon kartaa Somaliland

Madaxwaynaha dhowaan la doortay ee Maraykanka Donald Trump intii uu ku jiray ololaha doorashada wuxuu si xun oo ka baxsan anshaxa uga hadlay arimo dhawr ah oo ay ka mid tahay xuquuqda dumarka iyo dadka laga tiro badan yahay.

Trump waxa sidoo kale ka muuqatay aqoon darro wayn oo uu u leeyahay siyaasadda, gaar ahaan siyaasadda arimaha debedda. Inkasta oo uu dhinac maray madaxda xisbiga uu ka tirsan yahay ee Jamhuuriga, hadana waxaan shaki ku jirin inaan Trump ka wada tegi doonin siyaasadda udub dhexaadka u ah Jamhuuriga.

Markii sanadkii 2008 uu doorashada ku guulaystay Barack Obama oo ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga aad bay dadyowga madow u soo dhoweeyeen. Dadkaas waxa ka mid ahaa shacabka Somaliland iyo dunida Muslimka ah. Haseyeeshee, Obama wuxuu ka geystay dunida Islaamka layn badan, gaar ahaan duqaynta loo adeegsado diyaaraha aan duuliyuhu wadin.

Dhinaca Somaliland, maamulka Obama wuxuu gadoomiyay Somaliland isaga oo ka sii jeestay. Wuxuu soo af-jaray siyaasadii marinada badnayd ee Maraykanku doonayay inuu kula dhaqmo dadka Soomaalida. Wuxuu si aan kala hadh lahayn isu dabo taagay dawladda Muqdisho.

Falalka caynkaas ahi waxaay hoos u dhigeen meeqaamka Somaliland ku lahayd dunida. Waxana midaas sii xoojiyay doorashadii 2010 ka dhacday Somaliland oo ay ku guulaysatay dawlad cusub oo qaadatay siyaasad arimo debedeed oo jaah-wareersan.

Maamulkii ka horeeyey Obama ee xisbiga Jamhuurigu wuxuu la lahaa Somaliland cilaaqaad aad u fiican. Waxa Somaliland soo booqday madax heer sare ah oo ay ka mid ahayd Jendayi Frazer oo ahayd ku xigeenka Xogahaya Arimaha Debedda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika. Xogo marar badan soo baxaay ayaa waagaas tibaaxay in wasaaraddii arimaha gaashaandhiga saraakiil ka tirsani ay doonayeen inay ka shaqeeyaan in Somaliland la ictiraafo.

Nasiib darro, arimahaas waxa soo af jaray maamulka Obama. Hada oo la doortay madaxwayne ka soo jeedaa Jamhuuriga, waxaan shaki ku jirin in Somaliland ay u furantay fursad muhiim ah oo ay tahay inay ka faa’iidaysato. Waxaayna u baahan tahay Somaliland inay la timaado istiraajiyad ay ku dersayso hab dhaqanka Trump.  Waxaana daruuri ah in si dhow loo derso cidda uu u magacaabo Xoghayaha Arimaha Debedda iyo ku xigeenada ka hoos shaqeeya kuway yihiin siiba kuwooda u qaabilsan Afrika.

Sidaas oo ay tahay waxaa iyana aan la dafiri karin in Trump uu yahay shaqsi aan la saadalin karin oo wuxuu doono yeele ah, markaad eegtid hab dhaqankiisa iyo hadalada qalafsan ee aan ka fiirsiga lahayn ee uu hadh iyo habeen la soo taagnaa intuu tartanka ku jiray.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Thursday, 20 October 2016

Nabadda iyo caddaaladda

Dagaalkii dhiigga badani ku daadatay ee maatada lagu uur dooxay wuxuu ka soo gebo-geboobay Somaliland 1991 kii markii dawladdi Maxamed Siyaad Barre laga baacsaday dhulka Somaliland. Jabhadii dalka qabsatay iyo wax-garadkii reer Somaliland waxaay go’aansadeen in lagu dadaalo sidii nabad loo heli lahaa oo looga bixi lahaa dagaalka.

Nasiib darro, waxaan xisaabta lagu darsan waxa laga yeelayo dadkii gaystay dembiyada ka dhanka ah banii adantinimada, dembiyada dagaal iyo xasuuqa. Waagaas waxa isna dhamaaday dagaalkii qaboobaa. Farxad iyo rajo fiican bay dunido filanaysay. Kadib ayaa jab badani dhici doonaa. Aduunkuna ma noqon mid amaan ah, sidii la filayay. Xasuuqii Rwanda iyo dagaalo kale oo badan ayaa dhacay.

Dadka u dhaqdhaqaaqa xuquuqda aadanuhu waxaay isku dayeen in la helo caddaalad caalami ah oo lagu soo oogo dacwado hogaamiyayaasha laaya dadkooda. Rwanda iyo Yugoslavia ayaa loo sameeyo maxkamado u gaar ah. Markii danbena Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada ayaa la aasaasay.
Nasiib darro dhinaca dhulka Soomaalida midaasi ma dhicin. Maxkamado caalami ahna looma samayn, dalka gudihiisana kuwo lagama samayn.

Dadka iyo dawladihii Somaliland waxaay ku fashilmeen inay abuuraan maxkamad u gaar ah oo qaada dembiyadii la galay ee ka dhanka ahaa xuquuqda aadanaha. Hadii caddaalad caynkaas ah la samayn lahaa kuwo badan ayaa aduunku dib u soo celin lahaa si loo maxkamadeeyo.

Inta badan wadamada dagaaladu ka dhacaan nabadda ayaa laga door bidaaa caddaalada. Taasina waxaay keenta in kuwo dembiyo xun xun gaystay ay baxsadaan ama xil sii hayaan. Waxaay sidoo kale keentaa in dagaaladu soo noq noqdaan mar hadii aan xisaabtan jirin.


Weli waa suurtagal in la sameeyo maxkamad u gaar ah dembiyadii dhacay waagii Siyaad Barre dalka haystay. Waxaayna tani digniin u noqon doontaa hogaamiyayaasha Somaliland si ay u ogaadaan inaan la iskaga hadhi doonin wixii dembi ah ee lagalo. Waxaay sidoo kale u tahay naruuro dad aad u badan oo sanado badan sugayay inay maruun helaan caddaalad oo kuwii dhagarta geystay la soo taago maxkamad.


Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland

Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Monday, 3 October 2016

Midabada badan ee Somaliland


Somaliland waa dal yaab badan. Somaliland rasmi ahaan kama mid ah wadamada dunida. Cidina ma aqoosana. Dadwaynaha ku nooli waa mid aad u yar. Dadka badiyaa waxaay ku sheegaan ilaa 3.5 oo miliyan (sadex iyo badh milyan). Dhulkiisu waa mid qalalan oo ay ku yar yihiin biyuhu. Dhaqan ahaan wax beerashadu kuma badna. Waxaay aad u dhaqdaan xoolaha. Magaaladda u wayni waa Hargeysa oo dadka degan lagu qiyaaso wax ka yar hal milyan.

Sidaas oo ay tahay waa dal dhan oo shaqaynaya, leh dawlad, iyo nidaam. Waxa laga soo unkay dambaska. Sanadkii 1991kii markii ay dhacday dawladii madaxwaynihii keligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, waxa magaalooyinka Somaliland lagu soo noqday iyaga oo burburay oo dhulka lala simay. Ku dhowad sadex sanadood oo dagaal aan kala go’ lahayn ah darteed, magaalooyinkii iyo noloshii ku hoos jirtay way burburtay.

Maanta oo laga joogo 25 sanadood, qiimaynta aad saari kartaa waa mid aan sugnayn. Dhinac markaad ka eegtid horumar iyo nolol horusocod ah ayaa kuu muuqnaya. Dad ay ka go’an tahay inay dhistaan dalkooda oo ay ka shaqeeyaan noloshooda ayaad arkaysaa. Hooyo aroortii u kalahaysa sidii ay u soo xoogsan lahady si ay wax u tarto qoys danyar ah oo ay dhashay, nin kaaryoone riixaya si uu quutal daruuriga uga soo saaro, mid bir tumaya, iyo mid wax kale ku fooggan ba dadku dantooda ayay ka shaqaynayaan. Cashuurna way bixiyaan si kasta oo ay noloshu ugu adag tahay.

Sidaas oo ay tahay hadana, waxa dhex socda qalalaad aad u culus oo hantaaqo wayn ku ah dadaalka dan yarta. Kuwa wax is biday ee aqoonta leh ayaa halis ku ah in Somaliland sii jirto ama gaadho halka ay u socoto.

Culimada Islaamka ee diinta ku tegay waxaay mudo badan dadka uga digayeen in jacaylka aduunyadu uu halis badan yahay. Waxaay markaas dadka ugu yeedhi jireen inay xagga Waynaha u noqdaan oo ay cabsidiisa badiyaan.

Waxa la isku raacsan yahay in kuwa aduun raadisku madax maray hadii aan loo samayn dabar iyo xadhko xidha aanay dhergayn. Dhereg la’aantoodu waxaay keentaa inay cunaan tiirarka bulshadu ku taagan tahay. Sida xarka ayay u jilciyaan ilaa ay bulshada dhulka afka u daraan.

Markaas waxa bulshada isku haya oo ay ugu horayso caddaaladda, is-jacaylka, wax wada qaybsiga, sinaanta, isku xukunka sharciga intuba waa ku cadow kuwa aduun jacaylku indho tiray. Iyagu waxyaalo dhawr ah ayay cudur daar ka dhigtaan oo nafohooda u sheegaan ama dadka. Haseyeeshee jiritaanka umadda ayay ka soo horjeedaan.

Waxa aan shaki ku jirin in hadii aan kuwa lacagta badan haysta iyo kuwa awoodda haya aan la kala ilaalin oo aan loo dejin sharci adag oo bulshada inteeda kale ka celiya, in bulshada badankeedu ku dulmanaan doonto dabadeed ay hadhow kici doonaan iyaga oo ah duufaano aan la celi karin, la iska caabiyin karin. Markaas bay burburaan wax walba oo hore u jiray. Waa casharo taariikhda ku suntan. Xitaa qisooyinka Quraanka ayaa lagu sheegay inaan dulmigu raagi karin wax lagu tanaado oo dan guud wax u tartana aanu noqon karin. Markaas baa dadka looga digay, tusaalayaalna loogu soo qaatay quruumu jiray waayo badan hortood. Haba fogayn, hada u fiirso aduunka waxa ka dhacaya.

Sidaasdarteed, waxa taladu tahay in si loo siman yahay la iskugu xukumo sharciga loona raaco sida uu u yaal, in qofkii hanti badan leh ama awood badan leh ama awood badan ka agdhoowi aanu ka dheeraan dadka, kana yeelan mudnaan. Eebe ba dadka ma kala sarraysiin. Ma yasin qaarkood. Kuwa caawa Hargeysa ku gaajoonaya iyo kuwa ku dheregsan Eebe hortii waa siman yihiin, waloow taajirku yasayo, walow ka markaas xoogga gacanta ku hayaa uu mar walba isla saxan yahay. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin


Midabada badan ee Somaliland


Somaliland waa dal yaab badan. Somaliland rasmi ahaan kama mid ah wadamada dunida. Cidina ma aqoosnana. Dadwaynaha ku nooli waa mid aad u yar. Dadka badiyaa waxaay ku sheegaan ilaa 3.5 oo miliyan (sadex iyo badh milyan). Dhulkiisu waa mid qalalan oo ay ku yar yihiin biyuhu. Dhaqan ahaan wax beerashadu kuma badna. Waxaay aad u dhaqdaan xoolaha. Magaaladda u wayni waa Hargeysa oo dadka degan lagu qiyaaso wax ka yar hal milyan.

Sidaas oo ay tahay waa dal dhan oo shaqaynaya, leh dawlad, iyo nidaam. Waxa laga soo unkay dambaska. Sanadkii 1991kii markii ay dhacday dawladii madaxwaynihii keligii taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Barre, waxa magaalooyinka Somaliland lagu soo noqday iyaga oo burburay oo dhulka lala simay. Ku dhowad sadex sanadood oo dagaal aan kala go’ lahayn ah darteed, magaalooyinkii iyo noloshii ku hoos jirtay way burburtay.

Maanta oo laga joogo 25 sanadood, qiimaynta aad saari kartaa waa mid aan sugnayn. Dhinac markaad ka eegtid horumar iyo nolol horusocod ah ayaa kuu muuqnaya. Dad ay ka go’an tahay inay dhistaan dalkooda oo ay ka shaqeeyaan noloshooda ayaad arkaysaa. Hooyo aroortii u kalahaysa sidii ay u soo xoogsan lahady si ay wax u tarto qoys danyar ah oo ay dhashay, nin kaaryoone riixaya si uu quutal daruuriga uga soo saaro, mid bir tumaya, iyo mid wax kale ku fooggan ba dadku dantooda ayay ka shaqaynayaa. Cashuurna way bixiyaan si kasta oo ay noloshu ugu adag tahay.

Sidaas oo ay tahay hadana, waxa dhex socota qalalaad aad u culus oo hantaaqo wayn ku ah dadaalka dan yarta. Kuwa wax is biday ee aqoonta leh ayaa halis ku ah in Somaliland sii jirto ama gaadho halka ay u socoto.

Culimada Islaamka ee diinta ku tegay waxaay mudo badan dadka uga digayeen in jacaylka aduunyadu uu halis badan yahay. Waxaay markaas dadka ugu yeedhi jireen inay xagga Waynaha u noqdaan oo ay cabsidiisa badiyaan.

Waxa la isku raacsan yahay in kuwa aduun raadisku madax maray hadii aan loo samayn dabar iyo xadhko xidha aanay dhergayn. Dhereg la’aantoodu waxaay keentaa inay cunaan tiirarka bulshadu ku taagan tahay. Sida xarka ayay u jilciyaan ilaa ay bulshada dhulka afka u daraan.

Markaas waxa bulshada isku haya oo ay ugu horayso caddaaladda, is-jacaylka, wax wada qaybsiga, sinaanta, isku xukunka sharciga intuba waa ku cadow kuwa aduun jacaylku indho tiray. Iyagu waxyaalo dhawr ah ayay cudur daar ka dhigtaan oo nafohooda u sheegaan ama dadka. Haseyeeshee waa jiritaanka umadda ayay ka soo horjeedaan.

Waxa aan shaki ku jirin in hadii aan kuwa lacagta badan haysta iyo kuwa awoodda haya aan la kala ilaalin oo aan loo dejin sharci adag oo bulshada inteeda kale ka celiya, in bulshada badankeedu ku dulmanaan doono dabadeed ay hadhow kici doonaan iyaga oo ah duufaano aan la celi karin, la iska caabiyin karin. Markaas bay burburaan wax walba oo hore u jiray. Waa casharo taariikhda ku suntan. Xitaa qisooyinka Quraanka ayaa lagu sheegay inaan dulmigu raagi karin wax lagu tanaado oo dan guud wax u tartana aanu noqon karin. Markaas baa dadka looga digay, tusaalayaalna loogu soo qaatay quruumu jiray waayo badan hortood. Haba fogayn hada u fiirso aduunka waxa ka dhacaya.

Sidaasdarteed, waxa taladu tahay in si loo siman yahay la iskugu xukumo sharciga loona raaco sida uu u yaal, in qofkii hanti badan leh ama awood badan leh ama awood badan ka agdhoowi aan ka dheeraan dadka, kana yeelan mudnaan. Eebe ba dadka ma kala sarraysiin. Ma yasin qaarkood. Kuwa caawa Hargeysa ku gaajoonaya iyo ka ku dheregsan Eebe hortii waa simam yihiin, waloow taajirku yasayo.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland
Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin


Tuesday, 27 September 2016

Hargeisa Regional Court sentences people including a court clerk for bribery charges

On 22nd September 2016, Hargeisa Regional Court sentenced a court clerk to four years of imprisonment for bribery charges.

The presiding judge pronounced the judgment with emphasize that the courts will not tolerate attempts of bribery.

The court sentenced the court clerk in abstentia to four years of imprisonment. Three other people were sentenced from two years to one year and six months of imprisonment for solicitation and paying bribery, respectively.

According to the charges, the clerk collected four thousand US dollars from two people who were party in a civil suit at the court. He promised to pay the money to a judge in order to rule on their favour. He gave 870 USD to a middleman and has taken the rest.

According to the records, the men who paid the bribery complained to the court. Apparently, they did not realize that they were incriminating themselves in an involvement of a criminal activity. The prosecution filled a criminal case and summoned the two men as witnesses. They testified before the court the payment of four thousand US dollars to court clerk in order to bribe a judge. The clerk was not at the court. According to the judgment, he fled to Mogadishu to scape justice. Legally, they have a right to appeal against the conviction to the higher court.

The court found two men guilty of paying bribery whereas the clerk was convicted for receiving bribery. The fourth man was found guilty for pretending to have influence with a public officer.
The chairman of Hargeisa Regional Court who also presided over the case, said that this is the first time a court in Somaliland convicts court official for bribery.

The public welcomed this move and hoped to send a strong message. Corruption is one of the deadly criminal activities that undermine the development and justice in the underdeveloped world.

The Chief Justice, Adam Haji-Ali Ahmed, promised fighting corruption in the judiciary and repeatedly asked the people to report if any court official demands bribery. Adam Haji-Ali Ahmed, former director of Institute of Peace and Conflict Studies of University of Hargeisa, and chairman of Somaliland Non-state Actors Forum (SONSAF), came to office mid last year.   

Guleid Ahmed Jama

Lawyer  

Wednesday, 21 September 2016

Yaa dawladda Somalia dacwadda ku metelaya?

1.      Wakiiladda dawlada

a.       Cali Siciid Fiqi oo ah Safiirka Somalia u fadhiya Biljamka, Wakiil
b.      Mona Al-Sharmani oo ah la-taliyaha sharci ee Madaxwaynaha Somalia, ku-xigeen wakiil

2.      Qareenada ka hor doodaya Maxkamadda

a.       Mr. Paul S. Reichler, Qareen Maraykan ah  oo ka dooda Maxkamadda Sare ee Maraykanka,
b.      Mr. Alain Pellet, Macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga University of Paris Ouest, Nanterre-La Défense, hore xubin iyo gudoomiye uga ahaa Gudida Xeerka Caalamig ah (International Law Commission), xubin a ah Machadka Xeerka Caalamiga ah (Institut de droit international),
c.       Mr. Philippe Sands, Q.C., Macallin jaamacadeed dhiga xeerka caalamiga ah oo wax ka dhiga University College London, qareenna ka ah London,
d.      Mr. Lawrence H. Martin,  Qareen Maraykan ah  oo ka dooda Maxkamadda Sare ee Maraykanka,
e.       Ms Alina Miron, Macallin jaamacadeed oo xeerka caalamiga ah ka dhiga University of Angers,
f.       Mr. Edward Craven, oo qareen ka ah London,
g.      Mr. Nicholas M. Renzler, Qareen Maraykan ah  oo ka dooda Maxkamadda Sare ee Maraykanka,

           3.      La-taliyayaal
a.       Mohamed Omar, La-taliyaha saree e Madaxwaynah Somalia 
b.      Ahmed Ali Dahir, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Somalia 
c.       Yusuf Garaad Omar, Safiirka iyo Wakiilka Joogtada ah ee Somalia u fadhiya Qaramada Midoobay  
d.      Admiral Farah Ahmed Omar, Janan hore uga tirsanaa Ciidankii Badda Somalia hadana ah gudoomiyaha Research Institute for Ocean Affairs, oo fadhigeedu yahay Mogadishu,
e.       Daud Awes, Af-hayeenka Madaxwaynaha Somalia  

f.       Abubakar Mohamed Abubakar, Agaasimaha Arimaha Badda ee Wasaaradda Arimaha Debedda ee Somalai  

Dood afeedkii ay Somalia ka hor jeedisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Salaasaddii shalay ahayd waxa Somalia ka hor akhriday Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda dood afeed jawaab celin u ah dood afeed Kenya Isniintii ka hor jeedisay Maxkamadda. Taas oo ku saabsanayd dacwad is-hortaag ah oo Kenya ka gudbisay arji dacwad furasho oo Somalia ka furatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Somalia waxaay doodeeda ku bilawday hadal guud oo ay ku guud martay in inkasta oo Somalia dhibaato wayni haysato, hadana inay ka soo kabanayaan oo u socdaan dhinaca horumarka. Waxaay uga mahad celiyeen Kenya iyo cid kasta oo caawimo u gaysatay.

Somalia waxaay ku dooday in sababta ay Kenya u keentay is-hortaaggu uu yahay inay cabsi ka qabto oo ay ogtahay in laga gar helayo hadii nuxurka dacwadda la galo. Waxaay sheegtay in qareenada Kenya doonayaan inay ku riixaan Somalia wado hadallo aan dhamaad lahayn cid ka garnaqaysaana aanay jirin si ay ugu keenaan in Somalia ay tanaasul u samayso Kenya.

Somalia waxaay sheegtay inanay ku soo degdegin maxkamadda ee ay isku dayday inay xal ugu hesho qaab wada hadal ah, balse in laga quus gooyay habkaas kadib markii Kenya ay diiday inay ka soo qaybgasho wareegii sadexaad ee wada hadalka. Iska daa inaanu ku heshiino xadayne ee waxaanu ku heshiin waynay habka loo xadaynayo, ayay tidhi Somalia.

Somalia waxaay ku dooday inaan is-afgaradkii 2009kii dhexmaray Somalia iyo Kenya aanu ahayn mid jideeynaya in wado kale lagu xalliyo khilaafka.

Somalia waxaay sharaxday in is-afagardku aanu ahayn heshiis loogu dan lahaa in lagu xalliyo khilaafka ka dhexeeya labada dhinac ee ku saabsan xadka bada.

Qareenada Somalia waxaay ku doodeen in duruuftii lagu galay is-afgaradku ay muujinayso inaan dhinacyadu marna ugu talo gelin in is-afgaradku uu noqdo hab lagu xalliyo khilaafka.

 Waxaay Somalia sheegtay inaan is-afgardku (MoU) ahayn mid iska hortaagaya dhinacyada in dacwadooda lagu qaado Maxkamadda.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin


Monday, 19 September 2016

Dood afeedkii Kenya maanta ka horjeedisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda

Maanta waxa bilaabantay dood afeed ay Jamhuuriyadda Kenya ka hor akhriday Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Dood afeedkan waxaay ku saabsanayd dacwad is-hortaag ah oo Kenya ka gudbisay arji dacwad furasho oo Somalia ka furatay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda. Taas oo ku saabsanayd xadka badda u dhaxaysa labada dal.

Dooda Kenya waxaay ku qotontay in is-afgaradka (MoE) dhexmaray Kenya iyo Somalia uu keenayo in muranka labada dal aan lagaga garniqi karin Maxkamadan.

 Kenya waxaay ku nuux nuuxsatay doorka ay ka qaadatay naba dhisidda Somalia iyo magan gelyada ay siisay qaxoontiga Somalia. Waxaay sheegtay in ciidamo nabadda ilaaliya ay u dirtay Somalia oo ay ku hawlan tahay sidii ay Somalia nabad u heli lahayd. Sidaasdarteed, waxaay ku dooday in eedda Somalia ee ah in Kenya ay ka faa’iidaysanayso xaaladda Somalia ay tahay arin qaldan oo ixtiraam xumo ku ah dadka iyo dawladda Kenya ee waxa badan u huray taageeradda Somalia.

 Hordhacaas ka dib, Kenya waxaay soo gudbisay doodeeda sharci oo ay u kala saartay dhawr qaybood. Qayb waxaay si guud ugu soo bandhigtay is-hortaageeda. Qaybna waxaay kaga hadashay sharcinadada is-afagardka (MoE) oo ay ku nuux nuuxsatay inuu yahay qoraal sharci oo leh raad sharci. Waxayna ku dooday in Somalia ay iska indho tirayso sharcinimada is-afgaradka iyo in Somalia ay kala hadashay oo ay mawqifyo iska soo horjeeda ka qaadatay. Waxaay qareenada u doodayay Kenya awoodda saareen inay tixraac sharci ugu helaan in is-afgaradkaasi yahay mid qabanaya Somalia islamarkaana ka reebay khilafka labada dhinac in Maxkamadani qaado. Waxaay sidoo kale u eegeen is-afagardka xeerarka caalamiga ah.

Qayb kale waxaay ku doodeen qareenada Kenya inaan laga quusan in maaro loogu helo khilaafka haba wada hadal ah. Kenya waxaay sheegtay inaan labada dhinac yeelan wada hadal micne leh oo u dhigma in laga quus gooyo. Waxaayna sheegtay in la yeeshay dhawar shir farsamo oo aan marna hoos loogu daadegin iyo in muranada caynkan oo kale ah sanado badan ay socoto wada hadalkeedu.
Guntii, dood afeedkan bilawga ah ee Kenya wuxuu awoodda saarayay in is-afgaradkii dhexmaray 2009 Somalia iyo Kenya uu yahay mid sharci ah oo sababaya inaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladdu aanay awood u lahayn inay qaado dacwadan ee ay jiraan habab kale oo uu sheegay is-afgaradku iyaga oo ku sharaxay doodooda habkaas,

 Maalinta berri ah (Salaasadda) ayaa Somalia doodeeda ka hor jeedin doonta Maxkamadda. Doodani waxaay socon doontaa ilaa jimcaha.


Halkan ka eeg faalo ku saabsan nooca ay tahay dacwadan labada dal u dhexeeysaa.
http://guleidjama.blogspot.com/2016/09/xog-ku-saabsan-dacwadda-badda-ee-ka.html

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Xog ku Saabsan Dacwadda Badda ee ka dhaxaysa Somalia iyo Kenya

Dawladda Somalia waxaay 28kii August 2014 u gudbisay Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda dacwad ka dhan ah Kenya. Nuxurka dacwadda Somalia waxaay ku qotontay xadka badeed ee aag ay labada dal ba sheeganayaan lahaanshihiisa.

 Somalia waxaay ku dooday in labada dal ay ku muransan yihiin xadku halkuu maro islamarkaana ay fashilmeen wada hadaladii diblomaasiyadeed ee labada dal dhex maray si loogu maaro helo khilaafka.

Somalia markaas waxaay Maxkamadda ka codstay inay dejiso xadka badeed ee u dhexeeya labada dal.

Dawladda Kenya waxaay 7dii October 2015 Maxkamadda u soo gudbisay is-hortaag ku qotoma awoodda ay Maxkamaddu u leedahay qaadista dacwadda iyo aqbalidda arjiga dacwadeed ee Somalia.

Kenya waxaay is-hortaageeda ku sallaysay qoraal is-afgarad ah (MoU) oo Kenya iyo Somalia kala saxeexdeen 7dii April 2009. Iyada oo ku dooday in qoraalkaasi keenayo in Somalia iyo Kenya aanay Maxkamad isla gellin ee arinkooda ku xalishaan sifo ka baxsan Maxkamadda.

Sidaasdarted, Maxkamaddu waxaay hakisay ka garniqidda nuxurka dacwadda. Waxaayna u soo jeedisay Somalia inay ka jawaabto is-hortaagga.

Somalia waxaay u soo gudbisay Maxkamadda jawaab-celinta is-hortaagga. Kadib waxaay Maxkamaddu go’aamisay inay dhegaysato 19ka ilaa 23ka September 2016 is-hortaagga ay Kenya soo gudbisay iyo jawaab-celinta Somalia.


Sidaasawgeed, waxa hada horyaal Maxkamadda waa is-hortagga ay soo gudbisay Kenya. Maxkamaddu waxaay go’aamin doontaa laba arimood midkood: (1) in Kenya ay ku saxan tahay is-hortaagga oo la joojiyo dacwadda; iyo (2) in Kenya ay ku qaldan tahay is-hortaagga oo ay tahay in la gudo galo dhegaysiga nuxurka dacwadda. Markaas kadib bay gudo gelaysaa Maxkamaddu inay dhegaysto dacwadii ay soo gudbisay Somalia ee ku saabsanayd xadaynta. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin

Sunday, 11 September 2016

Qof kastaa ciidka ma faraxsana












Ciidku waa u maalin farxadeed dadka Muslimka ah. Waa maalin midnimo oo ay ku muujiyaaan waxay wadaagaan. Somaliland si fiican baa loogu xusaa oo dadku u soo dhoweeyaan.

Haseyeeshee, cid kastaa ma faraxsana. Dadka qaar baa dagaalo iyo colaado haystaan. Dalka Suuriya dad lagu qiyaasay boqol qof ayaa ku dhintay maanta, sida warbaahintu sheegtay. Qaybo badan oo dunida Muslimiiinta ka mid ah ayaa colaado ka jiraan. Qaar kale cadaadis xoog wayn baa haysta. Kuwa kale gaajo iyo cuduro ayaa ku habsaday.

Somaliland gudeheeda waxa ku nool dad badan oo dan yar ah, kuwo xanuunno la il daran iyo kuwo xabsiyo ku jira.

Qof kasta oo maanta si caafimaad qabta ugu dabaal degaya ciidda, waxa fiican inuu isna cid kale ka farxiyo oo waxtar u gaysto. Waxtarka aad geysanaysaa ha noqoto mid ay ka faa’iidaan dadka baahida wayn u qaba.

Marka la iska war hayo ee kuwa wax haystaa ay gacan qabtaaan kuwa kale, wada jirka ayaa sii xoogaysanaya. Nabaduna way sii jiri kartaa.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin



Saturday, 20 August 2016

Janankii Samatar wuxuu ahaa buu la dhintay

















Waxa ku dhintay Maraykanka janaraal caan ka ahaa geyiga Soomaalida. Maxamed Cali Samatar wuxuu xilalkii u sareeyey dalka iyo ciidamada ka soo qabtay dawladii keligii taliska ahayd ee uu hogaaminayay askarigii macangaga ahaa ee qoriga caaradiisa ku af duubay taladii Jamhuuiryadda Soomaalida sanadkii 1969.

Samatar wuxuu noqday madaxweyne ku xigeen, taliyaha ciidamada, wasiirka gaashaandhiga iyo raysal wasaare. Marka laga yimaado Siyaad Barre, Samatar wuxuu ahaa ninka ugu cudada wayn dawladii keligii taliska ahayd ee ka gaystay dhulkii ay xukumaysay xasuuqa, dembiyada dagaal iyo dembiyo ka dhan ah banii adantinimada.

Xilka uu hayo darteed iyo shaqsiyadiisa oo ahayd mid ay naxariistu ku yar tahay, Samatar wuxuu ahaa ninka bixiya amarada ciidanka Soomaaliya ee uu u talin jiray.

Sanadkii 1988kii wuxuu sanadkii ugu dhiiga badnaa islamarkaana ay sida baaxadda leh u furatay layn iyo xasuuq aan loo kala aabo yeelin oo laga gaystay dhulka Somaliland. Samatar wuxuu ahaa hogaamiyihii ciidamada waqtigaas. Wuxuuna ku qirtay waraysi uu bixiyay inuu amarkeeda lahaa duqayntii Hargeysa lagu burburiyay 1988.

Dagaalka aynu ka hadlayno ee uu hor boodayay ee taliyaha ka ahaa Samatar muu ahayn mid ay iska hor imanayeen ciidamo hubaysan, balse wuxuu ahaa layn si toos ah loo bartilmaameedsaday dadka shacabka ah, kufsi, jidh dil iyo dembi kasta oo ay geli karayeen. Waxa lagu laayay dhulka Somaliland tobonaan kun oo qof oo shacab ah.

Waxa laga gaystay duqayn waqtigaas aan hore loo arag baaxadeeda iyo dabeecadeeda toona.
Dibin daabyada iyo tiritirka uu qaybta ka ahaa Samatar ee ay samaysay dawladii uu ka mid ahaa waa mid ay ka marag kaceen waqtigaas hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqal insaanka kuwooda ugu caansan.

Balse maragga u wayni wuxuu jooga guri kasta oo Somaliland ah. Ma jiro guri aan dhibane u ahayn layntii dawladdii Siyaad Barre. Maraggu wuxuu ka soo ifo baxaa marka roobku da’o dhulka iyada oo lafihii dadkii isku xidh xidhnaa ee shacabka ahaa ee xabaalo wadareedka lagu riday ay ku yaalliin magaalooyinka Somaliland.


Samatar wuxuu dhintay si la mid ah Gaani, Gabyow iyo kuwa kale iyada oo aan maxkamad loo soo taagin wuxuu gaystay. Waxa se jira kuwo nool oo iyana weli ku raaxaysanaya dunida iyaga oo aan la horgeyn maxkamad. Waa in laga shaqeeyo sidii cadaaladda loo soo hortaagi lahaa dhamaan kuwii geystay dembiyada.

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin 

Saturday, 13 August 2016

Cafis madaxwayne


















Wasiirka War-faafinta ee Somaliland ayaa maanta u sheegay war-baahinta in Madaxwayne Siilaanyo uu cafis u fidiyay siyaasiyiinta u dhashay Somaliland ee xilka ka haya Somalia.

Hadalka wasiirku wuxuu ku soo beegmay mar siyaasiyiinta  u dhashay Somaliland ee Xamar jooga ay ka qayliyeen qaabka loo qaybiyo saamiyada kuraasta siyaasadeed ee dalkaas, gaar ahaan Aqalka Sare ee Barlamaan la rajaynayo in la sameeyo. Waxaay siyaasiyiintaasi ku andacoodeen inay ka yar tahay xilalka loo gartay kuwii lixdankii oo ay iyagana ku tilmaameen mid aan u qalmin.

Waa arin wanaagsan siyaasad ahaan in cafis loo fidiyo si loogu soo jiido inay dib ugu soo noqdaan Somaliland oo ay ka waantoobaan siyaasadda ay hada ku foogan yihiin. Balse sharci ahaan cafiska madaxwaynuhu wuxuu u baahan yahay in uu noqdo mid sharci ku dhisan oo aanu noqon wax la mid ah hadal siyaasadeed warbaahinta loo sheego.

Qaabka loo soo saarayo cafiska madaxwaynaa, mudada uu soconayo iyo saamayntiisu intay ku eegtahay, cidda cafisku qabanayo iyo cidda aanu qabanayn waa inay tahay mid cad oo ku tilmaaman qoraal uu saxeexay madaxwaynuhu laguna faafiyay Faafinta Rasmiga ah.


Cafiska madaxwaynuhu wuxuu la mid yahay xukunka maxkamahada oo kale. Waa go’aan ka dul qaadaya qof dembi ay ahayd in lagu maxkamadeeyo. 

Guleid Ahmed Jama
Hargeisa Somaliland


Qoraalada aan boggan ku qoraa waa aragtidayda gaarka ah oo aanan cidna ku metelin 

Saturday, 16 July 2016

Maxaa laga og yahay isku daygii af-gembi ee Turkiga?













Sawirka: Istanbul 

Habeenkii jimacaha ahayd ee sabtidu soo gelaysay waxa mar qudha la arkay ciidamo xidhay buundada isku xidha dhinaca Yurub iyo Aasiya ee magaalada Istanbul. Ciidamo ayaa qabsaday telefiishankii dawladda. Waxaay sheegeen inay dalka la wareegeen. Meelo badan ayaa ciidamadu galeen.

Mudo ayaa dalka iyo duniduba jaah wareer ku jireen. Kadib waxa hadlay raysal wasaarihii dalka oo sheegay inay weli dalka maamulaan. Balse taasi xaaladda ma dejin waayo waxaan markaas war laga hayn madaxwaynaha.

Erdogan wuxuu ka soo muuqday telefiishan isaga oo ku hadlaya telefoon. Inkasta oo ay taasi cadaysay inaan madaxwaynuhu gacanta ugu jirin cidda af genbiga waday, hadana xaaladda uu ka hadlayay waxba kamay tarin inay xaqiijiso cidda Turkiga maamulaysay. Cabaar kadib ayuu mar kale shaashadaha ka soo baxay madaxwaynuhu. Markan si caadi ah ayuu u hortaagnaa warbaahinta.
Dhawaaqa u wayn ee madaxwaynuhu waxaay ahayd in dadku isku soo baxaan oo dawladiisa taageeran.

Waxa saacado yar gudohood ku cadaatay in taliyaha guud ee ciidamada dalku aanu taageersanayn af gembiga iyo weliba inuu u xidhan yahay cidda isku dayday af-gembiga. Sidoo kale taliyaha Qaybta Kowaad ee Ciidanka Turkiga oo ah qaybta ugu wayn saldhigeeduna yahay Istanbul ayaa isna hadlay oo sheegay inuu ka soo horjeedo af-gembiga.

Waxa sidoo kale hadlay madax dhawr ah oo ay ku jiraan madaxwaynihii hore, Abdullah Gül, iyo raysal wasaarihii hore, Ahmet Davutoğlu, ee dalka. Wax warbaahintu sheegtay in xisbiyada mucaaradka ah oo ay ka mid yihiin xisbiyada cilmaaniga ah inay ka soo horjeedaan isku dayga.

 

Hada waxa cad in isku daygii fashilmay oo dawladdu ku guulaysatay inay xilka sii xejisato.

Maxaa ka qaldamay af-gembiga?

Maalmaha soo socda ayaa la ogaan doonaa sida wax u dhaceen. Balse ilaa hada waxa cad laba arimood inay sahleen inuu fashilmo afgembigu.

1. Ciidanka afgembiga isku dayay waxaay ku guuldaraysteen inay qabtaan madaxwaynaha iyo raysal wasaaraha dalka. Ma jiro afgembi guulaysan karaa hadii cidda la afgembiyayo aan la qaban, la dilin ama aanay dalka debedda uga cararin. Iyada oo madaxdii dalku joogta oo weliba la hadlayso warbaahinta in afgembi guulaystaa way adag tahay.

Sida muuqata ciidanka afgembiga sameeyey ma ogayn halka uu joogo madaxwaynuhu. Goor danbe oo uu ka tegay ayay duqeeyeen. Taasi waxaay ahayd fashil wayn oo xagga istiraajiyadda ah.

2.  Waxa cadayd inaan ciidanku isku raacin falka. Waxa taas dheer in madaxda sare ee ciidanka oo ay ka mid yihiin taliyaha guud iyo taliyihii Qaybta Kowaad aanay la socon isku dayga. Tan waxa sii xoojisay fursadda ay u heleen madaxwaynaha iyo rasyal wasaaruhu inay la hadlaan shacabka sabato oo ah inta badan guulaha af gembiyada waxa keena marka loo arko in cidii afgembiga samaysay ay guulayasatay, dad badan baa iska raaca baqdin ama danaystinimo darteed.

Si aad afgemi u samaysid ciidan badan uma baahnid balse ciidankaagu waa inuu qabsadaa meelaha halbowlaha ah sida ugu dhaqsaha badan, cida aad ka soo horjeedaana waa inaanay fursad u helin inay wada xidhiidho. Intaas waxa sii dheer, maadaama oo cidda afgembiga isku dayday aanay ahayn madaxdii u saraysay ciidanka, fursad umay haysan inay ku amraan qaybaha kale ee ciidanka (chain of command). Tusaale ahaan hadii taliyaha guud la socon lahaa, markay warbaahinta la hadleen kadib amar buu ciidanka siin lahaa.

Waxa sidoo kale jira qaybo ciidamada ka tirsan sida sirdoonka oo si wayn u taageersanaa madaxwayanaha.

Guntu waxaay tahay in cidda isku dayday afgembigu ay laba arimood midkood la soo derseen: kow, inaanay ku talo gelin afgembiga oo uu qarbo qarbo ku ahaa. Laba, inay ku talo galeen balse xagga watigu (timing) uu ka soo hordhacay oo ay jireen wax dabada ka eryayey oo ku qasbay inayu ka baydhaan inay raacaan hanaan iyo farsamo cad.

Doorkii interneetka

Erdogan waxa si wayn u caawiyay interneetka. Wuxuu ka soo muuqday telefiishanka isaga oo ku hadlaya Facetime. Hadii aanu kaas heli lahayn waxa dib u dhici lahayd xiliga uu la hadlayo dadka. Mar walba oo ay taasi sii durugtona waxaay gacan siin lahayd ciidamada kacsanaa.

Khuburadu tusaale ahaan waxaay leeyihiin afgembiyadii hore ee ka dhacay Turkiga waxyaabihii inay guulaystaan sababay waxa ka mid ahaa in warbaahinta madaxbanaani aanay jirin oo kuwii dawladana ay gacanta ku dhigeeen cidii afgembiga samaysay.

Mooji inay tani wax ka bedeli doonto gacantii adkayd ee Erdogan ku hayay warbaahinta mar hadii ay qayb wanaagsan ka qaateen in laga hortaggo af gembiga.

 Yaa ka danbeeyey?

waa su’aasha aan weli cidna si hubaal ah u hayn jawaabteed. Umalayn maayo in xitaa madaxda Turkigu weli taas ogaatay. Waxa se ay markiiba farta ku fiiqeen wadaadka caanka ah ee la yidhaahdo Muhammed Fethullah Gülen oo ay mudo dher isku kacsanaayeen Erdogan inkasta oo ay markii hore saaxiib ahaayeen. Qoraalo danbe ayaynu kaga hadli doona ninkan iyo awoodihiisa.

 Reer galbeedka iyo afgembiga

Ma cadda inay sii ogaayeen afgembiga sirdoonka reer galbeedku iyo in kale. Waxa se muuqata in markii sheekadu soo baxday ay yara jaakidheen. Hadaad eegtid hadalada madaxdoodu soo saartay waxay soo baxeen mar danbe, waxaayna ku bilaabmeen hadal guud oo ah inay walaac ka qabaan waxa dhacay. Markii la ogaaday in afgembigii fashilmay ayay bilaabeen inay sheegaan inay garab taagan yihin dimoqraadiyadda.


Madaxda reer galbeedku sinaba uma rabaan Turkiga oo qasma waayo dani uguma jirto oo waa albaabka Yurub. Sidoo kale way jeclaan lahaayeen in Erdogan ka hor dhaqaaqo. Markaa waa laba daran kala dooro.